Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Furaha Janada Ka Hoos Eeg, Lugaha Waalidkaaga By: Zakaria Ali Gurey (Dan-Garad)


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 10, 2012
Bimilahi Rahman Rahim, Salaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakatu

Bimilahi Rahman Rahim, Salaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakatu.

Walidku waa qaaali, qiimaha uu leeyahay waxa garanaya oo kaliya qof ilaahay u naxaristay oo fahamsiiyey, waalidku waa ka xumaanta neceb kana naxa, waalidku waa ka wanaaga jecel kuguna farxa marka aad horumar gaadho, waalidku waa ka sharafta iyo wanaaga aad ku nooshahay maanta ku soo gaadhsiiiyey. Hadaba suaasha is waydiiinta mudan waxa weeeyi, walidka sida noloshada laf dhabarka ugu ah sideeed u gudi karta abaaalkisa.? Runtii waa suaal aad u mihiiim ah, waaalidku waaaa laf dhabarka nolosheeena gaar ahaan hooyada, oo sagaaal bilood caloosha kugu siday, intii ka danbeysana dhibka ay kula


soo martay aad ogayd. Bal ka waran hadii marki ay diciiftay ee da´di soo gaadhay ama aad waynaatay ee aad xoog is biday, hadii erayadaaadi ay noqdaaan "eeyaahee iyo islaantan". waa wax aad looga murugoodo weeeyi, Ilahay ayaa quranka wuxu ku leeeyahay SWT kana hadlaya arinkan}وَ قَضىرَبُّكَ أَلاَّ تَعْبُدُوا إِلاَّ إِيَّاهُ وَ بِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَاناً إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِنْدَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلاَهُمَا فَلاَ تَقُلْ لَهُمَا أُفٍّ وَ لاَ تَنْهَرْهُمَا وَ قُلْ لَهُمَا قَوْلاً كَرِيـماً ). Hadaba bal is waydiii waalidka sideeed ula dhaqanta eryada aad ku tidhaahda ma yihiin qaar naxariis le, ma yihiin qaar farxad galiya waalidka, Ma tahay mid adeeeca waalidki, Al habib SCW Ayaa Xadiis saxiixa wuxu ku leeyahay.قَالَ رَسُولُ اللٌّهِ )ص)مَنْ أَصبَحَ مُطِيعاً لِلٌّهِ فِي الْواَلِدَينِ أَصبَحَ لَهُ بَابَانِ مَفْتُوحَانِ مِنَ الْجَنَّةِ وَ إِنْ كَانَ وَاحِداً فَوَاحِداً. Ninka Adeeeca Ilaahay Walidkisana Adeeca waxa looga furi doona laba albaaab janada, hadii midkood yahayna mid ayaa loo furi doona. waxaynu u noolnahay waa jano, janadiina kama foga labadada walid cagahooda ayay taala, walaaalayaaal ma u sama falna walidka, waayo sama falku waalidku wax kasta oo aynu u noolnahay ama aduunkan u joogno ayaaa lagu helayaa oo ah jano, Ilaahay Ayaa SWT waxa Uu Quran ka karim ka ah ku leeeyahay " U Kala Dheereeya Jano, baleedhkeedu yahay Cirka Iyo Dhulka Oo Laysku daray" Janadas la Inoo Sheegayna melaha laga helayo waxa ka mida birul waalidayn, Samal falka waalidka.

Noqo kii walidkiisa faraxti galiya inta yar ee aduunka joogan, kana faa´idaysta ajarka uu sama falka walidku leeeeyahay.


Wa Bilaaahi Tawfiiiq.  By: Zakaria Ali Gurey


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.