(Hadhwanaagnews) Wednesday, March 10, 2010
Ugu horeynta waxa aan salamayaa dhamaan shakacba reer Somaliland meelkstoo ay joogaan. Waxii cusub caalmkaa jecel,xiligana waa xiligii la wada sugayey xisbi iyo dawlad bedesha Udub,xisbiyadaasna waa Kulmiye iyo Ucud,labaduba wa ay u qalmaan hase ahatee,hadaanu nahay Kulmiye anaga ayaa ka da weyn Ucid,taladana ku haboon in aanu qabano,si kastaba ha ahatee,waxaan ka codsanaya dhalinyarada da-doodu u dhaxeyso 18 ilaa 40,wakhtigan waa wakhtigeenii aynu badali laheyn Odayasha kana qayb gali laheyn Siyaasada iyo horumarka Dalka.
DHalinyarada wadankii ku sugan waxa ay u bahan yihiin KULMIYE,waxa ay u bahan yihiin waji cusub,waxa ay u bahan yihiin dawlad shaqo u sameysa,waxa ay u bahan yihiin dawlad galabtii u sameeya dhalinyarada in ay ka qeyb galaan tartanka ciyaaraha kala duwan si ay uga soo kacan dhaqankan u bahan in la bedalo ee galabtii QAADKA loo fadhiisanyo,waxay u baahan yihiin dawlad u abuurta rajo iyo niyad wanag.
Hadaba waxa aan leeyahay dhalinyarada codkiina siiya KULMIYE,ha dhageysanina Odey dhaqameed inta uu ka tagey xilkii saarna soo dhex galay Siyaasada,Odey dhaqameedku waa in uu ku ekaadaa xeerka dhaqanka oo aynu sharaf ugu haynaa,aduunkii hada wuu is bedaley,waxa dhalinyadu u bahan tahay in is badel dhaco,in aynu eegno bal waxa ay Kulmiye iyo Siilaanyo ay ku soo kordhin karaan Dalka,hadii ay waxba ku soo kordhin waayaan,mucaarid ayeynu ku noqoneynaa waxana aynu leenayah na dhafa,kursigana waxa aynu u dhiibaneynaa Ucud iyo Faysal.
Udub iyo Riyaale waxa aan leeyahay waanu idinka daalney sida xanjadu marka ay cusubtahay u macaantahay kadibna markaa aad waxoogaa calaaliso y ka dhamaato macaanku ayad tihiin,intii aanu idin calalin lheyn waanu idin calaaliney,afkaayagu hada waxa uu u bahan yahay Xanjo cusub oo macaan,inta aanu macaanka ka dhameyneyno.
DHalinyarada hada ku sugan wadanka gudihiisa ee codka bixinaya taladu waa idinka,kuwa wax bedali kara wa idinka kuwa xaalada wadanku ka socdo jooga waa idinka kuwa u bahan in shaqo la sameeyo waa idinka,anagu waxa aanu joognaa Canad iyo America oo aan xaga siyaasad lagu caajisin 4tii sanoba waxa noo dhasha dawlad cusub,hadaba idinka ayey idinku xiran tahay taladu sida aad ka yeeshaan,idinkaa u bahan horumar,idinka ayaa u baahan is bedal,ogaada waxa aanu anagu idiin soo gudbin karnaa wa figradayada oo qudha,taladuse waa idinka,idinkaa u bahan Xanjo cusub oo macaan,ha khiyaamina naftiina ha u leexanina xaga Qabiilka iyo nin jecleysiga,ogaada waxii aynu Somaliweyn ka tabaneyney ee ka dagaalaney ee naf iyo maalba lagu wayey waxa ay aheyd cadaalad daro,iyo nin yiraa talada wadanka anigaa iska leh,cidna ilama wadaagto.
DHlinyarada walaalahay ee reer Somaliland talada iyo mustaqbalku waa inaga waa idinka odayasho waxa kaliya ee ay inoo xaadhi karaan waa wadooyinka Siyaasada,hase ahate dadka wax laga sugayaa ee h muruqa waa inaga inaguna waxa la inooga baahan yahay wada shaqeyn,dhaqankeena nin jecleysiga ee dhamaan Africa la hadhay oo aynu wax ka bedelno,hadii la rabo in aynu aduunka la qabsano,caadifaada nin jecleysiga aynu meel iska dhigno.
Nin Odey ah oo uga naxariis badan Siilaanyo wadankeena Somaliland ma jirto,uma uu gaeen duurka 1980 Muqdisho iyo Somaliweyn ayuu u ahaa Wasiirka Maaliyada,oo uu siduu rabey u noolaan lahaa haduu dawladii Kacaanka haye oran lahaa hase ahatee waa kii duurka galay,taariikhdiisu mid la qaran karo maha,Odayasheenu waxa jira dagaal hoose oo dhexdooda ka jira,Odey ayaa bari igu yiri anaga oo Canada ku cusub oo joogana,ODEY HEBEL WAXAAN KU NACAY BARIGII AANU BURCO JOOGNEY EE DHALINYADA AANU AHYN ISKUULKANA BILAABNEY nin dagaal badan oo dhib badan ayuu ahaa,intaan qosley ayaan ku iri oo ma barigaas ayuu ku diley,hada waxa aan leeyahay Odayada siyaasad isku haysta,waxa ka dhaxeeya,arimo aynaan fahmi karin oo ilaa dhalinyaradoodii ah,waa tii xitaa kaliftey in ay ula cararaan 1960 calankii koonfur Somlia iyaga oo is laha halkan waad isku dili doontaane bal dadkale dhex gala,waxa aan leeyhay tii 1960 yaaney hadana mar labaad inagu dhicin 2010.oo waxkastaba iska kala daadinin inagoo kursiga iskala lexo jecleysaneyno.
Kursigu wareegto ha noqdo,beelaha reer galbeed Somaliland markooda ha qabteen beelaha bari Somaliland markooda ha qabteen beelaha dhexe Somaliland markooda ha qabteen, dadku waa isla dadkii hase ahatee KUBADA ha la isku baaso ciyaar qurxoona ha la ciyaaro,waa in koox oran markastab hadana waa nakan,waad mahad santiin.
Waxa aynu dhowrnaaba waa doorashada uu si wacan u dhacda iyo wadankoo is bedal ka bilaabma iyo rajo cusub,guushuna raacdaa Kulmiye iyo Siilaanyo.
from.khan m farah.
Kjawil@hotmail.com