Initiatives For Stabilization(TIS),Waxay ku sheegtay inay lacagbadan ku bixiyeen sidii Somaliland iyo Somalia wax loogaga qaban lahaa meelaha baahiyuhu kajiraan,lacagtaas oo ay sida ay sheegtay haweenaydaasi ay u sii marinjireen markii hore hay´adaha aan xukuumiga ahayn ama NGO-ga,laakiin sida ay sheegtay hada ay ka aaminkabaxeen hay´adahaas oo ay ku tilmaamtay kuwo wax isdabamarintu ku badantahay isla markaana aan sidii larabay wax u qaban.
Miss Angela waxay kulankaa kaga dhawaaqday in hada wixii kadanbeeya aanay hay´ada USAID la macaamilidoonin NGO-yada,balse ay toos ugu gudbindoonaan waxay bixinayaan bulshooyinka gudaha iyo maamulada jira,waxay kaloo sheegtay in hadaba ay toos u siiyaan lacago bulshada gudaha joogta,kuwaas oo ay ka midtahay $3 million oo Dolar oo ay USAID siisay gobolka Hiiraan si ay Madaar ugu dhistaan.Sidoo kale sarkaal ka tirsan isla xafiiskaa ayaa isna sheegay inay siiyeen $400,000 oo Dollar bulshada ku dhaqan meelaha ay saamaysay Budhcad badeedu si ay ula dagaalamaan.
Somaliland.....
Waxay aad ugu dheeraatay Miss Angela Yoder-Maine,Somaliland iyo Xukuumadeeda oo ay sheegtay inay aad iyo aad ula dhacsan yihiin sida wanaagsan ee ay isumaamulayaan iyo hanaanka caalamiga ah ee ay dowladu u shaqaynayso,isla markaana ay ugu xidhantahay bulshooyinkeeda una gaadhsiinayso mashaariicda meelihii loogu talagalay.
Waxay Miss Angela ku amaantay wasiirka wasaarada qorshaynta Dr Sacad Xaaji Cali Shire sida hufan ee uu howlaha horumarinta u maaraynayo,waxaana hadaladeedii ka mid ahaa"Dr Sacad waxaanu u dhiibnay lacag si uu ugu bixiyo kolba wixii bulshadu doorbidayso in loofuliyo,tiina sideedii ayay u fushay."
Waxay intaa ku dartay oo tidhi"waxaan Xukuumada Somaliland uga mahadcelinaynaa aqbalaada ay naga aqbashay inaan wada shaqayno,si aanu isaga kaashano howlaha mashruucan(TIS) oo ah mid toos gacanta loogu gelinayo bulshada wixii kaalmo ah."
Mashruucan sida ka muuqata magiciisa,maaha mid loogu tala galay mudo dheer inuu socdo amase uu joogto noqdo,balse waxaa loosameeyey in lagu fuliyo mudo kooban.Ujeedooyinka mashruucan waxaa lagu sheegay:-
1-Taageero midhaheeda dhakhso loo arko,kaas oo ku wajahan mashruucyado ay gacanta ku hayndoonaan bulshada lafteedu,mashruucyadaas oo abbaaraya meelaha (arimaha)gacanta ka gaysankara kordhinta fursadaha ganacsi iyo dhisida in kalsooni lagu qabo geedi socodka nabada.Waxaa suurtagal ah in mashruucan qaybihiisa ay ka mid noqdaan:-
-Sikooban in wax looga qabto,isla markaana dib loogu dhiso xarumihii caafimaadka,Suuqyadii wax lagu iibinjiray,guryihii dowladaha hoose iyo gacamadii waraabka beeraha.
2-Dhiirigelinta xasiloonida,iyadoo loo adeegsanayo in lasameeyo barnaamijyo,deeqo lagu kobcinayo hay´adaha iyo maamul goboleedyada iyo dowladaha hoose iyo weliba bulshada deegaanada,iyadoo loo marayo in la soo dhiso adeegyada bulshada,in lasiiyo adeegyo farsamo iyo in laga caawiyo bulshada dhanka farsamada si ay nolol u samaystaan.
Fariin warkan waxa uu gaar u yahay Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.
wariyaha Shabakada ee Arimaha Siyaasada Dibada
Saciidjamaal Xaaji Cali Saciid/Saciid-jamaal
saciid-jamaal@hadhwanaag.org