Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wada Hadalka Dhex Mari Doona Somaliland iyo Somalia. Ma Noqon Doona Mid Midho Dhala Mise Wuxuu Noqon Doona Wada Hadalkii Bariga Dhexe oo Kale?


(Hadhwanaagnews) Tuesday, June 19, 2012
Melbourne, Australia: (HWN) Waxa ugu horeyn salaan qaali ah mudan dhamaan bahweynta ku soo aroorta

Melbourne, Australia: (HWN) Waxa ugu horeyn salaan qaali ah mudan dhamaan bahweynta ku soo aroorta shabakadan caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com meel kasta oo ay dunida dacaladeeda ay ka joogaan. waxaan jeclahay in aynu maanta mar labaad aynu yara lafa gurno wada hadalkan kacaa kufka ku jiray ee hada u bilowday labadan wadan ee walaalaha ah ee kala ah Somaliland iyo Somalia. Hadaba waxaydun hore uga dheehateen shabakadan Hadhwanaagnews maqaal kan ka horeeyey oo soo baxay 15/04/12. maqaalkaas oo aynu kaga faaloonay isla markaasna ku lafa gurnay arintan ah wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somalia.



Hadaba waxa is waydiin mudan maxaa ka soo bixi doona wadahadalkan, maadama ay meeshan ay


socdaan laba arimood oo runtii aad isku maan dhaafsan, kuwaas oo kala ah. 1) Somaliweyn ku soo biira, iyo kusoo biiri mayno. Hadaba wax kasta oo laga wada hadlaayo waxay ku qurux badnaayeen ayaan qabaa in bal marka hore Somalia la dejiyo, dhamaan argagixisada dalka ka hawl galaysana laga wada saaro dalka oo si fiican looga wada sifeeyo, nabad gelyadii iyo kala danbayntii la soo celiyo, ciidamadan shisheeye dalka ka baxaan, baarlamaan xor ah la soo doorto, oo aan ahayn mid Shariif Sakiin kolba sidu rabo ka yeelaayo,  waa in madaxweyne si cadaalad iyo dimoqraadiyadi ku jirto loo soo doortay oo aanu noqon mid Mr Augustine P. Mahiga kuu soo xulin oo uu dalkani yeesho isla markaasna dawlad hagaagsan oo dhamaystiran Somalia yeelato.  Walow anigu shaqsiyan aan ilaa hada aaminsanahay in Mr Mahiiga uu yahay madaxweynaha Somalia ee maanta jira. The legitimate president of Somalia.


Hadaba in la wada hadlaa waa wax fiican oo runtii loo baahan yahay, dawlad kasta oo dawlad kale la hadlaysaa waa in ay marka hore ahaataa dawlad dhisan oo nidaamsan oo dhamaan shuruucdii iyo haykalkii dawlad nimo oo dhamays tirani uu ka muuqdo. ka dib ayaa laysa soo hor fadhiisan karaa sidii laba dawladood oo kale, laakiin maamul ku meel gaadh ah oo weliba dagaal ku jira habeen iyo maalin, oo hada lix wiig u dhiman yahay, oo waxay saxeexaan iyo waxay yidhaahdaan meel loo raaca aanu jirin, waxa laga wada hadli doono iyo waxa laysku af garan doono anigu ma garan.  Run ahaantii in la wada hadlaa oo wada hadal la furaa waa wax fiican oo labada dawladood ee Somaliland iyo Somalia ay dan weyni ugu jirto, laakiin miyaanay ka habooneen in Dawlada Somaliland ay sugto inta Somalia ay cagaheeda si buuxda iskugu taagayso. waa shay mihiim ah in loo caqli celiyo in dadka wixii aan taariikhda waxba kala socon in dib wax loo baro oo dib loo saxo waa wax aad iyo aad u mihiim ah ayaan qabaa, Hadaba waxa is waydiin mudan, dawlada Somaliland yey rabtaa in ay la hadasho. Hadii dawlada Somaliland ay leedahay waxaanu rabnaa in aanu la hadalno Mr Agustine P. Mahiga oo aanu kala hadalno arimahayaga oo isaga aanu shir la galno, waa wax la fahmi karo, sababtoo ah in badan ayaa laakiin waxaanu wada hadal la furaynaa maamul ku meel gaadh ah oo bil iyo badh u hadhsan tahay oo meel walba dagaalo kaga socdaan, runtii anigu waxaan u arkaa wax lala yaabo, sababtoo ah waxba kama soo baxayaan ayaan qabaa, aan ahayn "Shinbirayahow Heesa"  Waxa aduunyada soo maray wada hadalo badan oo badankoodu midho dhalay qaarna laga quustay in laga gaadho wax natiijo ah, hadaan tusaale ahaan u soo qaato heshiisyadii kala ahaa sida:
The Democratic Republic of Congo (DRC) Peace process. The Angola Peace Process. The Liberian Peace Process. The Northern Ireland Peace Process. The Sudanese Peace Process. The Sri Lankan and The Middle East (Israeli-Palastinian) Peace and reconciliation Process.


