Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wefti Miisaan Culus Oo Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha GolahaWakiillada Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Magaaladda Ceerigaabo


(Hadhwanaagnews) Friday, July 06, 2012
(HWN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag,

Ceerigaabo(HWN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxaana magaaladda Hadheeyay samxadda Taageereyaashiisa iyo Gaadiidka ay wateen.
 
Guddoomiyaha Wakiiladda waxa duleedka magaalada Ceerigaabo kaga horyimid Salaadiin, dadweyne tiro badan oo ka mid ah taageereyaashiisa gobolka Sanaag iyo masuuliyiinta ururka WADANI ee magaaladaas.

Guddoomiyaha ayaa hadal kooban oo uu u jeediyay taageereyaashii soo dhaweeyay waxa uu uga mahad celiyay sida diiran ee ay ugu soo dhaweeyeen gobolka Sanaag, waxaanu tilmaamay inuu socdaal

shaqo ku yimid gobolka Sanaag.
Md. C/Raxmaan Cirro waxa uu sheegay inuu ka qeyb gali doono shirka loogu magac-daray Tallo iyo Towfiiq ee beelaha Habar-yoonis uga socda buurta Daallo ee duleedka Magaalada Ceerigaabo. Kaasi oo uu carabaabay inuu maalinta Sabtida ka qeyb geli doono.

Boqolaal ka mid ah taageereyaasha ururka WADANI ayaa sufuuf u taagnaa jidadka magaalada kuwaasi oo ruxayay calanka ururkaasi iyo sawirka Hoggaamiyahooda.

Hadhwanaagnews/Office

Ceerigaabo/Somaliland

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.