Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


DAAWO SAWIRADDA- Digniino Laga Soo Saaray Tiradda Ragga U Dhashay Dalka Boqortooyadda Saudi Arabia Ee Guurasadda Dumarka Qalaad Oo Si Xawli Ah Kor Ugu Kacday


(Hadhwanaagnews) Wednesday, July 11, 2012
Riyadh-(HWN)- Sahamin qoto dheer oo uu sameeyay dhawaan Warsidaha lagu magacaabo Al Riyadh newspaper ayaa natiijadii ka soo baxday lagu sheegay

Riyadh-(HWN)- Sahamin qoto dheer oo uu sameeyay dhawaan Warsidaha lagu magacaabo Al Riyadh newspaper ayaa natiijadii ka soo baxday lagu sheegay in ay si xawli ah u soo korodhay tirada Ragga u dhashay dalka Boqortooyadda Saudi Arabia, ee guursanaya haweenka qalaad ee u dhashay dalalka dibadaha taas oo sababeeyeen arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin korodh aad ah oo ku yimi isticmalka Teknoolajiyadda casriga ah ee lagu wada xidhiidho iyo lacagta meherka ah ee laga bixiyo dumarka qalaad oo aad uga yar ta laga bixiyo dumarka u dhashay dalka Saudi Arabia.

Madaxa sare ee hay Â’adda lagu magacaabo Awsar Society, Dr. Tawfeik Bin Abdul Aziz Suwilem, oo uu wargaysku soo xigtay

ayaa sheegay in la diiwaangeliyo sanad walba rag u dhashay Saudi Arabia oo tiradoodu kor u dhaaftay Lix Kun oo soo guurasada dumar qalaad oo u dhashay dalalka dibadaha tiradaas oo si aad ah u soo kordhaysay sanadihii u danbeeyay, waxaanu xusay in ay bilaabeen olole wacyi galin ah oo ay raga Saudi Arabia u dhashay uga digayaan khataraha ay kala kulmi karaan dumarka qalaad ee ay soo guursanayaan.

Mansour Imran, oo ah wiil dhallinyaro ah oo u dhashay Dalka Saudi Arabia oo u shaqeeyo shirkadda Aramco, kuna nool magaaladda Riyadh, ayaa sheegay in raga Sucuudiyaanka ahi ay kalsooni dhab ah ku qabaan guursashada dumarka qalaad, waxaany tibaaxay in dumarka Saudi Arabia ay u haystaan guurka fursad xoriyad ah oo ay heleen oo ay ku gaadhi karaan ka jibo keenista riyooyinkooda nololeed ee mustaqbalka taas oo raga ku keenta culays aad u badan waa sida uu hadalka u yidhiye.

Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)

Soohaad10@hotmail.com

Hadhwanaagnews/Office

Kampala/Uganda

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.