Hadaba waxa hubaal ah in waxan oo wada hadal nabadeed ah ee kor ku xusan ee ay beesha caalamku dabada ka riixaysay mudada dheer in badankoodu fashilmeen gaar ahaan sida The Sri Lankan Peace Process iyo The Middle East Peace Process, oo run ahaantii ahaa kuwa ugu darnaa ilaa hadana aan wax xal ah aan laga gaadhin. walow uu soo af jarmay iyadoo wax xal ah aan beesha caalamku ka gaadhin, dagaalkii dheera ee qadhaadhaa ee naafeeyey wadanka Sri lanka, laakiin khilaafkii siyaasadeed ee bariga dhexe uu weli sidiisii u taagan yahay wax xal ah oo ilaa hada laga gaadhayna haba yaraate aanay jirin. Hadaba markaan kor iyo hoos aan ka eegay waxan oo shirar nabadeed ah waxaan is idhi arinta Somaliland iyo Somalia waxay isa shabahaan arintan bariga dhexe ee aan xal laga gaadhi karin. taas oo ah kaaf iyo kala dheeri, halka ninka Falastiinigi uu u soo joogay dhulkiisii oo xoog lagaga qaaday oo yuhuud yurub laga soo raray la soo dejiyey oo isagii maanta qoxooti yahay, halka ninka Yuhuudigina aaminsan yahay in uu yahay dadkii ilaahay doortay ee dhulkan markoodii horeba laga qaaday (The Chosen People) isla markaasna aaminsan in Falastiiniganiba uu yahay soo galeeti dhulka awalba xoog ku haystay!!!.


As a matter of fact, based on this valuable revelations perfectly stated as above, it´s somehow quite obvious that any future Somaliland-Somalia peace reconciliation process, interms of recreating what used to be called the "Greater Somalia" has long been clinically dead. And would not possibly recover consciousness or perhaps would be materialized ever under any circumstances as long as the reality on the ground has been consistently and deliberately been ignored by those lunatic and politically immature individuals. On the otherhand, you could simpley imagine, how on earth a country still burning and at war within and desperately struggles to win over a formidablle terrorist organisation who are so determine to fully control of their own destiny by all means neccassery. Can simply think of starting any sort of negotiations with an already stable and flourishing democratic nation........ I sincerely believe the fact that we are still dreaming!!!!  Anyway, the integrity and sovereignty of the Democratic Republic of Somaliland must be respected, always.

Markaas siday xaqiiqdu tahay waxa meesha taala waa kaaf iyo kala dheeri, waxaan maqli jiray heestii odhan jirtay "Hadaba ibtilo waatane, inaga afgarad yaa inoo sameeya". Waynagan oo isku daalnaye maxaa inoo dana. Hadaba hadaan khiyaaligan ay ku dhaqmayaan Somaliland iyo Somalia aan la joojin ee ah waxaanu ka wada hadlaynaa wax aan suurto galayn. sababtoo ah Somaliland abid ma ogolaan doonto in ay dib ugu soo biirto Somali-weyn. Walaalahayaga Somaliweyna abid ma ogolaan doonaan in Somaliland ay noqoto dal madax banaan. Markaas maxaa xal ah. miyaanay arintu noqonayn "JUG JUG MAHAAGA JOOG" waxa hubaal ah sidaan qabo in marka danbe Maraykanku soo magacaabi doono ergay gaar ah oo loo yaqaano "Special Envoy for Somaliland and Somalia" oo u qaabilsanaan doona xaga arimaha isku biirka mustaqbalka. Ergaygaas oo labaatanka sano ee soo socda booqashu ku tegi doona isla markaasna ukala dab qaadi doona Xamar iyo Hargeisa. sidii ninki la odhan jiray Mr Richard Hallbrook  (The late special envoy for the Middle East Peace Process)  ee kabuhu kaga dhex dhamaadeen sidii uu marna Yuhuuda u lahaa idinkaa Gar-leh, marna Falastiinta uu u lahaa idinkaa Jid-leh.   
 
 
 
Sharmake Yuusuf Nuuryey  (BALISHIRE)
Hadhwanaagnews/Office
Melbourne/Australia.
 
Email:
balishire@live.com.au


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.