face=Calibri>Wenger waxaa la doonayay in uu badalo macalinka iminka xulka Brazil haya ee Mano Menezes kaasi oo xiriirka dalkaasi sheegay in uusan sii noqon karin macalinka xulkaasi hayee shee kullanka Arsen Wenegr iyo xiriirka Brazil ee CBF ayaa noqday mid lagu kala dareeray.
Waa markii labaad ee macalinka naadiga Arsenal loo soo bandhigo in xul qaran uu tababare unoqdo waxaan dhawaan dalab uga yimid xiriirka dalka Faransiiska balse uusan siinin wax jawaab ah waxaana uu misna diiday heshiis labo sano ah oo xulka Brazil usoo bandhigtay.
Juventus oo Qarka Usaaran in Saacada ina Soo Aadan ay La Soo Wareegto Giampaolo Pazzini oo Inter Milan Uciyaara
Suuqyada kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si xowli ah ku socda waxaan kooxaha waa weyn ay soo iibsanayaan ciyaartoy sumcad ku dhex leh kubada cagta aduunka.
Naadiga Juventus oo xili ciyaareedkii dhawaa ku guuleysay horyaalka Seria A-da dalka talyaaniga ayaa ku dhow in ay la soo wareegto Weeraryahaka kooxdaI nter Milan Giampaolo Pazzini.
Doonista kooxda Juventus ee wararyahan Giampaolo Pazzini ayaa noqday mid lama filaan ah maadama qorshaha naadiga iyo ciyaariyahankaba aysan isku ogeen in uu Juventus ku soo biiro.
Agaasimaha kooxda Juventus ninka lagu magacaabo Beppe Marotta oo la hadlay Wargeyska dalka Talyaaniga caanka ah ee Tuttosport ayaa usheegay in ay kullan wada yeesheen isaga iyo ninka gudoomiyaha ka ah inter Marco Branca iyagoona ku heshiiyay lacagta ay ku iibsan karaan.
Marco Branca gudoomiyaha inter ayaa sheegay in weeraryahankaasi lagu iibinayo 18 Million oo Euro isla markaan ay diyaar utahay in uu ku biiro kooxda Juventus oo ay kawada dhisan yihiin horyaalka talyaaniga.
Heshiiska labadaan gudoomiye ayaa lagu soo daray in Inter ay iyana la wareegi doonto Milos Krasic waxaana tababaraha kooxda Juventus Antonio Conte uu shaaca ka qaaday in uu sugi la yahay inta uu naadiga ku soo biiray weerarayahanka kooxda inter Milan Pazzini.
Tababaraha Man United oo Soo Gaaray Magaalada London iminka Ku Sugan Garoonka Arsenal Ee Emarates Doonayana Robin Van Persia
Tababaraha caalamiga ah ee naadiga Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa usoo shaxaad doontay magaalada London ee cariga dalka Britian isagoona doonaya in uu horay usoo kaxeysto laacibka Arsenal ka sii tagaya ee Van Persia.
Ferguson ayaa la kulmay macalinka kooxda Arsenal ee Arsene Wenegr waxaana uu kala hadlayaa in uu ku soo wareejiyo laacibkooda udashay dalka Holland ee diiday in uu Arsenal waqtiga ukordhiyo waa Van Persia.
Doonista ciyaariyahankaani ayaa waxaa raba kooxaha ugu waa weyn ee kubada cagta ee horyaalada Yurub waxaana kooxda Man City ay ku dooneysa lacago aad ubadan inkastoo Sirka sheegay in lacagaha Man city la wareegeyso uusan bixin karin.
Van Persia ayaanan si rasmi ah wali ucadeynin in uu naadiga katagayo in iyo in kale balse uu daboolka ka qaaday in heshiiskii uu kooxda kula joogay uu dhamaaday waqtina uusan ugu dari doonin.
Hayee shee waxaa dhawaan kala cadaan doonta in Van Persia uu naadiga isaga tagayo ka hor 24 ka bishan oo kooxda Arsenal kulamao saaxiibtinimo ah u aadeysa qaarada Asia.
Hassan Xaaji Cabdullaahi (Xasan Baroon)
Hadhwanaagnews/Office Muqdisho
Xaska_xaaji@hotmail.com