Dhallinyaradda Saaxafada ka hawlgasha iyo dhalinyaradda NGO-yadda ka xoogsata,ayaa isku haysta jiritaanka af-soomaaliga iyo la dagaalanka af soomaaliga, halka dhalinyarada NGO-yadda ka shaqaysaa ay inta badan isku dayaan inay ku hadlaan erayo ingiriisi ah,kuwaas oo jahawareer ku riday dadka soomaalida ah ee ay la hadlayaan, gaar ahaa dadka ku nool miyiga oo aan afkoodda mooyee af kale marti u noqon, halka arrintaasi cakiskeeddana ay sameeyaan dhalinyaradda ka hawlgasha saxaafadda oo dagaal adag ka galay in aanu lumin afkeenna hooyo, maadaama oo bulshadeeni weerar ku tahay burburka af soomaaliga.
115%; FONT-FAMILY: ´Arial Narrow´,´sans-serif´; FONT-SIZE: 16pt">Inta badan dhalinyarada NGO-yada iyo hayadaha caalamiga ah ka shaqeeya ayaa marka ay hawlo ka fulinayaan miyiga ku hadla erayo badan oo af qalaad ah, kuwaas oo ku dhex dara af soomaaliga ay ku hadlayaan marka ay hawlo ka wadaan meelaha miyiga ah, iyagoo intoodda badan aan dadku fahmin fariinta ay sidaan ee ay isleeyihiin dadka u gudbiyo, nasiib daro 90% dadka ay hawlaha u fulinayaan ma fahmaan gun-dhaca hadalkoodda.
Wakhtigii dadku intoodda badan badow ahaayeen ayaa qofka dhawr eray oo ingiriisi ah ku hadla loo haysan jiray qof aqoonyahan ah oo la odhan jiray hebel waa jaamici, waayo af ingiriisi ayuu ku hadlaa, haddaba maanta oo dadku wada aqoonyahan yahay wax kasta la wada bartay in isagoo dadkoodii oo miyi jooga oo xoolahooda dhaqanaya kula hadlo erayo af qalaad ah maxay daaran tahay, ma sidii hore ayey wali dhallinyaradani aaminsan yihiin in dadkaasi miyiga jooga u haystaan inay jaamiciyiin ku noqonayaan erayo ingiriis ah oo lagu hadlo, mise waa dhoolotus uu qofkaasi ku horowsanay dadka miyiga jooga ee ceelasha ama hawlaha kale ee hayadoodu u qabanayso uu iskaga dhigayo qof aqoonyahan ah.
Waa nasiib daro in dad badan oo dhalinyaro ahi wanaag iyo darajo moodaan in erayo af ingiiriisi kula hadlaan dad aan wakhtigu u saaximin inay waxbartaan, isla markaana iskaga dhigaan dad ka aqoon sareeya halka uu afkiisa hooyo ku faani lahaa, isla markaana u raadin lahaa erayo waaweyn oo dadkii hore isticmaali jireen.
Halka dhallinyaradani ay u doonayaan inay dhaqankii iyo luuqaddii af soomaaliga dhalan rogaan oo la moodo inay mashruuc ku qaateen walaaqida iyo dhalan raggo af soomaaliga oo marmarka qaarkood ninkii gaalka ahaa ee la socday ee doonayey in dadka uu u turjimo ayey isaga laftiisa u baahdaan in looga turjumo, maadaama oo aanu af soomaaliga rasmi ah ku hadleen, taasina waxay keentaa is fahan laaanta hayadihii iyo dadkii hawsha loo waday, maadaama oo dhalinyartoodii ay ka doorbideen erayo af ingiriis ah mararka qaarkoodna ku odhanaya eraygaasi muxuu af soomaali ku noqonayaa, waa af kii lagu dhalay ee laga yaabo in aanu waligii ka dhoofin oo uuu meeshii uu ku dhashay joogo.
Dhinaca kale, halka dhalinyaradaasi ajanabi la shaqaysta jecelyihiin inay ku hadlaan erayo qalaad waxa jira dhallinyaro kale oo dhaqankaas gaallo jecelka ka soo horjeeda oo u hiiliyey af soomaaliga, isla markaana ilaaliya inay af soomaaligu lumo ilaa imikana uu dhankoodda ka taagan yahay.
Dhallinyaraddan hawsha adag bulshadda u haysaa waa dhalinyaradda ka shaqaysa Saxaafadda oo intoodda badani isku dayeen inay af-soomaaliga aanu lumin, waxaana habeen iyo maalin u taagan yihiin in aanay qorin ama tabin luuqad aan ahayn af soomaaliga, iyagoo ka taxadaraya inay ummadda akhrisanaysa ama dhagaysanaysa u gudbiyaan erayo af ingiriisi ah, mararka qaarkoodna wakhti ku qaadato inay erayo ku haboon oo af soomaali ah u gudbinayaan dadka, si ay bulshadda dhaqankooda iyo luuqadooda hodanka ah ugu ilaalin lahayd, iyagoo dagaalka kula jira dhigooda hayadaha ka shaqeeya ee fidinaya luuqado ajanabi.
Dadweyaha ayaa marka aad aragtid ama qof ka mid ah dhalinyaradaasi ama masuuliyiinta qurbaha ka timid oo hadlaya isla markaana doonaya inay dadka wax u sheegaan ay adag tahay inay fahmaan mararka qaarkoodna caruurtoodda ka codsada inay u turjumaan kolba halka uu fahmi oo ay yidhaahdeen muxuu hooyo u jeedda, halkaasna ciyaalkooddu mararka qaarkood turjumaan u noqdaan waalidkii Tv-ga ka daawaney masuulka hadlaya.
Hadaba, dadka inta badan dilaaga af soomaaliga ah waa laba qaybood oo bulshadda ka mid ah, waa masuuliyiinta qurbojoogta ah oo dhaqan iyo caaddada ummadda fahmeen, tusaalayaalna usoo qaata wadamada galbeedka, waxa ku xiga waa dhallinyarada dhaqan aan dhoofin loo yaqaan ee NGO-yada ku maxaafadsada, kuwaas oo ahmiyadda koowaad galiyey inay ku hadlaan luuqadaha qalaad, ma garan karo inay qolooyinka cadaanka ah ku dhow-dhowaanayaan iyo inay bulshadda tusayaan inay ingiriisiga yaqaanaan, laakiin qolooyinkaasi aanu soo tilmaamnay waa qolooyinka loo baahan yahay in laga adkaado, isla markaana weerarkaasi ay af soomaaliga iyo dhaqanka ku yihiin awood kale oo dheeraad ah lagga hor keeno ama iyaga laftoodda laga wacyigaliyo si aanu afafka ay jecel yihiin ee ay fidinayaan oo bari dhow dhici kartay inay dadku eray soomaali ah ka dhigtaan, oo eraygii la mid ahaa uu meesha ka baxo.
Si kastaba ha ahaatee, waxa loo baahan yahay sidii af soomaaliga loo ilaalin lahaa, dhaqanka suuban iyo caadooyinka soo jiraanka ah ee dadku isku tabiyey qarniyo lagu xusi lahaa, marka waxaaan farayaa dhalinyarada luuqada qalaad jecel inay afkooda ku raaxaystaan oo ay ku faannaan, waxaanan ku soo gabogabaynayaa heestii Cali Sugule ee ahayd Af Qalaad aqoontu miyaa:
Af qalaad aqoontu miyaa
Af qalaad aqoontu miyaa?
Maya, Maya!
Maahee af qalaad, aqoontu miyaa?
Maya, maya!
Mahee, waa intuu qofba Eebbe gashaa
Ayey nala tahay anagee, ma ogtahay
Dib looma abuuro dadkee..
Barkhad-Ladiif M. Cumar
E-mail:barkhadladiif@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland