Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Anaga qolayada Nabaddoonka ahi waxaanu nahnay Khaatuma State of Somaliland waxanan Maanta wadanaa ururka siyaasadeedka Xaqsoor


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 10, 2012
London (HWN)Mudane Maxamed Cawil oo kamida Golaha Dhexe ee Urursiyaasadeedka XAQSOOR kanasoo jeeda Buuhoodle oo hadal qiimo badan kajeediyay Xafladdi Dahfurkii Xaqsoor ee Bariga London.

 Xaflad lagu daahfruyay Urur siyaasadeedka Xaqsoor xafiis uu ku yeelan doono bariga London ayaa ka dhacday maalintii axaddii aynu kasoo gudubnay  Hoolka caalamiga ah ee Oxford House ee kuyaala Xaafada Bethnal Green degmada Towerhamlets ee bariga London.

Dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan east London ayaa si aad ah uga soo qayb galay xafladaasi iyaga oo si niyadsami ah usoo dhaweeyay urur siyaasadeedka xaqsoor.

Xaflada ayaa waxa soo agaasimay dhalinyarada Somaliland ee reer  East London ee iyagu taageera urur siyaasadeedka Xaqsoor,xafladaasi oo si heersare ah loo abaabulay waxa kasoo qaybgalay bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay hormood ka ahaayeen masuuliyiinta urur

siyaasadeedka xaqsoor , aqoonyahano,culimo,abwaaniin iyo dad magac ku leh jaaliyadda Somaliland ee ku nool cariga ingriiska.

Madasha uu shirku ka socday ayaa ahayd madal aad loo sharaxay oo gees kasta lagaga xardhay hal ku dhagyo ka turjumaya barnaamijka urur siyaasadeedka xaqsoor.

Waxa kulan kaa laga soo jeediyay khudbado aad u qiimo badan iyaga oo inta badan dadkii halkaa ka hadlay ku dheeranayay taageerada ay u hayaan urursiyaasadeedka xaqsoor iyo Gudoomiyaha majaraha u haya urur siyaasadeedka xaqsoor oo ah siyaasi magac ku leh isla markaana ku weyn shacabka reer Somaliland.

 

Ugu horayn waxa halkaa ka hadlay Mudane Rashiid Cali Maygaag oo ka mida masuuliyiinta urur siyaasadeedka xaaqsoor ee wadanka Endland , waxana uu ka hadlay ahmiyada uu urur siyaasadeedka xaqsoor u leeyahay somalinad, isaga oo aad ugu dheeraaday taariikhda Gudoomiyaha Xasoor,  oo uu ku tilmaamay in uu soomaliland ugu jiro oo uga dhigan yahay halgamaagii reer India ee Mr Gandi.

Waxa Mudane rashiid shacabka soomaaliland ku booriyay in ay codkooda ay ku taageeraan urur siyaasadeedka xaqsoor oo waxwayn ka taridoona tabashooyinka shacabka Somaliland.

Waxa isna halkaa ka hadlay Mudane Maxamed  cawil oo ka mida golaha dhexe  ee urur siyaasdeedka xaqsoor oo deegaan ahaan kasoo jeeda Degaanka Buuhoodle, mudane maxamuud waxa uu aad ugu mahadnaqay madaxwanaha talada haya Mudane Axmed Maxamuud Silaanyo sidii uu ugaga dhabeeyay balan qaadkiisii uu balan qaaday in uu ururarada furayo, taasi ku tilmaamay in ay albaabka siyaasada u frutay dadweynaha gobolada bariga  ee Somaliland.

Waxa kale oo uu mudanahaasi hoosta ka xariiqay in uu ku xigeenku cidgaara u xidhnaa, haatan aanay taasi dhici doonin oo ay xitaa hiigsan doonaan  kursiga u sareeya ee madaxweyna nimada Somaliland .

"Mudane Maxamed  Cawil   waxaa uu kaga sanqadhiyay in dalka Somaliland kajiraan Laba Khataamo , oo kala ah Khaatumo State of Somaliland iyo Khaatuma State of Somalia,  wuxuu yidhi Anaga qolayada Nabaddoonka ahi waxaanu nahnay Khaatuma State of Somaliland  waxanan Maanta wadanaa Xisbiga Xaqsoor, Laakin haddii nala dooraan waayo waanu soo  jabhadaynaynaa ee sidaa nagu ogaada. Wuxuu kaloo Mudane Maxamuu  yidhi Haddii aanu soo baxno inta  dhiman ee reerka anaga nagu haleeya.  

Mudane  Maxamed  cawil oo hadalkiisa siiwata waxa uu sigaara u amaanay gudoomiyahaya urur siyaasadeedka xaqsoor go’aankii uu ku magacaabay ku xigeenkiisa ka soo jeeda gobolka sool.

Mudane Maxamed  cawil waxa uu sheegay in dhawaan wafti wasiiro reer jabuuti ah oo Somaliland yimi markii warshada sharaabka laga furayay in ay  mudane xasan ciise jaamac aad ugu amaaneen qaab dhismeedka ururu siyaasadeedka xaqsoor.

