Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Taliyaha Booliska Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiinta Gobolka Sool, goobaha Ammaankana Kormeeray


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 10, 2012
Taliyaha Booliska Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiinta Gobolka Sool, goobaha Ammaankana Kormeeray

Hargeysa(HWN):-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan,ayaa maanta kormeer ku soo maray Xarumaha Booliska ee Magaalada Laascaanood, iyadoo uu markii dambena uu Taliyuhu kulan la qaatay Masuuliyiinta sar sarre ee Gobolka oo ay isla soo qaadeen Xaaladda Amni ee gobolka iyo duruufaha u baahan in wax laga qabto.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan

 

Kormeerkan uu Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan ku

soo maray Xarumaha Ciidanka Booliska iyo Xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood oo dib u dhis uu ka socday, ayaa waxa ku wehelinaayey Gudoomiyaha Gobolka Sool ,Duqa Magaalada Laascaanood ,Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolkaas iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Booliska.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland C/laahi Fadal Iimaan waxaa kale oo uu kulan la yeeshay Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo Duqa Magaalada Laascaanood, kaasoo ay diirada ku saareen Xaaladaha kala duwan ee gobolku uu ku jiro, gaar ahaan dhinaca Amniga oo safarka taliyuhu ku wajahnaa.

 

Waa markii ugu horeysay ee Taliyaha Ciiidanka Booliska Somaliland uu safar ugu baxo gobolka Sool tan iyo intii uu Xilka Taliye-nimo uu hayey.

 

A.A. Asporo

 

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Asporo23@gmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.