Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag



Maxaad Kala Socoto Musuq Maasuqa Ka Socda Kulmiye Uk, In Kabadan 12 Xubnood Oo lagu Kordhiyay Guddida Fulinta Iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Oo Is Casila

(Hadhwanaagnews)  Wednesday, March 10, 2010

Marka hore waxaan salaamaya dhammaan bahada Hadhwanaagnews, waxaan doonaya inaan maanta ka hadlo Xisbiga Kulmiye ee waddanka Uk oo noqday mid muran badan ka taagan yahay, Xisbiga Kulmiye wuxuu leeyahay guddi fulineed oo ka kobnayd 8 xubnood wadarta guud waa sideed xubnood. Hadaba gudida waxaa la soo doran jiray sannadkiiba mar yadoo si madax banaan losoo doranjiryay, muddo hadda ah laba sanno iyo dheereed waxaa xuurto ku haysa oo diiday in labadalo guddoomiyaha hadda ee Ibraahim huseen Dakhare, isagoo haddii lasoo hadal qaadaba ku hanjabaaya waan is casilayaa. iyo Xisbiga ayaan ka baxayaa. Haddaba guddoomiyahani wuxuu sameystay taxaluf u garab gorayeeya, ninka ugu weyna waa Xoghayaha Kulmiye ee Uk oo lagu magacaabo C/raxmaan Quful. Kasoo ay isu ka shadaan qaab kurisi difaacid. Sidoo kale waxay taladii ka goosteen guddoomiye ku-xigeenkii Kulmiye Uk, Suldaan Siciid Kabadhe oo isagu markuu arkay sida wax loowadi is casilay oo xilka iska dhiibay.

Hadda waxay maraysa in guddidii Kulmiye Uk la gaadhsiiyo illaa 20 xubnood oo u guddoomiyuhu soo xulay, isagoo magacaabay madaxyo qayral sharci ah, sida guddoomiyaha garabka haweenka iyo guddoomiyaha garabka dhalinyarada, ku waaso aan lagala tashan cid ka tirsan madaxda kulmiye ee Uk, lakiin ku kooban guddoomiyaha iyo Xoghayaha. Dadban ayaa is waydiinaya haddii kulmiye ku hamiyaayo isbadal iyo dimuquraadiyad muxuu gudihiisa uga sameyn waayay, arrinta layaabka lihi waxay tahay magacaabistan u sameeyay guddoomiyaha Uk iyo nin dhawaan loo magacaabay xidhiidhiyaha qurbajooga Kulmiye, Mr Saxardiid kamay soo qayb galin laan qudha oo ka tirsan laamaha Kulmiye Uk. Sidoo kale wuxuu Guddoomiyuhu u magacaabay West London nin ay qaraabo dhaw yihiin, isagoo si sharciga ka baxsan ugu magacaaabay.
 
Madaxda Kulmiye ee Heerqaran arrintan maxay ka ogyihiin ??
 
Waxaa jira in Xisbi kasta leeyahay mas-uliyiin arrinta u danbaysa ka godo, hadaba waxaa hadda ku sugan waddanka Ingiriiska Xoghayaha arrimaha dibada Kulmiye, Dr. Maxamed C/laahi lakiin wali kamuu hadal qaskan ka jira Kulmiye Uk, sidoo kale wali hogaanka Xisbiga ee ku sugan waddankii kamay hadal wax talo ahna ka may gaysan, yadoo uu banaanka joogo guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga ee uk Suldaan Siciid Kabadhe isagoo iska casilay markuu arkay sida wax loo wado, wuxuuna noqonayaa mas-uulkii ugu horeeyay ee ka dhiidhiya arrimaha ka socoda Kulmiye Uk.
 
Awooda guddida fulinta Uk.
 
Awooda guddida fulinta uk ee Xisbiga Kulmiye waa mid iska qayaxan waxaa loo dortay inay xisbiga ka caawiyaan arrimaha dhaqaalaha iyo shirarka dibada, waxaase cas inay guddida hadda joogta ku guul daraysatay hawshaas, guddoomiyaha Ibraahim waxaa lagu xantaa nin aan awood u lahayn dhaqaajinta hawshaas, taas oo ay cadaynayso sida ay hoos ugu dhacday kalintii Kulmiye Uk kaga jiray Xisbiga xaga dhaqaalaha, sidoo kale Xoghayaha Xisbiga ee Uk ayaa isna ah nin aan aqoon badan u lahayn arrimaha xisbinimada iyo maamulkooda wuxuuna ku yimi magacaabis odayaal, isagoo taladisii ku uruuriyay difaacida xilkaas iyo ka guddoomiyaha oo u istusay haduu meesha ka baxo inuu isna racaayo. Haddaba waxaa la sugaya halkay wax mariyaan 12 xubnood ee lagu kordhiyay guddidi tasoo u muuqata kii hadlaba in layidhi soo gal guddida oo aamus.
 
Mohamed
 
*****************************************************
Hadhwanaag marnaba kama masuul aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmaddeeda iyo xilkeedaba sida. Waxa keliya oo ay Hadhwanaag Media dhiirri gelinaysaa waa isdhaafsiga aragtida, canaanta gacal iyo talo wadaagga

Submit by:-Edit

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comGabooyenewsQarannews.somalidiasporanews.com/SomaliPCtogahererwww.aminarts.com

©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca