ay is arkayaan Real Madrid iyo barcelona waxaana kulanka darbiga ah ee loogu magacdaray El Clasico uu dhici doono 7 october ee sanadkaan halka lugta labaad ay isku dhici doonaan March 3 ee sanadka dambe 2013.
Hadaba halkaan hoose ka aqriso shaxda iyo qaabka ay isugu aadeen kooxaha ka dhisan dalka Spain.
Barcelona Real Sociedad
Real Madrid Valencia
Athletic Bilbao Real Betis
Atletico Madrid Levante
Real Zaragoza Valladolid
Sevilla Getafe
Celta Vigo Malaga
Rayo Vallecano Granada
Deportivo La Coruna Osasuna
Mallorca Espanyol.
Macalinka Naadiga Man City Roberto Mancini oo Heshiis Dheeraad ah usaxiixay kooxda Siina Joogi Doono
Macalinka naadiga manchester City Roberto Mancini ayaa waqti dheeraad ah agu daray heshiiskii uu kula joogay kooxda kubada cagta ee City ee horyaalka dalka England.
Tababarahaan man City ayaa isbadalo weyn ku sameeyay mudo 40 sano ah kadib isagoona uqaaday koobkii Premier Leaggue iyo midiia FA-ga oo uu qaaday 2011.
Roberto Mancini ayaa naadiga ku soo biiray xili ciyaaredkii 2009 isagoona lagu badalay macalinkii xiligaasi hayay oo ahaa Mark Hughes waxaa uu maanta u saxiixay heshiis kale oo dheeraad ah.
Tababarahaan dalka Talyaaniga udhashay ee mancini ayaa la sheegay in uu sii joogi doono ilaa iyo 2018 isagoona sheegay in uu ku faraxsan yahay in naadigiisa uu la sii joogo isagoona daboolka ka qaaday in uu dadaali doono inta karaankiisa ah.
Waxaa Qoray: Hassan Xaaji Cabdullaahi (Xasan baroon)
Liverpool oo Waqti Dheeraad ah Ugu dartay in uu La Sii Joogo Ciyaaryahan Jonjo Shelvey
Laacibka dada yar ee naadiga kubada cagta ee Liverpool Khadka dhexena kaga ciyaara Jonjo Shelvey ayaa maanta waqtigii uu kula joogay naadiga ukordhiyay.
20 jirkaan ayaa xili ciyaaraadkii hore si amaah kaga maqnaa kooxda Blackpool balse waxaa uu dib ugu soo laabtay dhamaadkii horyaalka man City la carowday.
Markii uu qalinka ku duugay heshiiska dheeraadka ah ayuu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu kamid noqdo ciyaariyahanada Liverpool ee sanadkaan ka qeyb galaysa horyaalka dalka England ee Primier League.
Inta uu dib ugu soo laabtay markii uu sida amaahda ah ugu maqnaa ayuu udhaliyaylabo gool waxaana Ciyaaryahan Jonjo Shelvey uu kamid noqonayaa ciyaartoyda ugu dada yar ee horyaalka dalka Britian ka ciyaarta.
Kaka oo Ku Shalaayay in uu Ka Soo Tago Kooxdii uu Ku Soo Caan Baxay Ee AC Milan Sheegayna in uu Diyaar uyahay n uu Ku Laabto sc Milan
Lacibka dheer ee Numberka 8 aad ka qaata naadi walba uu ka tirsan yahay Kaka kana mid ah ciyaariyahanada LINE UPKa ah ee xulka Brazil ayaa sheegay in uu ka shaleynayo waqtiga tira badan ee uu iska lumiyay .
Kaka ayaa xaqiijiyay in uu soo afjarayo heshiiska uu kula joogo kooxda kubada cagta ee Real madrid isla markaan sheegay in uu dib ugu laabanayo kooxdiisii uu waayaha badan la soo qaatay ee AC Milan.
Wargeyska Corriere dello Sport ee dalka Talyaaniga ka soo baxa ayaa maanta bogiisa hore ku soo qoray in Kaka uu diyaar uyahay in uu ku laabto kooxda Ac Milan isagoona ka shaalayay in marki horaba uu katago Milan.
Kaka ayaa Real Madrid ka dalbaday in lagu daro liiska ciyaartoyda lafasaxayo waxaanan durba soo dalbaday kooxaha iGuangzhou iyo LA Galaxy balse uu daboolka ka qaaday in niyad jabka ka soo gaaray ciyaaraha kubada cagta uu kaga dagi karo in uu mar labaad ku biiro AC Milan.
Inta badan ciyaariyahanada caank ah ee kataga kooxaha ay ku soo caan baxeen ayaa waji gabax kala kulma kooxaha ay ku biireen hayee shee ciyaariyahan C.Ronaldo ayaanan ushaleynin in uu ka tago kooxdiisii Man United.
Man Utd oo Qarka Usaaran in ay Heshiis la Gaarto Laacibka kooxda Benfica Nicolas Gaitan
Naadiga Kubada cagta ee Man United ayaa heshiis lagaareysa laacibka Khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Benfica Nicolas Gaitan
Macalinka kooxda Benfica Jorge Jesus ayaa sheegay in ay diyaar uyihiin in ay United ka iibiyaan laacibkaas.kadib maalmo is jiid jiid ah
Waxaa uu usheegay jariirada Londonpost in uu xidigaasi xagagan Ka soo muuqan doono garoonka Old Trafford,arintuna ay meel dhexe mareyso.
Ma uusan sheegin qiimaha United ku qaadaneyso 24 jirkaan,laakiin waxaa uu xaqiijiyay in laacibkaan uu ubaahan yahay in uu baxo .
Ninka sheekadan qoray waxaa uu leeyahay waxaa ay ubadan tahay in United ay xidigaan ku qadan doonto aduun dhan 30 milion
Chelsea oo Si Rasmi ah Ugu Guuleysatay in ay La Soo wareegto saxiixa kubad sameeyaha Xulka Brazil Oscar.
Ninkak iska leh naadiga kubada Cagta ee Cheslea ayaa si weyn sanadkaan doonaya in uu kjooxda udhsio waxaana uu miiska soo dhigay aduun lacagadeed o gaaraya £42milion kuwaasi oo lagu soo gadi doono ciyaartoyda loo arko in ay kooxda wax ku soo kordhi9n karto.
Ciyaartoyda xagaagaan ama dhawanaahan la soo iibiyay waxaa kamdi ah Marko Marin and Eden Hazard waxaan ay hada dooneysa in ay soo qaato laacibka kubad sameeyaha Xulka Brazil Oscar.
. Hada waxaa ay Chelsea bixineysa £25million oo ay ku heshiiyeen kooxdda uu xidigaan ka tirsan yihiin ee Internacional,waxaana saxiixa xidigaan lagu garacay macalinkii hore ee Chelsea Andre Villas-Boas oo hada maamula Tottenham
Sheekada xidigaan ayaa soo af jarantay waxaana la filaya in uu dhowaan yimaado galbeedka magaalada London .
Liverpool oo iyana Qarka Usaaran in ay La Soo Wareegto weeraryahanka kooxda AS Roma Fabio Borini.
Waxaa saacadaha inagu soo aadan naadiga Liverpool ay soo afjari doontaa heshiiska weeraryahanka xuka Talyaaniga iyo kooxda AS Roma Fabio Borini .
Xidigaan AS Roma oo ah 21 jirkaan ayaa ku soo wajahan gobalka Mareside-ka ee dalweynaha Britain waxaana loo arkaa saxiixii ugu horeeyay ee tababare Brendan Rodgers uu naadiga ku soo biiriyo
Laacibkaan saxiixisia la soo afkjari rabo ayaa macalinka cusub ee Liverpool si wacan isku garanaya waxaana ay ka soowada shaqeyeen kooxaha Chelsea iyo Swansea..
