Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


XADHIGA BUURMADAW WUXUU KU TUSAYAA NOOCA XUKUUMADA AYNU DOORANAY.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, July 11, 2012
Waxaa muddo ku xidhna jeelka hargaysa boqor Boqor Cusmaan Buurmadaw, waa sharci

Waxaa muddo ku xidhna jeelka hargaysa boqor Boqor Cusmaan Buurmadaw, waa sharci in la xidho qofkastaa oo denbi gala waxaa hadaba iyana sharci ah oo xuquuq muwaadan ah in loo maro sifo sharciga waafaqsan muwaadinka lagu tuhmo inuu denbi galay. Xadhiga buurmadaw ayaa noqday mid ay dawladdu baal martay sharcigii dalka una adeegsatay nidaamkii dawliga ahaa colaad ay u hayaan shakhsiyaad dawlada ahi boqorka, qaabka loo xidhay ayaa ahaa mid ku waajiba keliya dadka loo eedaynayo dil, argagixiso, iyo denbiyada waaweyn, waxaa iyana dhawr jeer intaan la xidhin ka hadlay saxaafada inay sugayaan imaanshihisa oo ay sii sheegen inay awooda duldhigayaa qaar ka mida masuuliyiinta qaranka, hadaba waxaa ayaan darro ah in dawladii ay noqotay meel sharciga

halkii ay ka ilaalin lahayd iyadu hormuud ka noqota ku tumashadiisa  taasna waa astaamaha lagu garto dawlad kalsoonidu ka maqantahay.

Waxaa hadaba axadii inaso dhaaftay ay maxkamadu ku xukuntay boqorka hal sano oo la iibsan karo eedaymihii lagu haystayna wax cadyna loo waayay, taasi oo u cuntami wayday madaxtooyadii, isla markiibana waxay soo fara geliyeen xukunkii dhacay waxayna joojiyeen oo laalleen xukunkii maxkamada taasina waxay noqotay oo cadaysan cadaawda qaawan ee ku wajahan buurmadaw ee dhawr shakhsi oo dawlaadda ihi wadaan iyagoo aan eegayn  fahansanayna muwaaqif xumada ka dhalan karta ficilkooda.

Waxaa dadku tuhun sanaayeen dawladan markay dooranayeen in isbedel cadaalad ahi iman karo waxaase cadaatay inay tahay mid ku sifoowda cadalad darro musuqmaasuq oo ciilqab ku raagay kula duldhacday umadii dooratay, waxaa iyana meesha ka maqan oo aan la fahansanayn cidda dhabta ah ee ka talisa dalka.

Umadda reer somaliland waxaa la gudboon inay ka feejignaadan o ay ku aarsadaan codkooda doorashooyinkaa soo socda iyagoo qiimaynaya nidaamka cadaaladeed iyo ka dawladnimo ciday ku aaminayaan ee ay u igmanayaan.

Dawladan silanyo waa mid ay ka maqan tahay kalsonidii waa mid aan ogolayn mucaaridnimo, waa mid dhiirigelisa kala qaybsanaanta, waa mid ku sifaysan musuqmaasuq, waa mid ku sifaysan qabyaalad oo weliba ay ku kala gurto xataa reer burco bari walaalihii shalay u gurmaday, waa dawlad lumisay nidaamkii qaran nimo.

Waxa aan ilaahay ka rajaynaynaa in inta uga hadhay waqtigii la doortay aan bulshada reer somaliland u geysan dhib kala kaxeeya ama keena colaad .


wa bilaahi tawfiiq,

mubaarak cabdisalaan qabile

********************************************************

 

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.