Nashville-(HWN)- Waxaa habyeenimadkii sabtida ee ku beegnayd bishan July 9-keedii lagu qabtay xaflad lagu daahfurayey xafiis cusub oo uu Urur siyaasadeedka "Xaq-Soor" oo furtay Gobolka Tennessee magaaladiisa Nashville Ee cariga maraykanka.
MARGIN: 0in 0in 0pt; BACKGROUND: white" class=MsoNormal>
Xafladaas oo ahayd mid ilyartu is qabatay waxaa ka soo qayb galay dad kor u dhaafay dhawr Boqol oo qof oo isaga kala yimid gobolada Maraykanka ee jaarka la ah gobolka xafladu ka dhacaysay iyo dadkii deegaanka. Waxaa xafladaa khudbado aad u taabtay ka soo jeediyey rag mutacalimiin ah iyo weliba siyaasiyiin waxaa isla markii xaflada quraanka lagu furay khudbad gaaban oo tayo leh halkaa ka soo jeediyey Dr. Saciid Daahir isagoo si qoto dheer uga waramay marxaladaha ururkani soo maray, wax qabadkiisa iyo weliba himilooyinka uu higsanayo. Waxaa uu Dr. saciid ku nuuxnuuxsaday hab dhaqanka iyo ceeb la´aanta asluubta shakhsiyeed ee hogaamiyaha Ururka Xaq-Soor Muj, Xassan Ciise Jaamac.
Waxaa uu sheegay Saciid in uu yahay marka hore muwaadin afgaaban oo dhamaan dadku afkiisa iyo adainkiisaba ka bnabad galay, waa mujaahid raggii bud dhiga u ahaa Ururkii dhulkan xoreeyey ee SNM Aasaasay, In uu yahay Madaxweyne kuxigeenkii koowaad ee jamhuuriyada S/land, in uu yahay iyo weliba nin Ehelu cibaado waa shakhsiga keliya ee aynu masiirka ummada ku aamini karo, iyadoo hadaladaa Dr. saciid dadku dhamaan u riyaaqeen sacab badana halkaa loogu garaacay.
Waxaa iyaguna halkaa buraanburo cajiiba ka soo jeediyey laba gabdhood fadumo iyo hanni oo isla magaalada ah waa Nashville labada gabdhood oo si talantaali ah isugu dhiibayey oo aad moodo in ay mudo u soo diyaarsanayeen buraanburka ayaa dadkii kaga qiiraysiiyey. waxaa isna si aan kala go´lahayn uga garaacayey xaflada kooxda reer Nashville ee "Dayax" oo uu hormood ka yahay ninka la holin waayey ee "Jerry". isagoo heesahii Ururka Xaq-soor ka qaaday waxaa isla habeenkaa isaguna qayb libaax ka qaatay camerada cabdiqani oo si fiican dabaaldega uga duubayey.
Ugu danbayntii waxaa xafladu ku soo gebe gebowday farxad iyo in laysugu bushaareeyo inagu xaq-Soor baynu nahay SNM tii hore baynu nahay Ninkii kadaloobayaa hasii kamba dhuudhsadee, waxaa xafldaa aad uga shaqeeyey dhalinyaro firfircoon oo guntiga dhiisha isaga dhigtay waxayna marwalba u taagan yihiin taageerada Ururka Xaq-Soor ee uu Hormuudka ka yahay Muj, Xassan ciise jaamac
Allaa mahad leh
DAAWO MUUQAALKAN VEDIYOWGA AH.
Hadhwanaagnews/Office
Kampala/Uganda