Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Midowga Afrika oo Ciidamada Kenya Ku Wareejisay Hoggaanka Howlgalada Ka Socda Gobolada Koonfurta Ee Dalka Soomaaliya


(Hadhwanaagnews) Saturday, July 07, 2012
Muqdisho-(HWN)- ciidamada dowlada Kenya ee qeyb ta ka ah howl galka nabad ilaalinta ee Amisom ee ka socda dalka Soomaaliya

Muqdisho-(HWN)- ciidamada dowlada Kenya ee qeyb ta ka ah howl galka Nabad ilaalinta ee Amisom ee ka socda dalka Soomaaliya ayaa markaani si toos ah loogu wareejiyay Hoggaanka Howlgalada Ka Socda Gobolada Koonfurta Ee Dalka Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa lagu sheegay kadib markii la soo saaray Bayaan ay ku saxiixnaayeen Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM Andrew Gutti iyo Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Boubacar Diarra waxaana lagu sheegay in Kenya hada kadib ay maamuli doonto Howlgalada Ka Socda Koonfurta Soomaaliya.


justify">Bayaanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ay gaarayaan ilaa iyo 4,664 oo askari isla markaani ay qabteen howl galo badan oo gobolada koonfurta Soomaaliya looga sifeeyay kooxda Al Shabaab sidaa daraadeedna loogu warejiyay maamulida goboldaasi sidaana waxaa yiri Boubacar Diarra.

Boubacar Diarra oo ah Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in dowlada Kenya ay si toos ah ula wareegtay hogaaminta dagaalada koonfurta Soomaaliya iyadoon sii dhameys tiri doonto dagaalada wali usii harsan.

Bishii October ee sanadkii hore 2011 ayay aheyd markii ciidamada kenya ay soo galen xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan halkaasina ay si weyn umaamulayeen Xarakada Al Shabaab balse hada ay noqotay meel lagu kala cararay oo ciidamada Kenya ay si buuxda amaankeeda usugayaan.

 

Xasan Kuuriya

Hadhwanaagnews/Office Muqdisho

kuuriya@hadhwanaag.org


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.