![]() |
![]() |
|||||||
|
||||||||
|
Qofka aduunka ugu da’da weyn ayaa la shaaciyay inay tahay haweenay 130 jir. Daawo sawirka. (Hadhwanaagnews) Wednesday, March 10, 2010
Dowladda ayaa intaasi ku dartay inay hayso cadeymo muujinaaya in Mrs Antisa Khvichava jirto da’daasi iyadoo ka codsatay Buuga Mucjisada Caalamka ee Guinness World Records diinwaangalinta Antisa, taasoo hadii ay dhacdo ka dhigaysa ruuxa ugu cumriga dheer aduunka. Antisa Khvichava waxay dhalatay 1880, iyadoo 130 sano ay u dhamaan doonto 8-da July ee sanadkan. TV-yada dalkaasi Georgia ayaa muujiyay Antisa iyadoo la joogta caruurteeda qaar ka mid ah, caruur ay ayeeyo koobaad, labaad iyo sedexaadba u tahay maalintii dorraad ahayd oo ku aadanayd Maalinta Haweenka Aduunka. Xasan Cadde hadhwanaagnews
KL Malaysia. Submit by:-Hasan-Yey |
|||||
|
||||||
| ©2001 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved. Designed by Wiseweb.ca | ||||||