London-(HWN)- maal qabeenka weyn ee dalka Marykanka ka soo jeeda isla markaan iska leh shirkada caanka ah ii Microsoft iyo dowlada Britian ayaa daboolka ka qaaday in lacag dhan 2 kun oo Milyuun oo Dollar ay ku bixinayaan in wadamada saboolka ah laga ilaaliyo in dadka is qaba aysan caruur dhalin.
Lacagtaasi aadka ubadan waxaa lagu soo iibin doonaa qalabka iyo adeegyada kala fogeeya dhalmada si dadk aanan waxba heysan caruur udhalin maadaama aysan
waxba uheynin caruurta ay dhalayaan.
Lacagtaasi 2 kun oo Milyuun waxaa si wada jir ah ubixinaya dowlada England in taajirka weyn ee Bill Gates iyo xaaskiisa waxaana uu qorshuhu yahay ilaa iyo mudo 8 sano ah.
Ku dhawaaqist barnaamijkaani cusub ayaa maanta la filaya in uu hirgalo waxaana maanta dalka Britian ka dhici doono shir weyne caalami ah oo ay ka qeyb galayaan dadka aan kor ku soo sheegnay si dadka saboolka loo siiyo dawooyni mudo 8 sano ah aysan caruur ku dhali doonin.
Ninka iska leh shirkada Microsoft iyo dowlada Britian ayaa qorshahaan wata waxaana dadka saboolka ah laga ilaalin doonaa in aysan marnaba caruur dhalin maadaama caruurta aysan waxba uheynin rafaadna ay ku soo koraan marki ay dhalaan..
Hadhwanaagnews Kala Soco warakii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka oo idiinkaaga imaanaya Stuudoyaheeda Magaalada Muqdisho