|
|
Jaamacada Camuud Hoyga Nolosha,Aqoonta iyo Horumarka Ummada (Hadhwanaagnews) Wednesday, July 11, 2012 Runtii anigu ma ihi arday jaamacada camuud dhigta kamidna ma ihi
shaqaalaha jaamacada
Runtii anigu ma ihi arday jaamacada camuud dhigta kamidna ma ihi shaqaalaha jaamacada Camuud balse waxaan ahay arday hada dhameeyey dugsiga sare.hadii aan wax yar iftiimiyo sababta igu kaliftay inaan warbixintan ka qoro jaamacada camuud ayaa ah talaabada geesinimada,kartida iyo karaamadu ku dheehan tahay ee ay 09/07/2012kii ay u soo hoysay dhamaanba ummada reer S/land. Talaabadan ay shalay qaaday ayaa ah mid indhaha caalamka u soo jeedinaysa sida ay wax u qabsadeen shacbiga reer S/land mar hadii jaamacada Camuud laga Furay takhasuska Master-ta iyo PHD.maqaalkani waxa uu hordhac u noqon doonaa maqaalo si taxane ah aan u soo qori doono Jaamacada Camuud waxaa laaas aasay taariikhdu markii ay ahayd 1997 xiligaas oo ay isku xilqaameen aqoon yahano reer Awdal ah kuwaasi oo ka damqaday xaalada murugsan ee ay galeen umada
Somaliland gaar ahaan bulshada Reer Awdal . Fikirkan ka soo maaxday aqoon yahanada Reer Awdal ayaa waxa uu la ahaa wax garadkii iyo dadweynaha reer Awdalba sheeko riyo ah sida dhalaan habaabista oo kale. Inkastoo ay yaraayeen dadka qabay fikirka ah in ay noqon doonto jaamacad cagaheeda ku istaagto. Maadaama uu dalka dadka ku nool uu galay jawi mugdi ah taasi oo uu gabalku u dhacayey ayaa waxa uu Alleh uga dhigay shimbir malayko aqoon yahanadii ay ka soo burqatay in la yagleelo jaamacada. hadaba maadaama ay sheegaan dadbadni maalintii la yagleelayey jaamacada camuud ee dhidibada loo taagaayey in ay la ahayd riyo amaba mala awaal ayna aaminsanaayeen in ay na shaqayn doonin balse ay maanta ay shaqay nayso oo ay cagaheeda ku istaagtay maraysana heer ah master ilaa PHD. sikastaba ha ahaatee waxaa is weydiin mudan maxaa ay tahay sababta ayna dadkaasi ay u aamini laaayeen in ay shaqaynidoonin jaamacadu ?maantase ma yaqiinsadeen in ay jaamacadu shaqaynayso? Laakiinse dadkii maalintii la furayey jamacada u haystay riyo markay arkaan jaamacadii oo shaqaynaysa maxaa la gudboon in ay qabtaan? Ma ka ahaydse aamin laaantani mid xumaani ku dheehan tahay ?mase ahayd mid ay ku lifaaqan tahay farxad iyo rayn rayn ay ummadu ku socoto? Ileyn farxadi waa naxdine Mise maamulkii waqtigaa hawsha waday ayaa la badalay oo mid kale ayaa la doortay? xaqiiqdii sababta keentay in ay dadbadani maalintii la daah furayey jaamacada camuud ay u haysteen sheeko dhalanteed ah ayaa waxa ay ahayd. Sheeko akhristow hadii ay kugu dhacdo adigaba ku galin lahayd aamin daradeeda taasi oo ahayd waa habeen roobabaad gabalku kuugu dhacay meel gari goan ah waxaa daay roob ma hiigaan ah dhulkana waxaa ay biyuhu qariyeen meeshii godnayd iyo meeshii kale. Onkodka iyo hilaaca roobka ayaa ah mid marba marka ka dambaysa soo