Saylac waxey Xoriyadoodii usoo Celisay Maxaabiistan iyadoo Taliyaha Saldhiga Ciidanka Booliska Degmada Saylac Keyse Suudi Caraale Barqadii Saaka horgeeyay Maxkamada Degmada Saylac islamarkaana uu ka dalbadey Gudoomiyaha Maxkamada in Maxaabiistan lagu Qaado Xeerkii Gudida Nabedgelyada haseyeeshee, uu Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Saylac Sheekh Ibraahim Cabdi Faxal uu ka diidey Taliyaha SaldhigaCiidanka Booliska Degmada Saylac inaan wax talaabo ama xukun ah lagu qaadi karin ilaa loo helo Markhaatiyadii iyo Cadeymaha loo hayo dambigooda sidaa daraadeedna uu Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Saylac kusii daayey Sagaal iyo tobankaa Maxbuus, shan iyo toban kamid ah oo saaka maxkamada la horgeeyay taas oo sababtey in ay siweyn isugu khilaafaan labada masuul Islamarkaana Taliyihu ka cadhooday talaabada uu Gudoomiyaha Maxkamadu qaadey.
Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Saylac Sheekh Ibraahim Cabdi Faxal oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews ugu waramey khadka telefoonka isagoo jooga Magaalada Saylac ayaa xaqiijiyay, in khilaaf xoogani soo kala dhex galey Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Saylac islamarkaana, uu af lagaadeeyay Taliyhu Keyse Suudi Caraale una hanjabey isaga (Xaakimka), kana dalbadey in uu Xukun bilaa Dambi iyo cadeyn ah ku rido Maxaabiistaasi , Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Saylac Sheekh Ibraahim Cabdi Faxal oo arintaasi iyo sidii ay u dhacdey ka hadlaya waxa uu yidhi.
"Wax alla wax ragaa lagu eedeynayo waanu arki weynay anagu waxaanay ahaayeen labaatan ku dhawaad dhamaantoodna waa muwaadiniin hebel iyo hebel loo garanayo ,waxaanu igu yidhi Taliyaha Saldhiga Booliska Saylac waala soo raafaye xukun laakiin marki aan ka dhugtey nuxurka dacwadiisa waxaan ugu jawaab celiyay, macquul ma aha hadaad tidhaahdo ninkaasi khamriga ayuu cabi jirey haseyeeshee, aan lagu hayn khamriga iyo quruuradii sidee bay ku suurta galeysaa in la hayo, halkani waa Xagaah iyo kuleyle waxaanay ragaasi xidhnaayeen Sideed caana maal oo aanay maxkamadu ka warheynin sidee bay ku suurta galeysaa in la haysto bilaa sabab ama aan anigu Xukumo waan sii daayay waananu isku af dhaafney aniga iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Saylac, kadibna anigii Xaakimka ahaa ayuu ii hanjabey, waxaanu galey kiis kale oo ah hadaad ragaa Xukumi weydo waxaan tuuri doonaa kiiskii kubsiga ahaa ee aan hayay oo ah laba hablood oo yaryar oo la kubsadey arin aan aad ula yaabey weeyaan waxaanan hada sugayaa Masuulyiintiisii laakiin sharci ahaan xadhig ayuu naga muteysanayaa garana maayo waxa uu iigu hanjabayo, isagoo i leh Gudidii Nabedgelyadu hada majirtee ragan Xukun oo u jar bilaa cadeyn bilaa dambi iyo wixii lamid ah Sharcigana meelna kagama jirto raafkan hala Xukumo"Ayuu yidhi Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Saylac.
Waxaanu hadalkiisa kusoo xidhey in uu sugayo inta Masuulyiintii Qeybta ee Gobolka Salel imanayaan sharcigana uu marinayo xadgudubka Taliyaha sida uu hadalkiisa u dhigey.
Taliyaha Saldhiga Ciidanka Booliska Degmada Saylac Keyse Suudi Caraale ayaa isaguna dhinaciisa ka hadley dhacadadan isagoo sheegay in ay iyagu saluugsan yihiin talaabada uu qaadey Gudoomiyaha Maxkamadu, waxaanu dhinac isga rixey in aanu u hanjabin Xaakinka isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi.
"Talaabadaasi uu Gudoomiyihu ku si daayay Ragaas aboolayaasha ah ee aanu haynay maalmihii u dambeeyay waxey noqotey mid cidii maqashaaba yaabtey, anagu wax dacwad ah kamaanaan gudbin isaga, Gudoomiyihuna wuu wada yaqaanaa ragan oo kun jeer ayaanu hor keenay, anigu maan hor tagin saaka laakin telefoon ayaanu kawada hadalney sidaasaanu yeelay waxbana maan khilaafin Anigu”Ayuu hadalkisa ku soo xidhey Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Saylac oo isaguna khadka telefoonka ugu waramey Shabakada Wararka Hadhwanaagnews isagoo Galabta jooga tuulada Lowyacado sida uu sheegay.
Maxabiista ooda laga qaadey oo u waramey Shabakada Wararka Hadhwanaagnews ayaa iyaguna sheegay in ay si sharci ah usii deysay Maxkamada Degmada Saylac kadib markii lagu waayeey wax dambi ah oo ay u xidhnaayeen mudo sideed maalmood ah islamarkaana sheegay in ay labadii maalmood ee u dambeeyay ka soomeen cunada, Waxa kale oo ay xuseen in ay galabta gaadheen Tuulada Lowyacado ee laga soo xidhey.
Masuuliyiinta Gobolka Salel ayaa iyagu xilgan ka maqan gobolka siad maayirkii iyo mas uuliyiintii kale
Hadhwanaagnews Office Gabiley