London-(HWN)-Shirka London ee Somliland iyo Somalia oo ah mid allaabadu u xidhan yihiin iyo Shariif iyo Siiraanyo oo la filayo in ay fool ka fool ku kulmaan wadan ka mid ah kuwa Khaliijka.
Shirka dawlada Ingriis-ku u qabatay Somaliland iyo Somaliya ee maanta oo bishu tahay 20-kii Juun lagu qabanyo tuulo duleedka magaalada London ku taal, ayaa ilo xogogaal ahi sheegayaan in uu yahay mid albaabadu u xidhan yihiin, isla markaana aan la ogolayn cid dheeraad ku aha eragda labada dhan ee iyagu ka soo kala ambo baxay Hargeysa iyo Muqdisho. Taas macnaheedu waa goobta shirka looma ogla wakiilada Somaliland iyo Somalia ee London ama xubno Soomaali ah oo goobjoogu yimaad, isla
markaana looma ogola saxaafadu in ay ka soo agwareegto. Hase ahaatee shirka kuma koobna dhinacyada la isa soo horfadhiisinayo iyo dawlada Ingriiska ee marti galisay, wax iyaguna ku wahelinaya wafti ka socda wadamada Talyaaniga, Norway iyo wafti ka socda Midowga Yurub iyo xubno ka socda AU-da.
Shirka ayaa la sheegay in qorshihiisu yahay in lagu lafo guro sidii ay Somaliland iyo Somalia u wada shaqayn lahaayeen iyo sidii ay u wada qorshaysan lahaayeen habka ay u wadaagayaan samafalka dhaqaale ee lagu bixiyo magaca Somalia inta ay dhan u dhacayso arinka kala guurka Somaliland iyo Somaliya iyo sidoo kale inta ay Somaliya ka gudbayso hanaanka Ku-Meel-Gaadhka ah ee TFG oo ku eeg bishan 8aad ee sanadkan.
Shirkan lagama wada hadlayo wax ku saabsan midnimada Somaliya iyo Somaliland, hase ahaatee waxa uu gogol xaadh u yahay sidii loogu amboqaadi lahaa arinka xasaasiga ah ee ah sidii ay Somaliland iyo Somalia u kala guran lahaayeen midwogii 1960-kii ee burburtay. Shirkaa oo aan cayinan goorta iyo goobta uu ka dhacayo, marka laga reebo shir la sheegay in ay wado dawlada Imaaraadka oo ka wakiil ah wadamada Carabta ooay ku doonayso in culays lagu saaro Somaliland sidii ay uga qayb qaadan lahayd in Somaliya lugaheeda isku taagto, taas oo dadka qublamaasiyada u dhuundaloolaa ku tibaaxeen in Somaliya ay casharo ka qaadato Somaliland habka ay uga gudubtay xaaladihii shabahayey kuwa Sooomaaliya ee soo maray iyo in la soo gaadhsiiyo Soomaaliya heer ka Somaliland ka hor inta aan dib loogu noqon midnimadii 60-kii iyo kawada hadalkeeda.
Ilo xogogaal ah ayaa Shabakadda Calamaiga ah ee Hadhawanaagnews U xaqiijiyey in shirkan lagu wargaliyey dhinacyada Somaliland iyo Somaliya ee ku kulmaya in aanay buunbuunin, isla markaana waftiyadu ay isla habeenka khamiista ee maalinta 2aad ee shirku dhamaado toos uga dhoofayaan London, inkastoo dhinaca kale warwarka qaar sheegayaan in laga yaabo in waftiga labada dhan ay qaar kam id ah maalmo siijoogaan London. Sidoo kale waxa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in madaxweyne Shariif iyo madaxweyne Siiraanyo ku kulmidoonaa dalka Imaaraadka Carabta oo la sheegay in ay danaynayaan in ay Somaliland iyo Somaliya wada heshiiyaan, iyagoo waliba wata argti uu Shariif iyo xukumadiisu ka dhaadhiciyeen oo ah in sida Imaaradka oo kale ay Somaliya oo Somaliland ka mid tahay laga dhigo, wadamada imaaraadka oo Qadar ka mid tahay ayaa iyaguna dhaqaale galiya dib u dhiska Somaliya. Hase ahaatee ma jiraan wax warar ah oo beeninaya ama xaqiijinaya warkaas oo dhanka xukumada Kulmiye ee Siiraanyo hogaaminayaa ay kaga hadlayso. Waxase ay intaas soo saaraysaa warsaxaafadeedyo u muuqda kuwo shacabka Somaliland lagu dajinayo, shacbigaas oo tuhun weyn ka qaba habka ay u maaraynayso xukumada Siiraanyo arinkan Soomaaliya oo la og yahay in ay tahay mid aan lahayn dawlad kawada wakiil ah oo wadankaas kawada talisa, isla markaana ah mid liidata oo cimrigeedu gabaabsi yahay, wixii ay kula heshiisaana aanu meel mar u yeelanayn mar haddii khilaaf hogaamada Somaliya ragaadiyey 21-kii sano ee la soo dhaafay ee ay Somaliland iyadu dhankeeda wax u qabsatay.
Iskusoo duuboo Waxaase la eegaa waxa ka soo baxa shirkan lagu qabanayo tuulo kutaal duleedka London, siiba deegaanka Surrey ee dhanka Koonfur-Galbeed ee London ku beegan.
Hadaba Waa Maxay Aragtida ay ka dhiibanayaan dadka reer Somaliland Shirkan UK oo ah mid busto lagu dadayo marka loo eego kii London ee Bishii 2aad ee sanadkan 2012 ka dhacay taasoo ay Xukumada Siilaanyo u Muuqatay mid shacabka Ollele galisey sidii ay muujin lahayeen mowqifkii ay gaareen 21 sano ka hor, hadaba Muwadin kasoo dhiibo rayigaa sidaad U Aragto Shirkan ka dhacaya deegaanka suuri ee UK. Malinta Khamiis.
Emailkan kusoo hagaaji Farintaada si aanu kuugu dabacno fikirkaagana lawadaag shacabkaaga.
Hadhwanaagnews