soo xasuusiyey gobolka British Colombia ee dalkaasi Canada oo aan 2005 fasax sannadeedkeygii ku qaatay. Waxaa Sanaag dheer tahay xoolaheennii iyo ugaadh farabadan oo aan ku arkey, markaa anigoo fursadeyda ka faaiidaysanaya waxaan jecelahay innaan idin xasuusiyo inaad dalxiiska u timaaddaan dhulkan.
Akhristayaal shirkan waxaa ka dhacay wacdaro waaweyn, waxaa isugu yimid dad ka soo horjeeday iyo kuwii howshan waday. Goaankan oo laga sii ambaqaadayey heshiiskii HY ku gaadhay magaalada Ceel Afweyn ee isla gobolkan laguna heshiiyey in lagau qabto shirweyne Beeluhu u dhan yihiin Buurta Dalxiiska ee Daallo.
Si geesinamo leh ayey kooxdii howshan waday ugu guuleysteen inay wax waliba u dhacaan sidii loogu talogalay iyo waqtigii loogu talo galayba. Waxaana markiiba si xarago leh oo isdaba jooga u kala habeeyey wafuuddii tirada badneyd ee imaneysay abaabulayaashii dhabarka u ritay howshan culus.
Annagu waxaan soo galay goor cadceeddu sii dhaceyso oo makhrib ah waxaa sidoo kale soo galay oo in yar uun naga dambeeyey koox ka socatey iyaganu East Africa, waxaana markiiba noo yimid howlwadeenadii na qaabilsanaa waxaa naloo hagay goobihii naloogu tala galay.
WACDARAHA: GUULIHII & CEEBIHII KA DHACAY (WINNERS & LOSERS) WAASE LAYS CAFIYEY OGAADA, WAX WALIBA WAXAY KU HARAYAAN SANAAG.
CEEBEYSANEYAAL (LOSERS)
1- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr. Duur: Waxuu ka mid ahaa raggii ka soo horjeeday in shirka la qabto. Markuu Ceerigaabo yimid waxuu filayey inuu helo soo dhaweyntii maqaamkiisa aheyd hase yeeshii waxay isugu biyoshubatay shaqaalihii dowladda oo dhan in lagu khasbo. Waxay noqotay inuu magaalada Ceerigaabo ku xanibnaado muddo toddobaad ah inta looga heliyey ogolaansho uu uga qeybgalo shirkaas oo ka socday meel Ceerigaabo u jirtaa 30KM oo aheyd buurta dalxiiska ee Daallo.
Waxuu bixiyey in kastoo lagu diiday $20,000, dadka qaarna ay soo jeediyeen in agoonta loogu deeqo.
Markii uu ogolaanshihii helay ee la geeyey goobtii shirka, oo uu qeyb libaax ka qaatay suurtagelinteeda Mayorka Ceerigabo, ayaa Wasiir Duur oo fahamsan innaan goobta shirka taageerayaal badan ku heysan ayaa hadalkiisii ku billaabay: Anigoo Wasiir Habar Yoonis ah
..waxaaney noqotay CEEBTII UGU WEYNEYD (Yuu u sheegayaa taas)
halkaasuu ku noqday shakhsigii ugu horeeyey eek u guuleysta cinwaannka
..KHASAARO (LOSER).
2- Suldaan Rashiid (Madaxa HY Bari) Waxuu shirka ka yiri: Ilaahey ima joojiyo meel HY ku kala qeybsantahay
.CEEB
..LOSER
.isagaa ahaa ninkii shirkan diidanaa ka dibna reer Ceerigaabo gurigiisa ku xanibeen illaa iyo intii uu cafis dalbaday.
3- Shirka Kal & Laab ayaan ku soo dhaweyneynaa Waxaa yiri Badhasaabka iyo Duqa Magaalada Ceerigaabo
..CEEB
LOSERS
BIG TIME.
4- MOST LOSER (CEEBTA UGU WEYN)
waxaa ku guuleystay billaddaas Ceebta Mr. Cabdi Raxmaan Cirro Guddoomiyaha Barlamaanka & Ururka Wadani
Nin billaa ixtiraam ah, oo aan sharfin beeshiisa & naftiisa, shirka iskeenay 10 cisho ka dib markii la billaabay, hadal dhaadhiciisuna badnaa, aadna aan looga doonayn Sanaag, khaasatan agagaarka Daallo.
Waxaa aad looga hadal hayey Sanaag oo dhan intuusan iman Cirro hadal uu kaga hadlay Burco mar uu wariyayaasha halkaas jooga la hadlayey ayuu waxuu yidhi: Waxaan tagayaa Ceerigaabo si aan uga qeyb galo SHIRKA NABADEYNTA ee halkaa ka socda. Nasiib xumo waxaa warkan ka qaadayay ninka la yidhaahdo Kayse Digaale oo ah nin uu Cirro gacansaar la leh, kuna shaqeysta websiteka
waa ninka yidhi waxaa la socday wafdi siddeedan xubnood ah, 400 oo gaarina way wateen
..Marka ay dadka la socday ay intaa badhkeed ka yaraayeen, gaawidhiduna ay dhammaayeen 9 waayo waxaa ku darsoomey qaar ka tegay Ceerigaabo oo soo dhaweynayey oo reer Kulmiye u badnaa. Waxaase nasiib darro aheyd inaaney wariyayaashii Burco weydiinin Cirro CIDDA HESHIINEYSA ee shirkan lagu heshisiinayo.
CEEBTII QARNIGA: Cirro markii uu yimid goobtii shirweynaha ee Daallo ee uu hadalka qaatay waxaa ka soo baxay hadal dadkii meesha fadhiyey runtii ay aad uga naxeen:WAXAAN IDINKA RAJEYNAYAA INAAD I DOORATAAN
.WAAD FAHMEYSAAN WAXAAN KA WADO.
Siyaasiyiinta iyo madaxda meesha ka hadasheyba wey duceynayeen , wixii talo ahna way soo jeedinayeen si loogu darsado arrimaha looga hadlayo shirka, meesha wax doorasho ku leg leh kama socon aan ka aheyn madaxa Cirro oo ay ka dhexguuxeysay. Laakiin meel bugta iyo fartaa is oge Cirro oo meelu gubeysay ayaa halkii looga fadhiyey inuu khayr rajeeyo, waxuu la soo booday hadal runtii aan meesha qaban. Dadka qaar cod dheer kaga dhawaaqey goobta oo yidhi Waar ma adigaaba Xisba heysta? Maxuu Cirro u doonayaa inuu HY u kala qabiyo? Muxuuse ka faaiidayaa? Lacag? Mise doqonimo ayey ka tahay.
Waxaa hadalkaa markiiba ka xumaaday oo isku dayey bal inuu badbaadiyo ninkan Cirro ee hadalkiisa laga wada naxay Siyaasiga Warran Cadde oo yidhi Waar raggu waa wada sharaxan yahaye bal ina kala reeba, Aniga, Dr. Gaboose iyo Cirro.
Saciid Sulub oo aan fahmin hadalkaa ninkaa ay wada socdeen ee Warran Cadde meeshuu u socdo, adkeynayana goaankii HY ee ahaa inaan meesha siyaasad la keenin ayaa la soo booday Waar annigu hadalkaa WaranCadde kuma aannaan wada socon waxaanan aamin sanahay in aan shirka la siyaasadeyn.
GUULEYSTAYAASHA (WINNERS)
1- Geesiyaashii howshan abaabuley, raalli iga noqda kala qaadqaadi maayo laakiin waxaan idin leeyahay taariikhda Somaliland baal dahab ah ayaad ka gasheen
..WINNERS.
2- Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani Suldaanka Guud ee Beelaha HY oo ku guuleystay innuu beeshiisa mideeyo
WINNER
..BIG TIME.
3- Siyaasiga, Dr. Maxamed Abdi Gaboose oo sharaf & maamuus meesha kala huleelay. In kasta oo aanan arag dhakhtarkan markan ka hor, berigii dhaweyd ee uu Kilinka 5aad yimidna ee uu Wasiirka ahaa waxaan ku maqnaa safar ganacsi, laakiin waa siyaasi aan maqli jiray sida ragga kaleba ee siyaasiyiinta ah, haddana waxaan Sanaag ku arkay in aad looga jecel yahay, waxaanad dareemeysaa inuu yahay hoggaamiye. Waana shakhsi aan ka dareemay wanaag, karti & isku-kalsoonaan.
Mar aan ugu tagey halka uu joogey ee aan is baray waxaan aad ula yaabey sida sharafta leh ee uu u qanciynayo cid kasta ee la kulanta una ixtiraamayo rag iyo dumarba. Runtii odeygani waxuu ahaa xidigihii shirka oo ay dad badani doonayeen inay la kulmaan.
Guusha Gaboose waxay ku saleysneyd hadalkiisii talada ahaa: DEGAANKA BEESHA, GAASHAAMO ILLAA HALKAN WAXAA KA MUUQDA DARYEEL LAAAN WAA IN HOOS LOO EEGAA ARRINTAA WALLAALAYAAL. Waxaa kaloo ka maqnaa joogistiisa ololeyn xagga siyaasadda ah isagoo xaqdhowrayey goaankii HY ee ahaa inaan siyaasad meesha looga hadal
.WINNER
.BIG TIME.
4- Siyaasiga Saciid Sulub: Siyaasigani waxuu uu soo bandhigay karti looga baahnaa madasha shirka, waxuu aad ugu dadaalay in la wada yimaado shirka, waxuu ka illaaliyey wax kasta oo keeni kara kala qeybsannaan, si loogu guuleysto shirkan.
Hadalkiisii Guusha: SHIRKANI WAA GUULEYSANAYAA, SIYAASADNA LAGAMA OGOLA, WAANA SHIR BEESHU KAGA TASHANEYSO DANAHEEDA IYO HORUMARKEEDA
.WINNER
5- Warrancadde Siyaasigani waxaa meesha ka soo bandhigay khibrad, waxuu kaalin wayn ka ciyaaray in shirkan lagu muujiyo wadajir wixii la isku qabona nin waliba uu degaankiisa uga soo tago oo meesha la la yimaado niyadsami. Wixii fikradaha kala duwan aaminsanaa ama yar khaldama sidaa arrintaa ku dhacday Cirro waxuu ku dadaalayey inaa meesha laga qaadin oo si deggan arrimaha kale loogu gudbo.
Waxaa kaloo u shirka ku guubaabiyey in beeshu kala saarto saddexda siyaasiyiin si awoodooda ay meel iskugu geeyaan
waana fikrad dad badani soo dhaweeyeen.
Hadalkiisii Guusha: WAA INNAAN SANAAG UGA TAGNAA WAX LA TAABAN KARO, WAXAAN AAD UGA XUMAHAY INAANAN WAXBA U QABAN MARKII AAN WASIIRKA AHAA. MAANTA HADDII AAD ISTIDHAAHDO SHEEKH ISAXAAQ SOO BOOQO KABAHAA KUGU QUDHMAYA
.WINNER
6- CHIEF CAQIL Beeaha HY Axmed Maxamed Dahir oo si geesinimo uga muuqato shirka ku taageeray qabashadiisa maaalmihii ay runtii aad u liidatay taageerada uu heysto. Waxaana ay dad badani ku tiriyaan hadalkaa uu Burco ka yiri ee uu ku taageerayey tegista shirka inay suurto gelisay dhicistii shirkan sida wadajirka ah looga soo wada qeyb galay.
Hadalkii Guusha: SHIRKA DAALLO WAAN TAGAYAA, BEESHUNA INAY AAYAHEEDA KA TASHATO XAQ BEY U LEEDAY CIDINA MARTI UGAMA AHA EE WAA IN LA TAAGEERAA
.
WINNER
7- CAAQIL CABDIWELI BUDHYARE Waxaa isaguna shirkan ku soo caan baxay ninkan oo anigu aanan garasho fiican u laheyn laakiin markii aan wareystay, ka dibna aan shakhsiyan ugula kulmay Daallo laysku raacay inuu yahay cinwaanka uu sito oo ah CAAQIL.
Hadalkii guusha: Mar warbaahinta laga wareystay shirka iyo kooxdii ka soo horjeesatay oo Ceerigaabo ku soo socda ayaa waxuu ku jawaabay: SHIRKANI WUU DHACAYAA, WAQTIGII LOOGU TALOGALAY AYUU DHACAYAA, CID HORISTAAGI KARTAANA MA JIRTO, MUCAARADKA SOO SOCDANA BEESHA AYEY U DHASHEEN, LOOMANA DIIDI KARO, LAAKIIN WAA INAY CAFIS DALBADAAN
..WINNER.
Yusuf Xasan Duaale
ydualle@yahoo.com
Former New Yorker, USA but now live in JigJiga.
----------------------------------
AFEEF: Intani waa aragtideydii iyo sida aan dareensanahay inta badan dadkii meesha isugu tagay odhaahihii aan ka soo ururiyey. Wixii caddeyna akhristoow ma qarsoona waxaa meelwalba ku jira cajaladihii laga soo duubay ee daalaco.
Waxaan kaloo halkaan idiinku soo gudbinayaa goobta shirka muuqaalkeeda ee halkan hoose ku dhufo:
HARGEYSA & HERERI:
MUUQAAL: http://www.youtube.com/watch?v=YCoLquODvek&feature=related
HEES BY CUMAR DHUULA: QALBIGAA KU DOOGSADA: http://www.youtube.com/watch?v=LPN7r-MM40g&feature=related
Daawasho & Dhageysi Wacan.
Yusuf Du´alle
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga