Worldwide Somali Students and Professionals (WSSP) Waa urur ay kumideysan yihiin inbadan oo kamid ah Ardayda iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kala jooga dunida daafaheeda iyo dhamaan meelaha ay umadeena degto sida; Somalia, Somaliland, Djibouti iyo dageenada somalida ee Kenya iyo Ethiopia.
WSSP maahan urur siyaasadeed, mana kahadalno arimaha siyaasada ee umadeena ka dhexeeya. Waxaa nahay urur iskaa wax uqabso ah oo kashaqeeya arimaha gargaarka, sida Wax barashada, Caafimaadka, iyo Beeraha. Waxaa wax
uqabanaa qofkasta oo asalkiisa Somali yahay anagoo aan dan kalaheeyn mabdaiisa siyaasadeed.
FONT-FAMILY: arial,sans-serif">
Waxaan kaloo kashaqeynaa afurinta danyarteena inta lagu guda jiro bisha barakeeysan ee Ramadaan.
Dhaqaalaha ku baxa mashruucyadeena, waxaan kauruurinaa dhamaan umada Soomaaliyeed, waxaana nala shaqeeya aqoonyahano iyo arday wax kabarata jaamacadaha ku yaala wadanka. Waxaan afur usameynay sanadkii lasoo dhaafay illaa 30,000 (sodon kun) oo qof.
Fadlan nagu taageer in aan sanadkaan kabadino tiradaas oo aan magaalooyin badan afur kabixino hadii Alaah idmo.
Sanadkii lasoo dhaafay ee 2011, Waxaan kuguuleysanay shahaado sharaf kusaleysan wax qabadkeena, waxaan nagudoonsiiya, uruka U.K Somali achievement Awards ee HAYA.
Waxaan arinkaan usameynaa in aan Alle ugu dhawaano, umadeenana aan uqu qabano wixii aan uqaban karno anagoo aan hayado caalami ah sida UN ka ama NGO aan gacanta u hoorsanaynin ama hoostageeynin.
Umadeena Aan ugargaarno.
Kasim Ali