BBC da ayaa soo warisay in laacibkaan dheereaya uu waqooyiga Ingriiska ku imaan doona lsacag dhan £8milion,waxaana saxiixisa la so oaf jari doona saacadaha soo aadan.
Hadaba hadii uu dhaco heshiiska weeraryahanka xuka Talyaaniga iyo kooxda AS Roma Fabio Borini ee ku soo biira waxaad kala socon doontaan shabakada ciyaarahamaanta.com
Waxaa Qoray: Hassan Xaaji Cabdullaahi (Xasan baroon)
Man United oo Ciyaariyahano Ka Baadi Goobeysa Horyaalka Dala Brazil iyo Madax Suuqa Naadiga oo Brazil uduulay.
Naadiga faca weyn ee manchester united ayaa sanadkaan si weyn isku abaabuleysa isla markaan dooneysa in ay iska celiso kooxda iyo macalinka uu dagaalka xun kala dhaxeeya ee man City ayaa hada ciyaartoy ka baadi goobeysa horyaalka dalka Brazil.
Sida maamulka kooxda ay sheegeen waxaa Madaxa soo iibinta ciyaartooyda kooxda Man United ninka lagu magacaabo David Gill uu gaaray dalka Brazil si uu koxda ugu soo iibiyo Lucas Moura oo ka tirsan xulka Brazil.
Lucas Moura ayaa hada ka tirsann naadiga caanka ah horyaalka wadanka Brazil ee Sao Paulo waxaana ciyaartoygaasi looga iibin doonaa aduun lacageed oo gaaraya £30million taas oo ka dhigi doonta xidigaan mid ka mid ah xidigihii ugu da,da yar misna ugu qaalisanaa Latin America.
Sidoo kale Madaxa soo iibinta ciyaartoyda kooxda Man United David Gill ayaa la kulmi doona madaxda iyo wakiilka xidigaan waxaana uu doonaya in si dhaqso ah lagu dhameeyo in laacibkaani uu ku biiro koxda man United.
Wakiilka xidigaan ninka lagu magacaabo Wagner Ribeiro ayaa ka baxay wada hadalado uu kula jiray kooxaha Inter iyo Real Madrid ,taas oo loo fahmay in sheekadu ay udhamatay dhanka United.
Macalinka manchester United Sir Alex Fergosan ayaa daaha ka qaday hadii ciyaariyahankaani lagu soo biiriyo kooxda ay ka bixi doonaan baadi goobka ciyaariyahanada Wesley Sneijder iyo iyo Luka Modric .
Horyaalka dalka ingiriiska ayaad umaleysaa in uu xiiso gaar ah sii yeelanayo maadama kooxaha waa weyn ee horyaalkaasi ka dhisan ay soo iibsanayaan ciyaariyahano heer caalami ah kaasi oo horyaalka ka dhigi doono mid xiiso leh.
Man Utd oo Qarka Usaaran in ay Heshiis la Gaarto Laacibka kooxda Benfica Nicolas Gaitan Naadiga Kubada cagta ee Man United ayaa heshiis lagaareysa laacibka Khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Benfica Nicolas Gaitan
Macalinka kooxda Benfica Jorge Jesus ayaa sheegay in ay diyaar uyihiin in ay United ka iibiyaan laacibkaas.kadib maalmo is jiid jiid ah
Waxaa uu usheegay jariirada Londonpost in uu xidigaasi xagagan Ka soo muuqan doono garoonka Old Trafford,arintuna ay meel dhexe mareyso.
Ma uusan sheegin qiimaha United ku qaadaneyso 24 jirkaan,laakiin waxaa uu xaqiijiyay in laacibkaan uu ubaahan yahay in uu baxo .
Ninka sheekadan qoray waxaa uu leeyahay waxaa ay ubadan tahay in United ay xidigaan ku qadan doonto aduun dhan 30 milion
Hassan Xaaji Cabdullahi (Xasan Baroon)
Hadhwanaagnews/Office Muqdisho
xaska_xaaji@hotmail.com