![]() |
![]() |
|||||||
|
||||||||
|
Xisbiga UDUB Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyay Keyse Cali Geedi Iyo Weedho Duur Xul U Badnaa Oo Madasha Laga Soo Jeediyay (Hadhwanaagnews) Wednesday, March 10, 2010
Hargeysa (HWN) Xisbiga talada haya ee UDUB ayaa maanta soo dhaweyn, tii ugu saraysay ku qaabilay xoghayihii hore ee maaliyada xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Mr. Keyse Cali Geedi oo dhawaan shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xisbigaas. Xaflada soo dhaweynta oo ay ka qaybgaleen Xoghayaha guud ee xisbigaas, guddoomiyaha abaabulka iyo wacyigelinta, guddoomiyaha siyaasada arrimaha dibada, guddoomiyaha ololaha, wasiiro iyo dadweyne aad u tiro badan oo ka dhacday Huteel Crown ee magaalada hargeysa ayaa dhamaan dadkii halkaa ka hadlay ay si diiran ugu soo dhaweeyeen xisbiga. Ugu horayn guddoomiyaha abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga UDUB Mr, Maxamuud Cabdi Faarax oo isagu halkaa hadalo koob-kooban ka soo jeediyay ayaa si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyay xisbiga Mr, Keyse Cali Geedi waxaanu tilmaamay in uu yahay xubin waxyaabo badan ku soo kordhin kara xisbigooda waxaanu yidhi “Waxa aan si diiran u soo dhaweynayaa Keyse Cali Geedi oo aan anigu aqoon weyn u leeyahay, raggii aanu iska soo horjeednay ninkii ugu cadcadaa ayuu ka mid yahay Keyse waxaanan leeyahay Waanu ku sugaynayaye soo dhawoow” ayuu yidhi guddoomiyaha abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga UDUB Mr. Maxamuud Cabdi Malaw
Mr. Keyse Cali Geedi oo ah ninka xaflada loo sameeyay ayaa dadkii soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay si weyn ugu mahadceliyay, waxaanu u soo jeediyay in la ilaaliyo midnimada waxaanu yidhi “Waxa aan marka hore uga mahadcelinayaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay soo dhaweyntayda waxaanan leeyahay waad I sharafteene alle ha idin sharfo, waxaanan maanta laga bilaabo aan doonayaa in aan idiin sheego in aan ka mid ahay xisbiga UDUB, Matkii aan ka baxay xisbiga UCID, ayaan telefoonkii xidhay, muddo markii uu xidhnaa ee ay dadkii waayeen ayaa waxa ay meel walba iiga soo direen fariimo, waxaana badankooda lagu yidhi ninku waxa uu doonayaa in uu dalka dibada uga baxo, runtii taasi waxa ay iska ahayd uun mid si khaldan loo faafiyay, laakiin anigu waxa aan ahay nin mar walba jecel Somaliland, in ay horumartana maanka ku haya. Dhamaan taageerayaashayda oo ciida ka badan ayaa la tashaday waxaanan boqol qof weydiiyay bal xisbiga ay I odhan lahaayeen ku biir, 84 qof ayaa walaahi igu yidhi waxa aad ku biirtaa xisbiga UDUB, 16 dadkaas ka mid ahina waxa ay igu yidhaahdeen KULMIYE, sidaas ayaanan iminka kaga mid noqday xisbigan” ayuu yidhi. Wasiir ku xigeenkii hore ee Ganacsiga C/raxmaan Yuusuf (Cabdi Wadaad) oo isna halkaa ka hadlay ayaa si diiran xisbiga ugu soo dhaweeyay Keyse Cali Geedi waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan walaalkay Keyse ku soo dhaweynayaa xisbiga talada haya ee UDUB, waxaanan qabaa in uu Keyse waxyaabo badan ku soo kordhin karo xisbiga” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Axmed Cali Ubaxle oo isna ka mid ahaa masuuliyiinta maanta nasiibka u heshay in uu xaflada soo dhaweynta ka hadlo ayaa sheegay in Keyse uu ka mid yahay hawlkar waxaanu yidhi “Isma qabanayaan reer hebel baan ahay iyo xisbi hebel baan ku biirayaa, waxa aan doonayaa in aan xisbiga ku soo dhaweeyo Keyse.
Berigii aan wasiirnimada ku cusbaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah aniga iyo dirawalkayga oo marayna badhtama magaalada Hargeysa ay niman gaadhiga nagu gilgileen inta aan muraayada dejiyay ayaan ku idhi iminka waxa aad tihiin mucaarad, gaadhigana waxa leh dawlada, laakiin haddii aad xilka ku guulaystaan waa gawaadhidii aad maamuli lahaydeen ee ha inaga jajabinina” ayuu yidhi wasiirka warshaduhu. Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB oo isna gabagabadii xaflada halkaa hadalo koob-kooban ka soo jeediyay ayaa sheegay in xisbigoodu ay si diiran u soo dhaweynayaan Keyse Cali geedi iyo taageerayaashiisaba. Xoghayaha guud waxa uu soo jeediyay xisbiyada mucaaradka ah in ay xag-xagashada joojiyaan oo ay ku dedaalaan sidii ay si nabad ah ugula tartami lahaayeen. Waxa kale oo iyaguna halkaa hadalo koob-kooban ka soo jeediyay Wasiirada Macdanta iyo biyaha iyo wasiirku cadaalada oo sheegay in ay soo dhaweynayaan Keyse Cali Geedi. Xubno ka mid ah taageerayaasha Keyse Cali Geedi oo iyaguna halkaa hadalo koob-kooban ka soo jediyay ayaa tilmaamay in siyaasigooda u soo raaceen dhinaca xisbiga udub oo uu ku soo biiray, waxaana tilmaameen in haddii uu ka waayo waxyaabo badan oo uu uga soo digo rogtay dhinaca xisbiga UCID in ay dib ula laaban doonaan. Najax Aadan Cunaaye Hadhwanaagnews Hargeysa/Somaliland Kurtin1982@hotmail.com Submit by:-Husein-Dhuux |
|||||||||
|
||||||
| ©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca | ||||||