Hargeysa (HWN) Warshadda Sharaabka ee SBI ayaa carwadda ganacsiga maanta ku soo bandhigtay wax soo saarkeeda.
Carwaddan oo shan maalmood ka socon doonta hoteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa afar maalmood ayaa waxa maanta xadhiga ka jaray Wasiirka ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Warshadda sharaabka ee SBI oo dhawaan uu madaxweynaha Somaliland xadhiga ka jaray ayaa waxa ay soo bandhigtay wax soo saarkeeda iyada oo dadkii madasha ka soo xaadiray ay ka wareereen.
![]()
src="http://www.hadhwanaagmedia.info/attached/u_70749d_2012-7-7-14-35-6f_3.jpg" width=600> |
|
Masuuliyiinta Warshadda Sharaabka oo uu hor kacayay Axmed Cismaan Geelle ayaa waxa ay dadka uga sheekeeyeen wax soo saarka warshada iyo ilaa hadda sida ay u socoto.
Warshadan oo ah tii ugu waynayd ee tan iyo markii ay Somaliland xornimadeedii halawday dib ugala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Somalia laga hirgeliyo, ayaa waxa ilaa hadda laga shaqaalaysiiyay kumaanaan ka mid ah dhalinyaradda reer Somaliland.
Waxaanay noqonaysaa shirkadii ugu horeysay ee munaasibadda xadhig ka jaristeeda ay ka soo xaadiraan masuuliyiin xilal sare ka haya dawlado kala duwani ay ka soo qayb galaan.
Mudada ay socoto carwadda ayaa la filayaa in ay ku soo bandhigaan wax soo saaro kala duwan kuwaas oo ay warshaddo soo saarto.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Najaxcunaaye52@gmail.com