Waxaa lagu jiraa xilli kala guur ah, xaajadu waa geeddi weliba la looyaaminayo, ma jiro sahan rasmiya, oo geeddiga ka horreeyey, deegaanka loo guurayo ee guurtidu ku heshiisay lama yaqaan, biyihiisa, baadkiisa iyo sida xaalkiisu yahay, keliya waa guuritaan, dadka guuraya waa dad aan wax sahay ah iyo wax saad ah midna haysan, gaadiidkay ku guurayaan kuma filna, mana jirto cid odorostay oo si wanaagsan u hillaadisay halkay ku furan lahaayeen.
Sheekadani waxay dhex martay laba waadaay oo iska waraysanaya xaaladda dalkooda oo aad u murugsan, meel loo socdana cid garanaysaa aysan jirin.
style="FONT-SIZE: 12pt; FONT-FAMILY: ´Trebuchet MS´,´sans-serif´">
Aqriste, waa sheekadii Soomaaliya ka warran? Oo aan had jeer ku qaadaa dhigno xaaladaha wadanka ku soo korodha, ee ka bogasho wacan:
Sulub: Waxaan maalin walba maqlaa waa kala guur, haddii la kala guuro saw dhib maaha, ummaddu ma iyadaa Af Soomaaligii illowday, mise anigaa wax iga si yihiin, waayaabe?!
Suudi: Maanta waa saaxiibkay Sulub oo isla hadlaya, Wallee waa yaab! War maxaa dhacay? Saaxiib xaaladda ka warran? Bal saaka dalka iyo dadkiiba maxaa ka cusub?.
Sulub: Waxaan saaxiib isula hadlayey waxaan la yaabay! Waxaan loogu yeedho kala guurka geeddigan iyo hayaankan aan dhammaadka lahayn, shirka aan joogsi lahayn, khilaafka aan isbeddelka lahayn iyo xaalka dadkeena oo aan ka soo raysi lahayne, maxay tahay masiibada inagu habsatay, waa xlili kala guura, ku meel gaar iyo ku dan gaar miyaan waxba iska bedelayn, ma sidan ayaan ku jiraynaa?.
Suudi: Suluboow bal i dhegayso:
Samanka maanta la joogo
Soomaali iyo isirkeedi
Horta waa la sawaabay
Sakiinadii la qaadyey
Salow baa lagu beeray
Sas aan sooba goaynoo
Siyaasaddoodu ma fiicna
Si kalay u dhaqmaan
Ninay soori la boodday
Seefta oo kale weeye
Safka taagan na doorta
Sababna aanan u haynin
Safkan saakadan jooga
Saxeexayaasha xumaanta
Sula ayaanba ka quustee
Ma saakaad aragtay?.
Sulub:
Suudi waa sax warkaagu
Siyaasad aan sal lahayn
Iyo sifooyin wanaagsan
Sifo heer lagu gaadhiyo
Samo soo kordhinayn
Oo saqiirka dilaysa
Sawaxaadiyo qaylo
Sirgac aanan dhammaaniyo
Niman aanan sarriigan
Kuwa soo socda haatan
Iyo kuwa saakadan jooga
Saxiixayaasha dhibkeena
Haatan waaba socdeenoo
Salaadiinta dalkeeniyo
Sumcaddii dhaqankeenay
Safka soo geliyeenoo
Dastuur suus iyo beena
Oo safaarad cadaawiyo
Saliibiyiin laga keenay
Soomaalibaa iska leh
Samo weeye dhaheene
Sarreeyoow naga weeci
Suntay faafinayaan.
Suudi: waryaahee, waxaan la yaabay dadkan wada murashaxa ah iyo odayadan xabsiga la geliyey, haddii dantii laga lahaa ay fulin waayaan sida ergaga qaramada midoobay sheegay inay dhib la kulmi doonaan, hadde waxaan maqli jiray waagii gumaysiga reer hebel waxaay colaadi dhex martay gumaysiga oo Geelibaa laga kiisay, iminka odaya dhaqameedku hadday is yidhaahdaan xor baad tihiin, oo ay fulin wayaan hawsha meesha loo keenay in la kiiso oo QASWADAYAAL loo bixiyo.
Sulub: Suudiyoow waa duni iyo camalkeede wax walba ka yaab, waxaan quustay markii lay yidhi waxaa la keenayaa ciidamo booliis ah oo AMISOM ah waxaan is weydiiyey ciidamo nabad ilaalina ama ciidamo dhexdhexaadin ah, oo dadka is qoomay kala dhiciya ayaa adduunku isu diri jiray, ee haddii Uganda booliis keensatay, haddee maxmiyaddii la sheegayey iyo 15kii qof ee la lahaa qaarna waa madoow qaarna waa cadaan waa billaabatay dalkanina waa Falastiin 2AAD, balse, maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda: Nin la tumay talo u taal Reerkii Soomaali la odhan jiray ayey talada u taallaa.
