Fadlan Caawi wiilkan yar oo 5 Sano jir la ildaran xanuun ka haleelay wadnaha waxana xanuunkani uu sababay in wiilkan yar laga soo dhuro Calooshiisa Biyo aad u badan
Nuur yare Ma neefsan karo, ma istaagi karo, jiifkuna waa ku dhib, waxaana uu imminka laga soo saray Cisbitaalka magaalada Burco kadib markii ay sheegeen in xaaladdiisa caafimaad aan dalka gudihisa waxba lagaga qaban Karin, waxaana wiilkan yar cisbitaalka ka soo saaray Dad hor ilaahay u caawinaya qaadhaan iyo lacago dhakhaatiirta hargaysa loogu geeyona iska ururiyey, wiilkan yar ayaa sida Dhakhaatiirtu sheegeen wadnuhu daloolaa, waxaana ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay Dalloolka wadnahaasi uu sababayo inaanu si fiican
u neefsan una istaagi Karin wiilkani, kuna sugan yahay xaalad caafimad darro tii u darnayd.
Hooyo caasha Axmed Diiriye oo ah Hooyada Dhashay wiilkan yar ee xanuunka la ildaran ayaa Hadhwanaagnews uga warbixisay xaaladda wiilkeeda, waxay sheegtay in ay wiilka yar ka soo qaday Baadiyaha Gobolka Saraar isla markaasna ay yihiin qoys xoolo ahaan iyo dhaqaale ahaanba aad u itaal daran, waxay sheegtay in ay dhashay Toban (10) Carruur ah , balse uu kani uu ka xanuunsanayo dhakhaatiirta Dalka Badankoodana ay la martay balse dhakhtar waliba kula taliyey inay wiilka meel aan Dalka gudihiisa ahayn u qaado maadaama xaaladdiisa caafimaad halis ku jirto, waxay sheegtay in mudo Bil ku dhow oo ay cisbitaalka ku haysay ay Dawooyinka iyo cuntada ba ka kaalmaynayeen dad muxsiniin ah oo hor ilaahay u caawinayey balse aanay jirin haysanina Dhaqaale ay dhakhtarkan ku timaado ama mid kale ku geyso.
Haddaba Xaaladda wiilkan yar oo ah xaalad khatar ah, isla markasana ay dhakhaatiirtu sheegeen haddaan degdeg dhakhtar dibadeed loogu qaadin ay noloshiisu halis tahay ayaa ummada muslimiinta ah meel kastoy joogaan looga codsanayaa inay soo kaalmeeyaan islamarkaasna badbaadiyaan naftaasi iyo wiilkaasi xaaladda khatarta ah ku sugan,iyadoo cid kasta oo jecel inay soo caawiso ama khayrka iyo sadaqaatka jecel ay kaalmadooda ugu so hagaajin karaan Xawaaladda Dahabshiil Burco gaar ahaan Ac/No DB8300.
Waxayna ku soo qori karaan CAASHA AXMED DIIRIYE oo ah hooyada canuga dhashay iyo telefoonka 4411480 Hadhwanaagnews.
Alle ha idin gargaaree u gargaara wiilkan dhibaataysann ee xanuunka la ildaran