Qaahira-(HWN)-iyadoo uu sii laba jibaarmay ismaan dhaafka udhaxeeya dowlada cusub ee Madaxaweyne Maxamed Mursi iyo golaha milatariga ee dalkaasi ayaa markaani waxaa faraha la soo galay maxkamada sare ee dalkaasi oo iyadu garab la ah golaha milatariga.
Kadib markii kol hore golaha milatriga iyo maxkamada sare ee dalka Masar ay kala direen barlamanka dalkaasi ayaa madaxweynaha cusub ee Masar Maxamed Mursi uu shalay dib isugu soo celiyay iyagoona yeeshay kulan hayee shee waxaasi oo dhan waxaa hal bucaad lagu lisay ka dhigtay maxkamada sare ee dalkaasi.
0in 10pt; TEXT-ALIGN: justify">Markii uu batay hadalada is dhaafsiga ah ee barlamanka waa la soo celinayaa iyo la soo celin maayo waxaa go aan deg deg ah uu ka soo baxay maxkamada ugu sareyso dalka Masar taasi oo laashay go aankii Maxamed Mursi oo ahaa in barlamanka dib loo soo celiyo.
Hadal heynta ugu badan dalka Masar ayaa noqotay ka hadlida barlamanka dalkaasi oo loo soo celiyay oo misna mar kale dib loo eryay waxaana ay noqoneysa khilaafkii ugu horeeyay oo uu la kulmo Madaxweynaha cusub ee dalka Masar oo mudo nus qarni kadib dalkaasi loo doortaty.
Hadhwanaagnews Kala Soco warakii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka oo idiinkaaga imaanaya Stuudoyaheeda Magaalada Muqdisho