Suudi: waxaan maqlay in ragga hadda jooga saddexdooduba sharaxan yihiin, kaaga sii darane, waxaa habeen walba loo kala dhuumanayaa odayadii meesha loo keenay inay dalka isbedelkiisa iyo waxqabadkiisa ka qayb qaataan, oo ay goaan ka soo saaraan ayaa midba midka kale la xamanaya, waxaan la sheegay in habeen dhawayd uu u tegay Mahige [ergayga qaramada midoobay] una sheegay odayaasha inuu ka mid yahay beel ka mida beelaha Soomaaliyeed, in kasta uusna carrabka ku dhufan, una caddeeyeey inuu ka mid yahay murahsaxiinta u tartamaya madaxnimada Soomaaliya .
Sulub: Taa saa axsan ah inuu isa soo sharaxo oo waxaad mooddaa inuuba inna sharfay markaas, illeen iminka sharaxaad iyo doorasha laaan ayuu nagu haystaa, cid walbana waxay sheegayso iyo hawsheeda isagaa u meeriya, markaa waxaa la qaatay inuu hadalka caddeey waa meeshii ay Soomaalidu kaga maahmaahi jirray: War la uunba uunbayeey waykac aa ka roon ama ay odhan jireen: Hillaac biyihiisa waa caddaystaa Marka hadduu bannaanka is keenay waa hagaag, odayadiina waa is baray qurba joogta oo maagi jirtayna farriin ayuu u diray.
Suudi:Waxaa la yidhi Dastuurka ayaa laga waayey dalka meesha magaalo madax u ah, waxaan maqlay ninbaa hadda ka hor la yidhi, isagoo dul fadhiya xoola badan oo biraysan: War yaa sidan yeelay? Markaasuu yidhi Waa la qarin! markaasaa lagu yidhi: Haddii la sheegana? wuxuu ku jawaabay: Waa la goi markaa waxaa suaashan oo kale la weydiiyey wasiirka dastuurka meesha ay Xamar ka baxday iyo waxa dastuurka looga saaray? Wuxuu ku jawaabay: Cillad farsamo awgeed ayaa looga waayey haddii cilladdii la weydiiyeyna, gadaal ayaan ka sheegi doona ayuu yidhi, Wallee waa yaab, xaalka Dastuurka wuxuu la mid noqday meesha laga dhihi jiray: Sac nin maaley, oo Weyli nuugtay oo naagi xigatay.
Sulub:Suudiyoow waa layna wadaa, waana taa la yidhi waa geeddi ee xaggee laynagu furayaa ayay kula tahay?.
Suudi: waxaa laynoo wadaan meel aan danteena guud ku jirin, waa Ku qabatay iyo Qaddar Alleba waa la qaata waxaa kale oo aan kuu sheegayaa: meesha loo guuraya Ilaahay baa og sharteeda iyo khayrkeeda, balse waa hawl reer galbeed wadaan, oo ninka iman doona iyo cidda la dooran doono, meesha laysku dooran doono iyo xilliga lays dooranayo galbeedku way og yihiin ee Soomaali ayaan ogayn! Qolyahan murashaxnimada iyo casuumadaha ku jira iyagaa daali doona, ee iska daawo adigu, saw Telefishin kuuma yaal, kaas heesaha cusub ee la qaadayo ka dhegayso, wax kale meesha kuma hayaane, dadkaa isa soo sharaxay ma jiro nin hal maalin Soomaali ku sheegta ha lay doortana waa ku leeyahay, maxaa lagugu doortaa kuba garan maynee? Kuwa joogana waan is barannay oo cidi nooga warrami mayso waynu ku daalnay ka dhursuggeedee sidii aan horeba ugu mari jirnay aan Faataxada u marno.
Suudi:Waxaa la yidhi: nin cudurka Qaaxada ama Feedhaha qaba(TB)ayaa aad u qufacay ilaa uu la foorarsaday, nin aan aad u aqoon ayaa yidhi (Shifo, Saxa) Ninkii ayaa markuu qufacii dhamaystay ayuu yidhi: Adeer shifo iyo saxa mar hore ayaa lagala quustay markaa Sulubooy Faataxo ku meelgaar iyo ka meelgaar, murashax, doorasho, shir beelleed iyo dib u heshiisiin mar hore ayaa ummaddan lagala quustay, ee waxaan arki doonnaa halkay ku danbayso, Bal aan aragno Uuraysataye waxay umuli doonto.
La soco qaybaha danbe ee qormada.
Cabdiraxiin H.Galayr
Galayr1977@hotmail.com