xoogaysanaya.kayntu waa jiq shan qadha u gaadha iyo duur joogtu waa jalag.kaliya waxaa isku baxaya shanqada dhirta marka ay dabayshu ruxdo biyaha ka daata caleemaha dhirta majirto wehel aan Alle ahayn oo aad wadataa hadaba haddii uu jawigaa oo kale kugu dhaco dhulna aad garanayn, kaynta aad dhexmushaaxaysidna uu ku nool yahay habardugaag oo dhan.rajo intee leeg ayaad qabtaa in aad baxdid adigoo bad qaba. Habeenkii oo dhana ku taahayey waagu dheeraa waaguna kuu baryey adigoo bad qaba. Hadaba sidaasi si lamid ah xiligaa la daah furayey jaamacada Camuud ayaa waxa uu ahaa waqti dalka oo dhan uu ku jiro jahawareer aan sal lahayn oo ku qotoma dhinacyo kal duwan. Waqtigaa la daah furayey jaamacada camuud ayaa dhamaanba kaabayaasha waxbarasho ee dalku waxa ay ahaayeen eber ama ka hoosaysa taasi oo ka dhigan in ay wada bur bursanaayeen dhamaanaba kaabayaashii waxbarasho ee dalku , Guuxa reenka iyo sawaxanka ka soo dhex maaxanayey bulushada dhexdeeda ayaa ahaa kaliya isqab qabsi qabyaaladeed iyo u hanqadh taagid saami qaybsi siyaasadeed iyo socod baradkii xukuumada Somaliland ee aan maanta hooskeeda wada hadhsanayno isla markaana umada Somaliland waxaa ku dhex milmay soft ware qabyaalad ah. Iyadoo uu xaalku sidaasi yahay oo ay umadu ku jeedo arimahaa ayaa ay ku adkayd in ay aaminaan fikradan ah yagleelid jaamacadeed . .sababta keentay in ay dadku aamini waayaan in jaamacadan hada la daah furayo ay noqoto mid caga heeda ku istaagta ayaa ahayd taasi, Maadaama inan iyo aabihii ay wada baayacayeen qoriga buug iyo qalina warkiisaba daa . xaalka dhalinyartada reer Awdal iyo Somalilanba ayaa ahaa Sida Saylad xooluhu buuxaan iibna jirin taasi oo macnaheedu yahay guri walba waxaa dhoobnaa raxan ubax ah kuwaasi oo ay ku bul bur burtay isla markaana waxaa isa soo tarayey mawjadaha cabasho lagu calmanayo waxbarasho reer jaamacadeeda oo uu dalku yeesho kaasi oo himilo iyo dhiiri galin badan u noqdoona daa yartii ku jirtay waxbarashada dugsiyada Hoose /dhexe iyo kuwa sareba . inkastoo ayna ahayn ardaydii lagu furay jaamacada camuud kuwo ka soo baxay dugsiyada sare ee jamhuuriyada S/land xiligaa la daah furayey jaamacada camuud ayaa waxa uu dalku ku jiray jawi aad u adag oo dadka maskaxdooda ku soo dhicin waxbarasho isdaa reer jaamacadeed isla markaasina dadku wali ka soo kaban tiiftii iyo tiiraan yadii uu ku reebay dagaaladii sokeeyo ee kala irdheeyey umada reer soomaaliland. Xiligaas ay reer Awdal ku taamayeen in dhidibada ay u taagaan jaamacad ayaa ay ku taamayeen qaar ka mid ah Gobolada dalku in ay bilaabaan waxbarashada Dugsiyada hoose dhexe . Intaasi ka dib mayeelatay jaamacada camuud haykalkii jaamacadeed yaase maamul iyo boodh looga dhigay....... La soco qaybaha dambe
Qalinkii C/casiis Cabdulaahi Ibrahim
cabdulcasiiscabdulaahi@gmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga
|