Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Xaflad Balaadhan Oo Loo Sameeyay Daah Furka Xafiiska Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Uu Ku Yeelan Doono Bariga London+Daawo Sawiradda


(Hadhwanaagnews) Monday, July 09, 2012
Xaflad Balaadhan Oo Loo Sameeyay Daah Furka Xafiiska Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Uu Ku Yeelan Doono Bariga London

London (HWN) Waxa Xalay oo taariikhdu ahayd 08/07/2012 Lagu qaqbtay Bariga magaalada London xaflad si meeqaam saraysa looso agaasimay oo lagu furayay xafiis cusub oo urur siyaasadeedka Xaqsoon uu ku yeelan doono Bariga magaalada London.

Xafladan oo lagu qabtay Hoolka Bariga London iyo guud ahaan magaalada londonba caanka ka ah ee Oxford House.


mso-margin-bottom-alt: auto" class=MsoNormal>Xafladan oo ay soo buux dhaafiyeen Taageerashaasha Xaqsoor ee Bariga magaalada iyo Guud ahaan Caasimada London ayaa waxa ay ahayd mid dadwaynuhu aad uga mafsuudeen sida ay maamulku hawsha u wadeen iyo gar ahaan murtida iyo kaftanka layku waydaarsanayay Xaflada dhaxdeeda.

Xaflada waxa furay Rashid Ali Maygaag Samatar oo ah xubin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Xaqsoor isagoo faahfaahiyay qorshe ujeedooyinkooda mudada dhow iyo taageerada uu u hayo xisbigiisa mar uu Rashid ka hadlayay gudoomiyaha xaqsoor Xasan Cise Jamac wuxuuu yidhi.
“ Anigu Rashid ahaan waxaan waxkuso bartay India markaa wadankaas aan waxkusoo bartay waxa aad looga danbeeya Gandi oo ahaa nin tarikhdooda meel dheer kaga jira anigoo maskaxdayda kaashanaya waxaan leeyahay Xasan ciise oo ay isku Mihnad aqooneed iyo muqaalba isku yara dhawyihiin Xasan wuxuu yahay noqona doona Gaandiga reer Somaliland oo Islaamnimona u dheertahay.
Sidoo kale waxaa isna madasha ka hadlay Mohamed Awil oo ah siyaasi reer Laascanod ah oo ka mida gudida fulinta ee Xaqsoor mujiyayna sida ay ugu hanwaynyihiin xisbigooda iyo gudoonkiisaba mar uu reer Boorama la kaftamayayna wuxuu yidhi “ Amaah kugu raagtay yadaa baad mooda” oo uu u macneeyay reer sool inbadan ayay saaxada siyaasada ka maqnaayen imika iyo wixii ka danbeeyana madaxwayne nimo ayaanu u taaganahay.
Sidoo kale waxaa isna madasha hadal qiimobadan kasoo jeediyay gudoomiha ku meelgaadhka ah Xaqsoor qaarada yurub .

Waxa iyana Hadal qiimobadan ka soo jeedisay madasha Fadumo Suldaan oo ka socotay garabka haweenka Xaqsoor ee UK, iyado sheegtay sida magaca xisbiga ka muuqata in xaqsoor uu dumarka xaqooda ilaalin doono insha allah.

Sido kale waxa madasha ka Hadlay Siyaasi Maxamed oo ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo tilmaamay sida ay ugu faraxsanyihin mid ka mida himilooyinki kulmiye ee ahaa inay xisbiyada furan inuu kaso qaybgalaay fulintoodi oo manta xisbiyo cusibi tartamayaan sido kale wuxuu intaas ku daray sida uu Xaqsoor iyo Maamulkiisa iyo siyaasadiisaba ugu hanwaynyahay.

Ka dib fikiro badan oo kasoo qaybgalaayu is wadaarsadadeen waxaa xaflada hadal aad u qiimobadan iyo kaftan kusoo gunaanaday Maxamed Ibrahim (Qabo) oo ah wakiilka guud ee Qaarada Yurub xisbiga Xaqsoor, Maxamed wuxu sheegay in cidkasta oo reer Somaliland ah sida ka muuqata magaca xisbiga uu mansab ugu banaanyahay xaqsoor soona dhawaynayaan dadkiina wuxu uga mahadceliyay kasoo qaybgalka ay kalasoo qaybgaleen isagoo sheegay in xafladii ugu waynayd ay 13 jul jimcaha ka dhacayso galbeedka magaalada London tageerayshana u sheegay inay kalasoo qayb galaan.

Abdinasir Hangagaar

London, UK

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.