align=justify>Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici waxa uu ka dayriyay abaarta sadex sanno jirsatay ee ka taagan deegaamada Gobolada Awdal iyo Salal,waxaanu mar kale ku celiyay baaq qaylo dhaan ah,oo uu u diray hayadaha Qaramada Midoobay kuwa samo falka Caalamiga ah,Ganacsatada iyo cid kastoo gacan ka gaysan karta hoos u dhigida xaraarada abaarta ka taagan deegaamada ay labadaas gobol koobsadaan.
madaxwayne ku xigeenka Somaliland aya si aad ah u amaanay dawlada jamhuuriayda Jabuuti oo uu sheegay in ay noqotay dawladii ugu horaysay ee ka soo jawaabtay baaqii qaylo dhaanta ahaa ee ay guddida qaranka ee Somaliland dhawaan u direen hayadaha caalamiga ah, qaadhaan bixiyeyaasha iyo dawladaha caalamka in ay gar-gaar cunto la soo gaadhaan dadka ay baaruhu aafeeyeen. Waxaanu tilmaamay in ay shan iyo toban baabuur oo raashin kala duwan ah soo gaadhsiisay dadka ku dhaqan deegaanada ay abaartu ku dhufatay, kuwaasi oo labadii todobaad ee u danbeeyay la gaadhsiisay raashinkaasi. Isaga oo xusay in xukuumada Somaliland intii awoodeeda ah ay gacan ka gaysanayso taakulada dadka deegaanada Awdal iyo Salal ee ay abaartu haleeshay.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici iyo weftiga uu hor kacayaa waxay maanta soo kormeereen Tuulooyinka ay ka midka yihiin Fiqi-Aadan,Fadhi Xun,Sh.Awaare,Geerisa,Caasha Cado, iyo Jiido kale oo ku teedsan waxaanu u mahadceliyay dadweynihii caawa sida diiran ugu soo dhaweeyay Magaalada Saylac,Weftiga ayaa lagu wadaa inay beri oo axad ah u ambo baxaan degmada Lughaya ee Gobolka Awdal.
Md. Saylici waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahiir Cali, Wasiirka Dib u dejinta Md. Cabdirisaaq Cali Cusmaan, wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Md. Cali Cilmi Geelle, Wasiir ku xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Md. Cali Xaamud Jibriil, ergayga madaxwaynaha ee gobolada Sanaag bari, xildhibaano ka tirsan golaha guurtida iyo masuuliyiin kale.