![]() |
![]() |
|||||||
|
||||||||
|
Golaha Wasiiradda ee Isutaga Imaaraatka Carabta oo kulan ka yeeshay arrimaha Somaliya. (Hadhwanaagnews) Wednesday, March 10, 2010
Shirkan ay yeesheen gollaha wasiirada oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Magaaladda Dubai ayaa waxa ka soo qaybgalay inta badan wasiiradda ay ka koobantahay Xukuumadda Imaaraatka Carabta,waxaana ay si weyn u falan qeeyeen arrimaha cakiran ee ka jirta dalka Somaliya.
Wasiiradda ayaa soo hadal qaaday xaaladda nabadgalyo ee ka jira dalka iyo kan BinŽaadanimada,waxaana ay dhamaantood isku raaceen in ay ka xunyihin dagaaladda u dhaxeeya dhinacyada iskasoo horjeeda.
Si kastaba ha ahaatee, Gaba gabada kulanka ayay Wasiiraddu ugu baaqeen dhinacyada isku haya talada iyo Siyaasadda dalka Soomaaliya in ay wada hadalo nabadeed yeeshaan isla markaana ka shaqeeyaan aayaha dalkooda hooyo.
Hassan YeeY
HWN/Qaahira Submit by:-Hasan-Yey |
|||||
|
||||||
| ©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca | ||||||