Hargeysa(HWN)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa khamiistii xulay guddi uu hoggaaminayo Madaxweyne xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil, kuwaas oo uu sheegay inay geli doonaan qaban qaabada soo dhawaynta Raysalwasaare xigeenka Turkiga Mr. Bekir Bozdag oo uu sheegay inuu Sabtida maanta safar ku iman doono Hargeysa.
Sida ay Geeska Afrikau sheegeen ilo xogogaali Madaxweynuhu wuxuu hadalkan ka sheegay shirkii golaha wasiirada ee khamiistii oo uu sidoo kale ku xulay guddigaas, waxaanu ku taliyay in si culus loo soo dhaweeyo maadaama oo uu yahay masuul sare oo ka socda dawlad magac ku leh dunida. Hase yeeshe isla gelinkii dambe ee