Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Beeraleyda Degmooyinka Gobolka Gabiley Ku Wacyigeliyay Inay ILAAHAY Ka Baryaan Raxmaadka, Bixiyaana Cashuurta Dowlada.


(Hadhwanaagnews) Sunday, July 15, 2012
Gabiley(HWN)-Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdi-Casiis Maxamed Samaale,oo uu Wehelinayo Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Geedoole,Masuulyiin katirsan Wasaarada Maaliyada Isuduwayaasha Wasaarada Beeraha Gobolada Awdal,

Gabiley(HWN)-Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdi-Casiis Maxamed Samaale, oo uu Wehelinayo Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Geedoole, Masuulyiin katirsan Wasaarada Maaliyada Isuduwayaasha Wasaarada Beeraha Gobolada Awdal,Oodweyne iyo Gabiley,ayaa isu soo marey Degmooyinka Gobolka Gabiley ee Arabsiyo,Alleybadey,Geed-Balaadh,Tog-Wajaale iyo Gabiley isagoo guud ahaanba Beeraleyda Degmooyinkaasi la yeeshay Kulamo loogu gudbinayay Fariinta Wasaaradaha Beeraha iyo Maaliyada.

Wasiirka oo Kulan Balaadhan Galinkii Dambe kusoo khatimay Socdaalkiisan Xaerunta D/hoose ee Degmada Gabiley kulankaas oo uu Beeraleyda Degmooyinka Agabar,Arabsiyo,Gabiley iyo Waliba Gudoomiyayaasha Degmooyinkaasi ayaa kulankaasi ugu soo bandhigey nidaamka Wakhtigan Xaadirka ah looga baahan yahey Beeraleyda iyo Fariinta ay Xukuumadu u gudbinayso oo ku sahansan isabdel ku yimid qaabkii awal hore looga qaadi jirey


Cashuurta Beeraha ee Sanadkii.

Waxa kulankan galinkii Dambe ee Maanta ay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdi-Casiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole la yeesheen Beeraleyda Degmooyinka Gobolk Gabiley goob joog ka ahaa, Badhasaabka Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan Maayarka Gabiley Axmed Muxumed Qaalib (Axmed-Samir), Xogahayaha D/hoose Gabiley iyo Gudoomiyayaasha Degmooyink Agabar iyo Arabsiyo.

Waxaana ugu horeyn kulankaasi hadal tafdheer oo uu kaga waramayo Axaadiis iyo aayaadka ilaahay iyo waxa ilaahay uga baahan yahey Dadka Muslimiinta ah halkaa ka jeediyay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdi-Casiis Maxamed Samaale waxaanu Wasiirku ku dheeraaday, in aanay Beeraleydu aaminin in ay wax weydiistaan
Bani,Aadmi lamid ah haseyeeshee Looga baahan yahey in ay ilaahay Wax weydiistaan taas oo looga baahan yahey in ay ka Xamdi naqaan nimacadaa ilaahay maanta u shubey Waxaana kamid ahaa hadaladiisa.

"Waxaa ilaahay mahadii ah oo ah in aynu ka xamdi naqno Nimcadaa ilaahay daqiiqado kadib inoogu badelay siigadii iyo boodhkii aynu maanta dhex soconay hadeynu dad Islaam ah nahey waxaa la inooga baahan yahey in aynu ilaahay Barino oo weydiisano naxariistiisa iyo nimacadiisa waa xaqiiq in lagu dhargayo gacanta ilaahay la hoos qabsado balse aan waxba lagu helayn gacanta bani,aadam la hoos qabsadaa Maanta Aduunyo ayaynu joognaa qof walba waxaa ka raacaya
kafan imisaynu garaneynaa kumanaan Xaaraan badan oo malaayiin ah qaatey oo aan maanta Waxba ka haynin xaraanta in la qaataa waa halis Aduunyada iyo Aakhiraba"Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland.
Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa.

"Hadii awal hore la idinka qaadi jirey Cashuurta Sanadkii ta D/hoose maanta waxa idinka qaadeysa oo kaliya Wasaarada Maaliyada oo Xukuumada dhexe ayaa D/hoose inteedii u celinaysa Wasaarada Beeruhuna waxey ku shaqo leedahay beer walba inta Cashuur ku Waajibeysa hadey tahey Beer Roobaad iyo hadey tahey Beer Biyood marka Cashuurta qofka laga doonayo waxyar ayaa kusoo hagaagaya laakiin marka Cashuurta la isku dardaro waxey noqoneysaa dhaqaale weyn oo dalka Wax u taraya oo inag kabaya waxyaabo badan oo lafdhabar u ah dhismaha Dowladnimadeena, rxmadana
ilaahay ayaa haya ee kutagala in aydaan baniAadan waxba weydiisan."Ayuu yidhi  Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdi-Casiis Maxamed Samaale.


Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadley Wasiirka Wasaarada Beeraha Faarax Cilmi Geedoole oo Sheegay in qofka beer leh ee aan beertiisa qodanin laba sano Wasaarada Beeruhu ka warejin doonto islamarkaana, ay siin doonto cid kale oo Beeraneysa, Waxaanu Wasiirku intaa ugu Beeraleyda hadalkiisa in looga baahan yahey Beeraleyda in ay soo
qaataan Shahaado, isagoo tilmaan ka bixiyay qaabka looga qaadayo Cashuurta oo ah beer Roobaadka oo laga qaadi doono boqolkiiba konton Cashuurta halka beer Waraabka ama Biyood boqolkiiba boqol Cashuurta Sanadkiiba islamarkaana waxa uu Tusaaleeyay Beeraleyda in Wasaarada Beeruhu ay cabir usameyneyso qaabka ay u bixinayaan Cashuurta beer waliba inta higtar ee la qodey.

.Waxa kale iyagun halkaasi hadalo kooban ka jeediyay Badhasaabka Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan, Maayarka Gabiley, Axmed-Samir, Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo C/laahi Cabdi Faarax oo ka waramey isagu baahiyaad kajira dhul beereedka Degamadiisa ee Arabsiyo.

Haseyeeshee Waxa isaguna halkaasi hadalo kooban oo uu ka jeediyay kulankaasi ku Sheegay in aanay deyrtan diyar u aheyyn bixinta Cashuur Sanadeedka Xukuumadu ka doonayso Gudoomiyaha Degmada Agabar Cabdi
Xuseen (Cabdi-Adeero), oo sheegay in y sabab u tahey Xaalado dag oo kajira Deegaankaasi Awgeed Sidoo kalena waxa iyaguna halkaasi ku cadeeyay in ay bixinayaan Cashuurtaasi Xukuumadu ka doonayso Daahir Muxumed Xudhun oo ka wakiil ah dhubeereedka Ceel-Giniiseed iyo Haydh-Tuulaha Ijaara Cabdi Quule Yuusuf.

Ugu Dambeyntii Wasiirka  Maaliyada,Wasiirka Beeraha iyo Masuulyiinta ku wehelinayay socdaalkani waxey kulamo kan lamid la yeesheen,Beeraleyda iyo Iskaashatooyinka Beeraleyda Degmooyinka Alleybadey,Geed-Balaadh iyo Tog-Wajaale oo dhamaantood aqbaley in ay bixinayaan CXashuurta Beweraha ee Xukuumadu ka doonayso.

Cabdiraxmaan Nuux Hiiraan

Hadhwanaagnews /Office

Gabiley/Somaliland

 

 

 

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.