faarax ay isku raacday in ay caaqil u doortaan Caqil Axmed Xasan Jamac-Dhaglas oo ka mid ahaa odayaasha beesha.
Oday Axmed Xirsi Yusuf Ubraas oo ka mid ah odayaasha Beesha Bayle faarax , Oday Yaasin Liiban Faarax oo ka mid ah Guddiga Degmada,Maayarkii hore hore ee Qoriyaale Cali yabal Nur Yusuf, iyo weliba Xaali Gurey oo ka mid ah haweenka Deegaankaasi, ayaa dhammaantoodba madasha caleemo saarka caaqilkani ka hadlay, waxayna xuseen inay soo dhoweynayaan caaqilkan cusub ee beeshu dooratay, iyagoo ugu duceeyey in ilaahay masuuliyaddaa culus ee uu qaaday u fudaydiyo, sidoo kale waxay u mahadnaqeen xubnihii iyo guddigii iyagu sida gaarka ah u soo agaasimahay shirkan dhowrka maalmood ka socday deegaanka warta bayle ee gebogabadiisii lagu doortay caaqilkani cusub, waxay sheegeen in caaqilkani aanu ahayn caaqil isagu soo doontay xilkan ama isagu is magacaabay, ee u uyahay caaqil beeshu u dhan tahay oo beeshu u garatay lana doonatay inu reerka hogaamiyo oo uu caaqil u noqdo, waxay ilaahay uga baryeen inu ka dhigo kii si caddaalad ah oo nabadgelyo ku hogaamin lahaa beesha.
Ugu danbayntii Caaqil dahir maxaxmud Maxed iyo wefti madaxdhaqameed iyo odayaal isugu jira hogaaminayey laguna soo dhoweyey deegaankaasi una yimi caleemo saarka caaqilkani, waxa uu sheegay inu soo dhoweynayo caaqilkani cusub una ducaynayo, isago xusay inaanay wax ugub ah oo imminka bilow ah aanay ahayn in reerku caaqil doorto ama mid ka mid ah odayaasha iyo raga beesha la soo xusho oo la maamuuso, wuxu ugu duceeyey inilaahay u fudaydiyo xilkaasi culus ee uu qaaday maanta kadibna uu ka mid yahay kuna soo biiray cuqaasha Dalka Somaliland.
WARKAN OO VIDEO AH LA SOCO GOOR DHOW
Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)
Hadhwanaagnews Burco / Office
Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com