Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Urur-siyaasadeedka RAYS Ibraahim Cali Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey dhamaan madaxdii iyo taageerayaashii Ururka RAYS ee ka soo qeybgalay iclaaminta lixda murashax ee tartanka doorashada Golayaasha deegaanka uga qeybgeli doona Ururka RAYS, isaga oo ku tilmaamay murashixiintaasi inay yihiin kuwo cudud cudud taageero haysta oo ay soo xuleen.
Xafladan aad ka soo qeybgasheen maanta waxa weeyaan soo bandhigida murashixiinta Xildhibaanada doorashada golayaasha deegaanka uga qeybgeli doona Ururka RAYS oo ah dhalinyaro daacad, aqoonyahan, iyo xilkasnimo isku darsaday, haystana taageero buuxda oo coded.Ayuu yidhi Ibraahim.
Guddoomiye kuxigeenka Urur-siyaasadeedka RAYS Md.Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo munaasibadaasi ka jeediyey khudbad cajiiba ayaa waxa uu u mahad-naqay Madaxda, Cuqaasha,Haweenka,dhalinyarada iyo taageerayaasha Ururka RAYS ee munaasibada ka soo qeybgalay.
Munaasibadan aad maanta ka soo qeybgasheen waxaanu ku soo bandhigi doona hormadii ugu horeysay ee murashixiinta Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa Iyo Salaxlay nooga qeybgeli doona. Haddii aanu nahay Ururka RAYS waxaanu soo sharaxnay dhalinyaro aqoonyahana, dhiig firfircoon uu ku jiro oo taageero buuxda haysta markaa waxaan leeyahay dhalinyaradan waa in loo codeeyaa, oo ay weliba taageeraan dhalinyarada ay matalayaan.Ayuu yidhi Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare)
Guddoomiye Kuxigeenka Ururka RAYS Aadan Dhoolayare waxa uu u rajeeyey inuu ururkoodu ka mid noqdo sadexda Xisbi ee soo baxa,waxaanu ku baaqay oo uu soo jeediyey Waxaan soo jeedinayaa oo aan leeyahay Murashixiinta xildhibaanada Golaha deegaanka waa in gobolkasta laga soo sharxaa cidda deegaan ahaan u dhalatey si aanay wax baddani isku dhaafdhaafin.Ayuu yidhi Aadan Dhoolayare.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhiTaageerayaasha Ururka RAYS meelkasta oo ay joogaan waxaan leeyahay waa inaad Xildhibaanada murashixiintan ee daada yar soo saartaan, wax baddan ayey wax ka qaban doonaan
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay lixda murashax ee Ururka siyaasadeedka RAYS uga tartami doona Caasimada Hargeysa iyo Salaxlay, waxaanay magacyadoodu kala yihiin sidan:
1. Ilhaan Xassan Cali
2. Sakariye Cabdi Sulub
3. Cabdishakuur Maxamed Ismaaciil
4. Xasan Saleebaan Fiyoore
5. Maxamed Muuse Cabdilaahi
6. Buraale Shanfool
Dhamaan lixda murashax ee doorashada Golayaasha deegaanka ee tartanka xildhibaanimida oo halkaasi ka hadlaya ayaa waxa uu mid waliba madashaasi ku soo bandhigay waxa ku kalifay inuu isa soo sharxo, waxaanay si isku mida uga codsadeen taageerayaasha ururka RAYS iyo dhamaan dhalinyarada inay codkooda siiyaan.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland