masuuliyada saaran ama lahayn aqoon kabta xilka siyaasadeed ee uu hayo iyo inay ka maqan tahay khibrad siyaasadeed. Waxa uu ahaa nin aad dhegaysanayn dadka la hadlaya ama jeceluun in tiisa la qaato, waxa uu had iyo jeer hadalkiisa ama argtidiisa saldhig uga dhigayaa qabyaalad iyo aragtiyo naxli abuurii kara, wuxuu u arkaa awooda dawlada mid maaliba cida haysaa sida aydoonto ka yeeli karto, waxaa kaloo danbiilayaal u arkaa cida maamulka wax ka sheegta.
Waxaase iigu yaab badnayd maraan wax ka weydiiyay kulmiye oo aan ka mid ahay iyo doorashada deganka ee soo socto iyo fursada xisbiga, waxaana uu iigu jawaabay xoog iyo xoolaba waanu kusoo baxaynaa taas oo aan ku cel celiyay hase yeeshee jawaabtiisu isku mid ahayd markasta. waxaan ku idhi anigu kulmiyaan ahay mana jecli in xoog iyi musuqmaasuq la isticmaalo ee miyaanay khalad ahayn in aragtidaadu sidaa ahaato, waxaanu iigu jawaabay cid xukun sii daysaa ma jirto waanuna ku talo galnay inaanu soo baxno. waxaa aad iiga yaabisay ayaan darada dalkan haysata hadiiba marba shkhsi aragtiyahaa lihi awooda dalka gacanta ku hayo ama talo badan ku leeyahay.
Anigu halkaa ayaan horta kaga baxay kulmiye waayo waxaan la dagaalamayeey fikirka noocaas ah iyo argtiyaha aan haba yaraatee wax yeelo mooyaane aan wax faa´iido ah u lahayn umada reer somaliland.
Wax badan ayaan iska indho tirir jiray dhaleecooyinka dawlada waxaanse ogaaday in wax badan khaldan yihiin, umadda reer somaliland na aanay helin isbedelkii ay doonayeen ee ka saari lahaa dhibaatooyinka ku gadaaman nolosha.
mubaarak cabdisalaan qabile
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga