Waxaa aan ka akhriyey Website-yadda xukun lagu riday nin oday ah oo beryahanba u xidhnaa xukumadda maanta ka talisa Somaliland ee uu gadhwadeen ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamud (siilaanyo). Boqorka oo ah madaxdhaqameedadda wadanka ka jira kuwa ugu firfircoon kana mid ahaa dadkii wadanka maanta lagu naaloonayo ka soo qayb qaatay xorayntiisa Maxaa ka soo baxay xukunkii lagu riday Boqor Buurmadow? Waxaa iiga soo baxay saddex arrimood oo kala ah:
´Times New Roman´">1- Xeerarkii ciqaabta ee wadanka oo aan jirin
2- Aqoon daridda ka muuqata Maxkamadaha
3- Nin toocsi ka soo baxay xukunkii Boqorka
Xeerarkii ciqaabta ee wadanka oo aan jirin
Qodobka 268
Cay sakraal dadweyne
Qof kasta oo ku gafa sharafta iyo karaamadda sarkaal dadweyne (240 pc) jiritaankiisa iyaddoo sababtu tahay, ama gudashadda waajibaadkiisa, waxaa lagu ciqaabi doonaa xabsi (96 pc) lix bilood ilaa laba sanno. ciqaabtaas la mid ah ayaa lagu fulinayaa qofka gala falkan ee xidhiidh telefoon ama mid isgaadhsiineed, ama qoraal ama sawir lagu hagaajiyay sarkaal dadweyne (96 pc), sabab waajibaadkiisa awgeed. waxaa lagu ciqaabi doonaa (96 pc) hal sanno ilaa saddex sanno marka uu dambigu ku kooban yahay gudasho ficil gef tilmaaman ee guddi. ciqaabta waa la kordhin karaa, haddii falka lagu galo xoog ama khiyaamo, ama meesha dambiga lagu galay ay joogaan hal qof ama ka badan.
Akhriste, waxaad ila eegtaa qodobka loo cuskaday Boqor Cisman Buurmadow. Miyaanu ahayn xeerkii ciqaabta ee keligii taliye Maxamed Siyaad Barre? KU QOSLEH KABTAN KUFAY!
Waxaa laga yaaba in akhristeyaasha maanta akhriyey ay la yaaban waxa aan qorayo, waayo, waxay badankoodu dhasheen wixii ka danbeeyey Burbuurkii ka dhacay Somaliland.(after 1988) Marka aanay fahimi Karin, Haddaba, akhristee wixii wadankan uu u burburay, boqolaal kun u dhinteen qaar aan ka mid ahayn ay qaxooti u noqdeen, waa xukunka, dila iyo xadhiga maanta lagu riday Boqor Cisman Buurmadow (Cay sakraal dadweyne). BAR MADOW KU AHA XUKUMMADDA AXMED MAXAMED MAXAMUD
Aqoon daridda ka muuqata Maxkamadaha
Guddoomiyaha oo xukunkan ka hadlayay wuxuu yidhi Waxaanu u cuskanay 268 xeerka ciqaabta guud, xarafkii 1aad iyo 2aad oo ah ceebeen iyo dhaleeceenayuu yidhi Garsooraha xukunka halka sanno ku riday boqorka, waxaanu sheegay in uu laalay qodob kale oo lagu soo eedeeyey waxa kale oo aanu laalnay qodobadda 212 iyo 215 oo tilmaamay muwaadinku haddii uu dambi galo isagoo jooga wadanka dibadiisa aan lagu qaadi karin, markaa qodobkaasi maaha mid waafaqsan eedaha loo soo jeediyey.(Somaliland.org)
Xeer-ilaalyuhu wuxuu ku soo oogay Boqorka denbeyadda qodobadoodu kale yihiin 212 iyo 215, waxaase arkaysa qodobka uu xaakinku ku qaaday Boqorka oo aan meelaba ka soo gelin debiga lagu soo oogay eedeysahan (waa Boqorkee), waxa meesha ka muuqata aqoon dari weyn oo haysata nimanka xaakimadda ah, waxaan qiyaasaya in aanu jirin xaakin si buuxda u leh aqoon sare oo la xidhiidha nidaamka cadaaladeed iyo xukun ridid, waxaa la yaab leh in uu xaakinku isagu jeebkiisa kala soo baxo qodob ciqaabeed oo aanu xeer-ilaaliyuhu ku soo eedeyn Boqorka. Haddii uu xeer-ilaaliyuhu ku cadayn waayo qodobadda ciqaabata ee uu u soo eedeyey Boqorka, waxaay xaakinka masuuliyadiisu ahayd inuu ka xukun qaato qodobadda eedeymahaasi ama ku rido ama ku-waayo.
Nin toocsi ka soo baxay xukunkii Boqorka
Waxaa xukunka Boqorka ka soo baxay in aanu ahayn denbe uu galay ee ay arrintu dabadda ku hayso nin toocsi iyo arrimo hoose oo aan shaqo ku lahayn nidaamka dawladnimo. Waxaa kale oo muuqata in xukumadda wadanka ka talisa maanta ay ku fashilntay in ay wadanka ku hogaamiso cadaalad, sinaan iyo midnimadda dhammaan dadweynaha reer Somaliland.
Osman Awad
waaba2003@yahoo.ca
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga