Guddida Doorashooyinka Qaranka Oo Kormeer Ku Tagay Ceerigaabo, Kana hadlay Dardar-gelinta Hawlaha Doorashada Dawladdaha Hoose
(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 10, 2012
Guddida Doorashooyinka Qaranka Oo Kormeer Ku Tagay Ceerigaabo, Kana hadlay Dardar-gelinta Hawlaha Doorashada Dawladdaha Hoose
Hargeysa(HWN)-Wafti ka socda Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa gaadhay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaasoo ay sheegeen inay u tageen dardar-gelinta xafiisyada Guddida doorashooyinku ku leeyihiin gobolkaas.
 |
| Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somalialand: photo file |
Waftigan oo uu hogaaminaayey Faarax Abiib Aadan oo ay wehelinayeen Cabdiraxmaan Dixood iyo Raabbi oo ka mida Xubnaha Guddida doorashooyinka qaranka, ayaa Ujeedada safarkooda Sanaag ku sheegay inay furayaan
Xafiisyadii gobollada dalka ee Guddida doorashooyinku ku lahaayeen, isla markaana ay qiimayn ku sameeyaan agabka ay Xafiisyadaasi u baahan yihiin, iyadoo ay sheegeen in diyaar garaw loogu jiro Doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka oo dhawaan dalka ka qabsoomi doona.
Faarax Abiib Aadan oo Xubnahan waftigan Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland oo hogaaminaayey, ayaa Warbaahinta u sheegay in Safarkoodani uu la xidhiidha dar-dar gelinta hawlaha Xafiisyada ay gobollada dalka ku leeyihiin, waxaanu shaaciyey in Xubnaha guddida doorashooyinku ay laba dhinac u kala baxeen, isla markaana ay iyagu (Waftigoodu), ay dhinaca gobollada bariga Somaliland u baxeen, iyadoo uu sheegay inay soo marayaan gobollada Sool iyo Togdheer.
Waa markii ugu horeysay ee ay Guddida doorashooyinka qaranku kormeer ay ku diyaar garaynayaan Xafiisyadooda gobollada dalka ay sameeyaan, iyadoo la filayo inay Sanadkan qabsoonto Doorashadii goleyaasha deegaanka Somaliland.
A.A. Asporo
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Asporo23@gmail.com