Dubai-(HWN)- Laacibkii aduunka ee Mucjisada kubada cagta aduunka Diego Maradona ayaa laga eryay tababarida kooxda Al Wasl ee ka dhisan dalka imaaraadka carabta.
Sida lagu shaaciyay bogga Twitterka ay ku leedahay kooxdaasi in macalinkoodii Diego Maradona uu ku fashilmay tababarida kooxda waxaana sidaa daraadeed laga eryay naadiga.
Sida uu saxaafada usheegay Afhayeenka Kooxda Al Wasl in kullan ay xalay yeesheen shaqaalaha kooxda iyo ninka agaasimaha ka ah naadiga in go aan
buuxda lagu gaaray in la iska eryo tababarohooda Diego Maraodan oo ay u arkeen in uu ku fashilmay macalinimada kooxda.
Maradona ayaa kooxdaasi ku soo biiray sanadii 2008 waxaana horyaalka dalkaasi uu a xili ciyaaredkaan dhaafin waayay kaalinta sideedaad waxaana uu sidoo kale ku guuleysan waayay koob ay Final imaadeen oo gool ku laaday looga qaaday.
Tababare Diego Maradona ayaa ku fashilmay markii labaad uu macalin unoqdo isagoona kol hore ku fashilmay xulka qaranka dalka Argentina oo kaalimo fiican gaarsiin waayay koobkii aduunka ee ugu dambeeyay.