Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Oo Aqoon Korodhsi Ku Saabsan Sidii La Isaga Kaashan Lahaa Tacadiyadda Haweenka Iyo Caruurta Hargeysa Uga Furay Qaar Ka Mid Ah Gudiyadda Xaafadaha Baro Kacayaasha+Daawo Sawiradda


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 10, 2012
Hargeysa(HWN)- Guddida Xuquuqal-insaanka Qaranka,ayaa shalay hudheelka Saba eemagaalada Hargeysa tababar ku saabsan sidii la iskaga kaashan lahaa tacadiyadajinsiga ku salaysan uga furtay guddiyada barakacayaasha Hargeysa.

Hargeysa(HWN)- Guddida Xuquuqal-insaanka Qaranka,ayaa shalay hudheelka Saba eemagaalada Hargeysa tababar ku saabsan sidii la iskaga kaashan lahaa tacadiyadajinsiga ku salaysan uga furtay guddiyada barakacayaasha Hargeysa.

Tababarkanoo socon doona muddo saddex maalmood ah waxa maalgeliyey hay’adda DRC,islamarkaana waxa fulinaya guddida xuquuqal-insaanka qaranka.
Guddoomiye-ku-xigeenkaGuddida Xuquuqal-insaanka Qaranka Mr.Liibaan Ismaaciil Maxamed oo isagu halkaaska hadlay, ayaa sheegay in tababarkan ku saabsan yahay sidii daaneeyayaashadalku uga qaybqaadan lahayeen ka hortaga tacadiyada ka

dhanka ah jinsiga.
“Meelahaugu badan ee tacadiyadu ka dhacaan waa xarumaha barakacayaasha, waxanaan kujirinaa sidii aannu miiska u wada fadhiisan lahayn oo uga wada hadli lahayncidii dhaqaale looga soo qaadi lahaa iyo sidii hawshaasi joogto u noqon lahaynoo mustaqbalkana midho-dhal iyo faa’iido yeelato oo tacadiyadaasi sooafjarmaan,” ayuu yidhi Mr.Liibaan Ismaaciil Maxamed.
Mr.Liibaan Ismaaciil waxa uu u mahadceliyey hay’adda DRC oo uu ku tilmaamay inaymashruucan ka hortaga tacadiyada jinsiga ku salaysan ka maalgelisay, waxaannuintaa ku daray in hay’adaha dawladdu ka wada shaqayn doonaan sidii loo dabarjari lahaa tacadiyada ku yimaada haweenka iyo carruurta.

Ayaan Maxamuud Askar oo ka mid ah guddida xuquuqal-insaanka qaranka,ayaa sheegtay inay sameeyeen qiimayn ay ku mareen xarumaha barakacayaasha siloo ogaado baahiya ka jira xarumahaas, iyadoo intaa ku dartay inay baahiyaha kajira u gudbiyeen hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa dawliga ahba si wax loogaqabto dadka u nugul dhibaatooyinka oo ay ugu badan yihiin carruurta iyohaweenka.

AyaanAskar waxay sheegtay inay mashruuca ka hortaga tacadiyada ku salaysan jinsiga umarayaan wacyigelin ballaadhan oo shacabka lagu tababaraayo sida la iskaagakaashado ka hortaga dhibaatooyinkaas.

Mr.Muumin XuseenCige ooisagu ka socday hay’adda DRC, ayaa sheegay in tacadiyada lagula kaco caruurtaiyo dumarku diin ahaan aanay bannaanayn, isaga oo ka qaybgalayaasha tababarkanku dhiirigeliyey inay ka faa’iidaystaan tababarkan, la iskana kaashado sidiiloo dabargoyn lahaa tacadiyada jinsiga ku salaysan.

Ugudambayntii tababarkan waxa qabanqaabiyey, isla markaana hawshiisa isku dubariday Cabdixakiim Maxamed Axmed oo ah sarkaalka guddida xuquuqda aadamaha uqaabilsan barakacayaasha iyo Ayaan Maxamuud Askar oo iyaduna arrimaha dumarkagudda u qaabilsan. Waxa kale oo xubnaha tababarkan loo qabtay si weyn u soodhawayeen tababarka loo bilaabay oo ay tilmaameen inuu faa’iido badan u leeyahaybulshada.

Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Najaxcunaaye52@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.