Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag



“Ma Dhacayso In Uu Axmed Siilaanyona Hargeysa Tamashleeyo, Xoghayaha Guud Ee Udubna Uu Geed Uu Istaago Hargeysa Ka Waayo” Cali Guray

(Hadhwanaagnews)  Wednesday, March 10, 2010

Afhayeenka xisbiga UDUB Cali Guray

Hargeysa (HWN)Afhayeenka xisbiga talada haya ee udub Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa maanta hanjabaad culus u diray dhamaanba taageerayaasha iyo masuuliyiinta xisbiga Kulimiye oo uu ku eedeeyay in ay qas iyo jaho wareer ku hayaan xisbigooda.

 

Cali Guray waxa uu tilmaamay in aanay dhici doonin in guddoomiyaha xisbiga Kulmiye uu tamashle ku  dhex maro magaalada Hargeysa, xoghayaha guud ee xisbiga UDUB-na uu meel ka waayo.

 

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta ka hadlayay xaflad soo dhaweyn ah loo sameeyay xoghayahii hore ee  maaliyada  xisbiga UCID, Keyse Cali geedi oo ka dhacday huteel Crown ee magaalada Hargeysa.

 

Afhayeenka oo halkaa ka soo jeediyay hadalo isugu jiray digniin iyo soo dhaweyn ayaa yidhi “Berigii dhaweyd ee uu guddoomiyaha xisbiga Kulmiye dalka dib ugu soo laabanayay waxa aad ka war haysaan in dacaayado raqiis ah lagu faafiyay warbaahinta isla markaana la lahaa dalka ka ma soo geli karo, laakiin waxa aad taa bedelkeeda aad arkeyseen sidii quruxda badnayd ee loo soo dhaweeyay iyo sida aanu xisbiga UDUB marnaba wax carqalad ah la damacsanayn” ayuu yidhi Cali Guray.

 

Waxa kale oo uu afhayeenka xisbiga Talada haya ee UDUB uu tilmaamay in ay marwalba ilaaliyaan xidhiidhka ka dhaxeeya xisbiyada dalka ka jira waxaanu yidhi “Anagu waxa aanu mar walba ilaalinaa xidhiidhka ka dhaxeeya xisbiyada, waxaana wanaagsan in uu istixraamku uu inoo noqdo mid inoo caado ah, laakiin waxa ixtiraamka la yidhaahdaa waxa uu u baahan yahay laba dhinac.

 

Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB ayaa waxa uu soo  maray gobolada bari, caynabo ayuu soo maray, burco ayuu barigeeda iyo galbeedkeedaba soo maray, Hargeysa marka uu marayo waxa aanu ognahay in shan jidgooyo loo dhigay, cida dhigtay iyo kuwa istaagay intaba waanu garanaynaa.

 

20-kii February munaasibad lagu xusayay maalintii dhagax tuurka ayaa laga isugu yimid fagaaraha beerta xoriyadda, munaasibadaa dad badan oo soo halgamay ayaa ka hadlay, xoghayaha guud ee xisbiga UDUB markii uu hadalka bilaabay ayaa ciyaal la soo abaabulay  oo basas lagu keenay, oo aanu garanayno hebel iyo hebelka iyo heblaayada soo abaabushay, kuwaas oo lagu yidhi marka uu codbaahiyaha qabsado qayliya.

 

Waxa la yidhi mayd maxaa ugu danbeeyay iyo kaa hada la sii sido, maalin dhaweyd waxa la igu yidhi aniga la igama casuumin, xafladii ay qabsanaysay shirkada Somtel, Axmed siilaanyo ayaa ka hadlay, hebel baa ka hadlay, xoghayaha guud ee xisbiga UDUB marka ay marayso ayaa lagu qayliyay oo awal caruurbay ahayd raggii waaweynaa ay ku qaylyeen” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga UDUB.

 

Mujaahid Cali guray waxa uu tilmaamay in ay xisbigooda udub ay ka dhamaatay dul qaadkii, isla markaana waxa u digniin tii ugu cuslayd u diray dhamaanba masuuliyiinta xisbiga KULMIYE

 

“Waxa aan maanta kulmiye u sheegi lahaa, way dhamaatay, dul qaadkii wuu naga soo dhamaaday, uma dul qaadanayno in maalin kasta inta ay dad soo abaabulaan aanu anagu ixtiraamno iyaguna ay xoghayaha guud ku qayliyaan, mana dhacayso in uu axmed siilaanyona Hargeysa tamashleeyo, xoghayaha guud ee udubna uu geed uu istaago hargeysa ka waayo.

 

Waxa aanu leenahay waanu kari karaynay anagu in aanu maalintii uu siilaanyo imanayay in aanu ciyaalka iyo dumarka soo abaabulno oo aanu ku qaylino.

 

Ugu danbayntiina waxa uu si gaar ah  xisbiga ugu soo dhaweeyay Keyse Cali Geedi oo ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee UCID “Waxa aan xisbiga  si kal iyo laab ah ugu soo dhaweynayaa Keyse cali geedi, waxaanan leeyahay keysoow haddii ay xafiisyada mucaaradka shaqo badan, wada tashi badan iyo hawlo ka socdeen halkana aad ka filayso in ay sidaas ka sii saxmad badnaato, lagama yaabo ee waa meel degan”

 

Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews

Hargeysa/Somaliland

Kurtin1982@hotmail.com


Submit by:-Husein-Dhuux

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comGabooyenewsQarannews.somalidiasporanews.com/SomaliPCtogahererwww.aminarts.com

©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca