Hargeysa(HWN):-Carwadii labaad ee ganacsiga Somaliland ayaa maanta si rasmiya uga furantay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Furitaanka carwada labaad ee ganacsiga Somaliland ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka mida golaha wasiirada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed,wasiirka cadaalada Xuseen Axmed Caydiid,wasiirka Kaluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel Jire,wasiirka Beeraha Prof:Faarax Maxamuud Cilmi Geedoole,wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed samaale,wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami marti sharaf kale iyo dadweyne aad u tira badan.
FONT-FAMILY: ´Arial Narrow´,´sans-serif´; FONT-SIZE: 16pt">Ugu horayn munaasibada lagu furayey carwada labaad ee ganacsiga Somaliland waxa ka hadlay gudoomiyaha guddida qaban qaabada carwadan Cali Maxamed Yuusuf waxaanu sheegay inay xil wayn iska saareen sidii ay carwadani u qabsoomi lahayd waxaanu yidhi marka hore waxaan u mahad celinayaa masuuliyinta qaranka,ganacsatada iyo dadweynaha ka soo qayb galay furitaanka carwada labaad ee ganacsiga Somaliland, carwadan mudo badan ayaanu ku guda jirnay inaanu qabano qaybteeda labaad iyada oo ay hore noogu soo qaybsoontay qaybteedii koowaad.
Sidoo kale wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo isaguna ka hadlay furitaanka carwadan ayaa sheegay inay ka markhaati kacayso horu marka uu wadanku gaadhay waxaanu yidhi carwadani waxay ka marag kacaysaa horu marka uu wadanku ka gaadhay dhinaca ganacsiga,waxaana loo baahan yahay in la horu mariyo ganacsiga wadanka.ayuu yidhi wasiirka gaashaandhigu.
Wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka bada Cabdilaahi jaamac Cismaan Geel jire oo isaguna ka hadlay munaasibadan lagu furayey carwada labaad ee ganacsiga Somaliland ayaa ku hanbalyeeyey ganacsatada sida ay uga qayb qaadanayaan carwadan waxaan hanbalyeynayaa cid kasta oo soo qaban qaabisay carwadan, waxaanan ku hanbalyeynayaa ganacsatada Somaliland sida ay uga qayb qaateen carwadan.
Wasiirka maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isaguna ka hadlay munaasibadan lagu furayey carwada ganacsiga Somaliland ayaa ganacsatada ugu mahad celiyey sida ay u bixiyaan cashuurta ku waajibtay.
Ugu danbayntii wasiirka ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo si rasmiya xadhiga uga jaray furitaanka carwadan ayaa sheegay in xukuumadu dhiiri gelinayso ganacsiga bulshada Somaliland aad ayaan u hanbalyeynayaa carwada labaad ee ganacsiga, waxaanan rajaynayaa in mudada ay socoto laga faa,iidaysan doono, waxaan sidoo kale u mahad celinaya ganacsatada ku soo bandhigaysa alaabahooda kala duwan ee ka qayb qaadanaysa carwadan.
Waa markii labaad ee magaalad Hargeysa lagu soo bandhigo carwada noocan oo kale ah iyada oo hore loo hir geliyey carwadii koobaad ee ganacsiga Somaliland oo la mid ahayd tan maanta la furay.
Cabdirisaaq Good Nuur
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Goud423@gmail.com