cabina ku timaado jawi ka duwan jawigaas hore.
Waxay hadaba khubauradan baadhitaanka samaysay ogaadeen in caanahan caruurtu soo cabeen ay saameyn wayn ku leedahay xoolahani cutada ay soo cuneen ama daaqa ay soo daaqeen. Caanahan laga soo liso adhiga ama loda ayaa la ogaaday in ay ku jiraan maandooriyayaal ka yimid jaadkii ay xoolahani soo daaqeen isla markaasna wax ka bedelay dabeecadii caruurta marka caanahan ay caruurtu cabto,khuburadan ayaa ogaatay kadib markii ay u kuurgaleen dabeecadaha ay ku arkeen caruuru markay cabaan caanahan isla markaasna ku tilmaamay sidan. waxaad arki ilmo orodaya maantoo dhan, hadalbadan, baahi badan, dulqaad yar, hurdo yar farxad dheeraad ahi ka muuqato. Dabeecadahaas ayaa kuburadani ku sheegeen inuu leeyahay maandooriyahan jaadku ama wax yaabaha kalee maanka dooriyaa.
Waxa kaloo la ogaaday in caruurta kale ee la siiyo caanaha saxda ah ee laga soo liso xoolaha duur joogta ah ee daaqa saxda daaqa ay ka degen yihiin caruurtan kale, dabeecada caruurta aya ah midd degen,ahna tan qofka caadiga ahi leeyahay, waxay khuburadan u kuurka gashay ku tilmaameen in caruurtani yihiin kuwo aan xanaaqlahayn, baahibadan lahayn, sifiican u seexda, cuntadada si fiica u cunaan, orodbadan iyo firfircooni dheeri ahi kuma jirto inta caadiga ah marka laga reebo.
Hadaba hadii aad leedahay xoolo sida adhi ama lo magaalada daaqsin ka hela sida qashinka jaadka ama garaabada waxaad ogaataa in caanaha aad ka maashaa xoolahan ay ku jiraan maandooriyaal saamayn ku yeesha dabeecada qofka khaasatan caruurta. Hadaba hadii aad u malaynaysid dabeecadan ilmaha yar ka muuqanaysa markaad siisid caanaha inay tahay mid caafimaad waxaad ogaataa in caafimaadka ilmahaasi wax iska badeleen kadib cabidii caanaha iadooy sabab u tahay maandooriyahan ku jira caanaha. Waxaay ku tilmaameen khuburadani in ilmahani sakhradaysanyahay inta caanuhu jidhkiisa ku jiraan( mudo kooban)
Khuburadan ayaa markii ay baadhitaan xoogen sameeyen waxa ay ogaadeen in caruurtani marka ay koraan ama waynaadaan ay u baahandoonaan maan dooriyahan jaadka, kaasoo saamayn ku yeeshay ama falgal ku samyeeyey dheecanadii jidhka isla markaasna caadi u noqondoona caruurtaas halka kuwa kale ay dareemayaan markay cunaan in isbadel dabeecadoodii ay ku dhacday.
Khuburadan ayaa hadaba u bildhaaminaysa bulshda in kharta ka dhalan kartaa ee bulsho ay aad u balaadhantahay isla markaasna uga digaysa bulshada khaasatan kuwa xoolha ku dhaqda magaalada dhexdeeda inay ka ilaalshaan in xoolhu daaqaan cunaan garaabada jaadka
ALLAA MAHAD LEH: towfiiq
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga