Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag



Madaxweynaha Djibouti Ismaciil Cumar Gaale Oo Ka Farxiyay Haweenka Dalkiisa

(Hadhwanaagnews)  Wednesday, March 10, 2010

Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele
(HNW)-  Madaxwaynaha dalka Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle, oo sanad walba si buuxda uga qayb qaata munaasibada lagu xuso maalinta haweenka adduunka ee 8-da bisha march ayaa  sanadkan lacag guddoonsiiyey saddex hablood oo ka mid ah wariyayaasha idaacada iyo Telefiisanka Jabuuti.

 
Madaxwayne Ismaaciil oo inta badan ka dhex muuqda xafladaha shacabkiisu iskugu yimaadaan, ayaa lacagtan uu guddoonsiiyey saddex hablood ee ka hawl-galla idaacada iyo telefiisanka Jamuuriyaddu waxa ay qayb ka tahay lacag sanad walba xiligan oo kale la siiyo haweenka kaalinta fiican kaga jira arimaha khuseeya horumarinta wadanka.

Saddexdan hablood ayaa la guddoonsiiyey lacag qadarkeedu yahay 4.5 Milyan oo faranka Jabuuti ah, iyadda oo gabadha kaalinta koowaad gashay la siiyey 2-milyan, ta labaadna waxa la siiyey 1.5 Milyan oo faranka Jabuuti ah, halka ta saddexaadna laga siiyey 1 Milyan oo lacagta Jabuuti ah.

 
Hablaha lacagta abaalmarinta ah la guddoonsiiyey, oo mid walba si gaar ah loo waydiiyey dareenkeeda ku waajahan maalinta haweenka adduunka iyo madaxwaynaha lacagta guddoonsiiyey, ayaa si farxadle uga jawaabay, iyaga oo u mahad celiyey Madaxwaynaha Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geele iyo marwadiisa Marwo Khadra Xayd, iyo  Wasiirada arimaha qoyska iyo warbaafinta Jabuuti oo ay sheegeen inay la dadaaleen..

Source:  Geeska Afrika


Submit by:-Edit

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comGabooyenewsQarannews.somalidiasporanews.com/SomaliPCtogahererwww.aminarts.com

©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca