Maxamed Nuur, isaga oo faahfaahin ka bixiyay qodobbada ay labada shirkadood isla qaateen.
Sidaad la socotaan waxaynnu ku guda-jirnaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay carwada ganacsiga Somaliland. Annaga oo ka duulayna raalligelinta macaammiishayada, waxaannu isla garannay in qof kasta oo iibsada hal set oo ah maarkadda ALNUUR Furniture oo ah ta loogu jecel yahay dalka, aannu raalligelin iyo Promotion ahaan labada cisho ee soo socda u siinno hal set oo ah maarkadda loogu jecel yahay maarkadda dumarka ee Habboon-Deeqa. ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Nuur.
Mulkiilaha Tukaanka maryaha dumarka loogu jecel yahay ee Habboon-Deeqa, Habboon-Deeqa ayaa iyaduna halkaas ka hadashay, waxaanay tidhi: Walaalkay Cabdiraxmaan ayaannu maanta ku heshiinnay inaannu annaguna siinno set maryahayaga ah, haddii ay iibsadaan alaabta uu iibiyo ALNUUR Furniture.
Heshiiskan ay wada saxeexdeen labada shirkadood ALNUUR iyo Habboon-Deeqa ayaa noqonaya is-kaashigii ugu horreeyay ee dhex mara shirkadaha ka qaybgalaya carwada ganacsiga Somaliland, iyada oo ay tani macaammiisha u suurtogelinayso dhammaystirka agabka guryaha iyo dharka ee ay labada shirkadood iibiyaan.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email:janaale94@gmail.com