Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Gabaygii 36aad “Sidig iyo lammaan” ee Silsiladda Sallaamaleey


(Hadhwanaagnews) Saturday, July 07, 2012
Waa ila maroor sida ay rag badan oo ka mid ah abwaannada ku kulmay silsiladdani u hawadiyeen ama u hannaaniyeen

Waa ila maroor sida ay rag badan oo ka mid ah abwaannada ku kulmay silsiladdani u hawadiyeen ama u hannaaniyeen hab dhiska iyo dhacdaasha hogagelinta suugaanta.

Waxaa sidoo kale ila maroor ah nactooyada iyo cadaawa tujuunka aan dhiifta ka madhnayn ee lays waydaarsanayo.

 

Murtidu waxay leedahay hidde iyo dhaqan. Waxay ku abyoontaa hannaan wacan iyo hufnaan badan. Waa la haasaawayaa, ninba sibay ula muuqataa abwaan Xasan

Burco isaga waxay ula muuqataa in dharaarinta la bood boodayo oo aan meesinkii raadcaynta u baahnaa wali la raad goobin. Tabashada jaadkaas ah isagoo ku taakinaya suuganna wuxuu tiriyay Sidig iyo lammaan, waxay tidhi:

 

Gabaygii: Sidig iyo lammaan

 

Sooryaa la siiyaa ninlkii socoto kuu keentay

Waa loo sed buriyaa agoon sabada kuu joogta

Sakaa loo aruurshaa wadaad sikhiga diimeeda

Saraa loo hayaamaa abaar seenyo [1] daaq weyday

Sin baa laga maraa belada oo micida soofeysay

Salkaa laga unkaa xaajadii seegta marinkeeda

Warankaanad soofayn karayn samayna loo waayay

Saabkaa lagu illaawaa intuu sanacu toosaayo

Salaankaaynu fuullee cirkaa saruu abbaaraayay

Sakalaha ku googa’ani way kala sarreeyaane

Sinnaantoodu waa kala mid iyo derejo saynsaaban [2]

Saba maqashu daaqdidiyo darbay leegtay sebigaadhe

 

Darna suudda geel gaadha iyo socod cabbaar weeye

Darna waa sawaal jiidashoo samada weeyaane

Sulaadiinta gabaygaay murtida saxa abbaarteeda

Soomaali weeyaan afkuye suga hannaankiisa

Wuu saymo badanyee is jira socod habeenkiiya

Sogsog iyo dhirbuu jiidhayaa suumanka adkaysta

Saldhigiisu waa arar awaal lagu sargooyaaye

Sinaha iyo geesaha docaha sarraxa soo jeeda

Saantiisu waa qurux midhaha laysa saaraaye

Waxa lagu saltaaraa tiraab dhaqan ku suurayne

Suubanida weedhiyo edaab ereyo soohsoohan

Surma seegto waa ceeb suryiyo sudhayo laalaade

Mar hadduu sidii saar Carbeed sadarba meel sheego

Sarriig malaha suugaantu oo waa midho u suurayne

Saxashada sandaar lagu qufacay sigasho weeyaane

Soomaali doonkiyo arlada sebenku aafeeyay

Sookeeyaha is diidiyo tolkaa kala sibqee dheelmay

Aduunyadu sir weeyaan ninkii seeman moodoowe

Ninba sawrac gaaray indhuhu siinayaa muuqe

Dadka kii sibraha uun arkee aan madaxa suuraynin

Iyo kii ilaa sinaha dayay waysa seegeene

Anse igala saan weyn intuu gabaygu saameelay

Dhaqankeennaa suuliyo hiddaha sumad u yeelkiisa

Sees u dhigidda hadalkeenna lumay saaruf ku illawga

Soofka iyo xoolaha madhee gaal sumaynaayo

Soddohaha maryaha laga dhigee debedda loo saaray

Sinji dhaanka inamada ku dhacay timaha soohsoohan

Saxalkiyo mariiqiyo fiddaha ubadka saameeyay

Sakaarada la dhoofshee dhulkale safarka loo geeyay

Suuq geynta Geedaha la solay ugubka sii raacay

Sedka tegay intaa maaha ee saayidbaa jira

Soohaaha joojoo ka kaca sahashi waa mooge

Sidigtiyo lammaanaha is dhalay seeddigiyo wiilka

Dadkan kala sedraacdee midkood sahanku eynfaadshay

Soo noqoshadoodiyo midnimo dib u samaynteedu

Waa saqafkii gurigee toloow [3] seeskiibaa maqan

Nin sawaadyar dhaafsaday naflaha Dunida guud saaran

Saancadlaha arlada saanyadee qoysba sin u leexshay

Siduu dhigay hadday beentahoo laga sal guuraayo

Afrikaanku suu rabo hadday saaka noqonayso

Suqadari [4] dalkeenay ahayd sebenkii wiil waale

Siiyallona way maqantahay waana Soomaale

Sin galbeed waxaa inaga xayiray sawdintuu dhigaye

Sarta durugsan ee Cali Sabiix sibirta Lawyaale [5]

Sureeriga [6] Cartiyo Diridhabiyo Dikhil suwaarkeeda

Waa geyiga Soomaali oo wayna soocmeene

Sedka wayn lammaan ka tegaye selela oo toosa

Nin layidhi salaax madaxa oo sabarka taataabtay

Inuu sugay hilaaddii kolbuu maanku siiyaaye

Suxul iyo badhbuu moogan yahy socod ku tooskii

Siday odayo sheegeen duqay sayncaddihii dheelmay

Wiil segegeraa beri la yidhi soo dabaal Geele

Seere jiqa markii uu galee kala sifaar doontay

Saddexduu arkaayuu la jiray subixii maantaase

Inuu sugay ammaanada ayuu maanku siiyaaye

Soddon neef ayaa sadhagga jaray siibtay oo tegaye

Sedka wayn lammaankaa maqane selela oo toosa

Tallankaygu suu yahay haddaan belo I saandoorin

Soomaali laan way dhawday sooryo iyo maale

Haday soocdo Geeleeda oo summad ku lishaanto [7]

So’da looga xero dhigay ma foga ee saba-rog [8] weeyaane

Sedka wayn lammaankaa maqane selela oo toosa.

 

Ereyadii

Xasan Burco Qarrog@hotmail.com



[1] Geela

[2] Taash madax sayn-saab

[3] ilmaadeerayaal

[4] Gabal-badeed ku taalla badda cas oo yamani haysato

[5] Lawyacaddada danbe

[6] wareegga

[7] Sumad ku sugto

[8] Kala gurid “xoolaha badan oo labao laoo qaybiyo”

********************************************************

 

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.