Cairo-(HWN)- Madaxweynaha dalka Maraykanka President Barack Obama, ayaa martiqaad rasmi ah u fidiyay Madaxweynaha cusub ee dhawaan sida dimoqraadiga ah loo soo doortay ee dalka Masar Mohammed Morsi in uu booqasho ku yimaado dalka Maraykanka badhtamaha bisha September ee sanadkan.
William Burns oo ah U.S. Deputy Secretary of State, oo todobaadkan booqasho ku tahay dalka Masar oo kulan la yeeshay Madxweynaha cusub ee dalkaa President Mohamed Morsi, ayaa gaadhsiiyay fariin martiqaad ah oo uu uga sido President Barack Obama, martiqaadkan oo qayb ka ah isku dayga uu Maraykanku ugu jiro sidii uu xidhiidh cusub ula samaysan lahaa Madaxweynaha cusub ee dalka Masar oo ah dal aad ugu mihiim ah dunida Carabta iyo
Dhinaca kale, Baarlamaanka dalka Masar ayaa kulan isugu yimi ka dib markii uu President Morsi uu ku amray in ay kulmaan, Amarkiisa ayaa ka soo horjeeda amarka golaha milatariga oo kala diray baarlamaanka, ka dib markii ay maxkamada dastuurka ay goaamisay in lakala diro baarlamaanka.
Geesta kale, Warbixin ay soo saareen golaha milatariga ee dalka Masar shalay ayay ku sheegeen in qof walba uu illaaliyo go´aanka maxkamadda
Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)
Soohaad10@hotmail.com
Hadhwanaagnews/Office