Ugu danbeyntii waxa uu hadlkiisii kusoo gabagabeeyay  oo uu balan qaaday in doorkan ay codayntu ka dhici doonto dhul aanay hore uga dhicin.

 

Waxa isna halkaa ka hadlay cornel Jamac Doolaal oo ah halgamaa siweyn looga yaqaan Somaliland jaliyada reer Somaliland na magac ku leh siweyna ay isu yaqaanaan  oo ay in badan soo wada shaqeeyeen gudoomiyaha rurur siyaasadeedka xaqsoor, ayaa isna halkaa hadal qiimaleh ka yidhi.

 

Waxa isna halkaa hadal kooban ka yidhi Mudane maxamed cabdi oo ah siyaasi da’yar oo ka mida masuliyiinta kulmiye Uk  oo si’ba’an u weeraray wax uu ugu yeedhay adhi da’maan taasi oo ah sheeko golaha deegaanka ku cusub oo ah reer hebel oo xisbi hebal ku wareejiyay musharax golaha deegaanka.

Ugu danbayntii waxa uu yidhi in ururka xaqsoor ay taa ka duwanaan doonaan, ay ka feejignaandoonaan talbaada sida wayn u dhaawacday hanaankii dimuqraadiyada Somaliland maxaa yeelay  ururku waa in uu umada hogaamiyo laakiin maaha inay umadu ururka hogaamiso.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Axmed yaasiin C/laahi oo ah aqoon yahan reer Somaliland ah oo dagan Bariga London oo isagu madashii kaga dhawaaqay in uu si toos ah ugu biiray urur siyaasadeedka xaqsoor, kadib markii ku qancay barnaamij kiisa siyaasadeed.

Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay cabdi koosaar oo kamid ahaa dadweynihii ka soo qayb galay xafladda oo isna halkaa ka sheegay in uu taageerada diisa ku biirinayo urur siyaasadeedka xaqsoor.

 

Waxa isna halkaa ka hadlay Mud. Maxamed Yuusuf Liiban oo  ka mid ah masuuliyaanta xisbiga talada haya ee kulmiye  ahna siyaasi siweyn looga yaqaan Somaliland,waxana  uu sheegay in uu aad  u soo dhawaynayo urur siyaasadeedka xaqsoor isaga oo waliba aad ugu bogaadiyay in ay urur siyaasadeedka xaqsoor ku xigeen u soo sharaaxaan mudane ka tirsan gobolka sool.

Dhinaca haweenka waxa ka hadashay faatima suldaan oo kamida garabka haweenka ee urur siyaasadeedka xaqsoor iyada oo haweenka Somaliland ugu baaqday in ay taageeraan urur siyaasadeedka xaqasoor.

Waxa iyaduna halkaa ka hadashay marwo qadiija jaamacoo kimida garabka haweenka  oo hadalo qiimo leh halkaa ka tidhi.

 

Waxa kale oo isna halkaa hadal ka soo jeediyay mudane Axmed Maxamed Aw maxamuuud  ka tirsan jaaliyada reer jabauuti , isaga oo aad uga amaanay urur siyaasadeedka xaqsoor in ay ku xigeen uu ka yahay mudane ka soo jeeda gobalada bariga Somaliland, waxa kale ooo uu guud ahaan Somaliland ku amaanay dimuqraadiyada ay u bislaadeen iyo nidaamka xisbiyada badan.

Waxa isna halkaa ka hadlay maxamed C/laahi warsame oo ah gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee qaarada yurub  oo ah mudane kasoo jeeda gobolka sool, mudanahaasi waxa uu ka waramay taariikhda Somaliland heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay waxaanu tilmaamay in ay manta reer sool ahaan guntiga dhiisha isaga dhgayaan oo ay culayska u saarayaan sidii ay Somaliland uga muuqaan lahaayeen iyaga oo u maraya hab dimuqraadiya.

 

Ugu danbayntii waxa isna halkaa ka hadlay Siyaasiga Maxamed ibraahi Aadam, oo isagu inta badan ka hadlay barnaamijka urur siyaasadeedka xaqsoor, isaga oo markaa sheegay in ay uu urur siyaasadeedka xaqsoor uu u furanyahay shacabka Somaliland.mudane maxamed ibraahim waxa kale oo u ku war galiyay dadweynihii halkaa kasoo qayb galay in 13-07-2012 ay qabsandoonaan xafladii lagu soo bandhigayay masuuliyiinta urur siyaasadeedka xaqsoor ee wadanka England.

Ugu danbayntii xafladaas ayaa kusoo gabo gaboowday jawi aad u wanaagsan, iyaga oo dadweynihiii halkaas isugu yimina kala tagay jawi aad u wanaagsan.

Urur siyaasadeedka xaqsoor ayaa haatan baalasha la kala baxay isaga oo isku fidiyay dhamaan meelaha ay ku nool yihiin shacabka Somaliland.

 

Halkan Kadaawo Sawiro Quruxbadan:

Hadhwanaagnews

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.