Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Waxan halkan ka cadeynaya in wax weyn ka khaldanyihiin 18 ka Ardaa ee Beesha H/Yoonis una bahan in wax weyn laga bedalo.shirka Beesha uga socda Buurta Daallo.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, July 11, 2012
FAALADAN WAXAA QORAY QORAA SARE OO KUNOOL DALKA CANADA.MR KHAN MOHAMED FAARAH.

Ugu horeynta waxan salaamaya dhaman umada reer Somaliland ,meelkasta oo ay Aduunka ka joogan Gude iyo dibadba,Qoraalkaygan waxan kaga hadlaya Beesha aan ka dhashay ee H/Yoonis in aan u gudbiyo dareenkayga mid dhaliil iyo mid Gocashaba,Beesha hada waxa uga socda deegaanka Sool Buurta Daallo shirweyne aad u weyn oo ay iskugu yimaadeen,si ay uga wada hadlaan ayahooda,waxii ka khaldamayna meesha ka saran arimo wax ku oola Beeshana u wanaagsana ay soo saaran.

Khan Maxamed Farax.
kjawil@hotmail.com
Vancouver Canada.


Ninba waxbaa ku weyn anigu maanta waxan u soo gudbinaya Beesha H/Yoonis in wax weyn laga bedalo arinkan la leeyahay Suldaan Diiriye aya sameeyey 18 Ardaa ee


H/Yoonis 18 ardaa ee H/yoonis markaan eegay waxa ii soo baxay in aan hab cadaalad ah aan loo sameynin waana garan la ahay halka ay ku sii jeedeen Beesha Cali Siciid.sababtu tahay 17 Ardaa waxa la yiri waa Care Siciid halka 1 Ardaa yahay Cali Siciid? Odey Suldaan diiriye hadii sidaas ay ka ahyd wax qaybi iyo cadalad waxan leeyahay cadaalad may ahyn cadaalad daro ayey ahyd.


Hadaan hadalkayga si kale u dhigo isku darsigii 1960 Somaliland iyo Somalia ayuu arinkani la mid yahay,Somaliland waxa laga qaatay Madaxweynenimadii,Caasimadii,Wasaradihii,ilihii dhaqalaha oo dhan,cadalad daro ayey ahyd maanta ayey ka dhex taagantahay Beesha H/Yoonis cadaalad daradas,cadal daridu waxay dusha ka sarantahay maanta Beesha aan ka ahay H/Yoonis ee Cali Siciid,Aqoonyahankii Cali Siciid waa dibad wareeg wadankii iyo Dadkii ay u dhasheen haday xil weyn u qaban lahayeen waxa hor boodaya Care Siciid kadibna oranaya intan anaga ayay na soo gaadhay naguma filna.


Talada aan u soo jeedinayo Beesha H/Yoonis ee ku shireysa Buurta Daallo waxa weeyan in aynu wax weyn ka bedalno hab dhaqankeena nololeed iyo mid deegaanba,18 Ardaa ee khaladka lagu sameeyeyna waa in sida ugu dhakhso badan loo kala daadiya,xeerkii iyo dhaqankii Beeshu lahydna lagu soo celiyaa,hadii Odayadii Cali Siciid H/Yoonis dulqaadkoodu badnaa maanta waxan leeyahay dhalinta aan ka midka ahay ee Cali Siciid marnaba ku dhaqmimeyno dulqaadkii Odayada Cali Siciid waana ta ilaa maanta Cali Siciid aanu Suldaan u lahyn halka Care Siciid ugu yaran 30 Suldaan iskood isku sharaxay madaxana iskaga shubay sadex 3 qasacadood oo Niido ah u leeyihiin,yeelimayno Cali Siciid/ Caaqil/ ku jooga,waa khiyaamo kale oo u dhiganta 18 Ardaa.


Shirka Daallo 2 isbuuc ayuu hada maraya labadaas 2 isbuuc waxa lagu heshiisiinayey Shufto Siyaasiin ah kana yimi Hargeysa waa Siyaasiin iskood isku sharaxay kuna xidhneyn tolkood kuligoodna waa wada Care Siciid H/Yoonis,siyaasiintii laba isbuuc ayeynu siinay,maxa inoo tala ah hada inaga,Odayadu waa in ay kala saaran arimaha Siyaasada iyo tan guud ee Beesha,tan guud ee Beesha aya muhiima 1950-1960 aya iskugu keen danbeeyey H/Yoonis oo wada fadhiisata ee bal horta barasho wanaagsan,maxaynu kala tabaneyna,dhexdeenu,deegaankeena laga xaalufiyey Dhirtii sideynu ka yeelna,Xoolaha hadii laga dhameeyo daaqsinka iyo dhirta iyaguna wey nabad guurayan,Suldaamadan iskood isku wada sharaxay dhoor Daasadood oo Niidana madaxa iskaga shubey maxaynu ka yeelna miyeynu sidaas ku wadana mise cawda ayeynu u jarna,


Beesha Cali siciid waxan leeyahay Somalidu waxay tiraa Inan aya aamusnaan lagu meheriyaa aamusnaantiinii waxay gaadhay heerkii ugu hooseeyey doqonimo,intiina Caaqilka isku sheegay ee Dameeri dhaan raacdeyga waa in Shirka Daallo kala soo noqotaan wax u qalma Cali Siciid oo aan ahyn cad quudheed,tolnimada waa lagu kala tegaya hadaan waxba la isku ogalyn,Diinteena Islaamka aya ina fareysa waxad u aragto khaqdarada ka hadal si loo toosiyo,wada hadal ku eeg haday wada hadal wax ku saxmiwaayana duurka gal oo Jabhadee in aan maanta H/Yoonis ku dhex jabhadeeyo ayan diyaar u ahay,xaqiraada iyo aqoon gaabnanta ay kula noolyihiin tolkood Cali Siciid,waxaynu sugnaba waa shirka Daallo oo dhamada,in mudaa waxba maan qorin qoraalkan waxa igu kalifey waan adkeysan kari waayey hurdada ay ku jiraan Beesha Cali Siciid H/Yoonis hadan anigu hurdada ka kicina cid ka kicineysa ma jirto,khaqdarada hadii H/Yoonis sixi waayan balan waxan ku qaadaya in sidaas Somaliland iyo Somalia khaqdaro ugu kala tageen in Cali Siciid iyo Care Siciidna ku kala tagayan Magaca guud ee H/Yoonis,,dhamaan dhalinyarada Cali Siciid oo dhamina waa igu figrad inta aan ka ahyn Odayada Cali Siciid ee lagu yiri ilaaliya Magaca guud ee H/Yoonis.


Dhalinyarada Cali Siciid meelkasta oo Aduunka aad ka joogtaan igala soo xidhiidha email keyga waad mahadsantihiin.


Khan Maxamed Farax.
kjawil@hotmail.com
Vancouver Canada.

 
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.
 
 
 
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.