lawada dhashay yeysan khalkhal inagu abuurin. Ayuu yidhi Galaydh, waxaanu intaas raaciyay, Cadowga Dhulbahanate wuxuu joogaa Garowe iyo Gaalkacyo, Shacaka SSC waa dad aan waaici ahayn, ama markii hore waxa ay filayeen ha badnaado, markaa in dadkan loo sheego in arrimuhu intaas ka qoto dheeryihiin waa muhiim.
Isagoo ka sii hadlaya maamulka Puntland, wuxuu intaas raaciyay Dhulbahantoow yaan la idinku beer laxawsan Maamulka puntland ayaa xun ee dadka weynu wada dhalanay, xaqiiqada jirtaa waa maamulka iyo majeerteen waa isku mid, waana cadowga dhulbahante, waxba yaan hadalkaa la idinku beerlaxawsan waa siyaasad cusub in waxaa lainagu mashquuliyo. dadbaa idinku akhriyaya waynu wada dhalanay, war waxaa yaan laidinku beerlaxawsan.
Wuxuu Cali soo jeediyay in laga hawlgalo sidii ay maleeshiyaadka khaatumo ciidamada Puntland uga saari lahaayeen degmada Taleex oo ay hadda ku suganyihiin.
Cali Khaliif, wuxuu ka hadlay Garaadada Dhulbahanate eek u sugan magaalada Muqdisho, oo uu sheegay inay hawlo siyaasadeed u joogaan, waxaanu tallo ku soo jeediyay in dhaqaale loo sameeyo si ay hawsha u wadaan.
Cali Khaliif oo ay khudbadiisu qaadatay 29 Minit, wuxuu inta badan ku soo bandhigay colaadda uu u qabo beesha Majeerteen ee dhisatay maamulka Puntland, waxaana Cali Khaliif xilligaas khadka telefoonka kula jiray Garaad Jaamac Garaad Cali, Dr. Cali Ciise Cabdi iyo rag kale.
Waxa isna halkaas ka hadlay Cabdikariim Xasan Jaamac, oo ahaan jiray wasiirkii warfaafinta ee dawladii hore ee Sheekh Shariif, waxaanu sheegay in siyaasadda dawladda ku meelgaadhka ah ee Somaliya ay hadda ku jiifto siyaasadda Khaatumo, waxase uu ku taliyay in loo samro.
Source: Geeska Afrika