Waxaan aad ula yaabay isl markaana aan doonayaa inaan inyar ka idhaahdo Maqaal lagu daabacay website ka hadhwanaagnews 14/july/2012 Ciwaana looga dhigay Jamal Cali Xusein wuxuu laf-dhuun gashay kunoqday UDUB ee ma UCID ayuu naf uhayaa, kaasoo uu qoray ninka isku magacaabay Abdihakeem Marrayare
Hadaba bal aan unoqdo ujeedadayda & maqaalkaas nuxurkiisa, bal ufiirso weedhaha la adeegsaday & micno la,aanta qoraalkan qaawan ee lagu weeraray qof muxtarim ah (qoraagu wuxuu ku bilaabay hadaalkiisa Sanadkan ayay ahay markii Jamaal Cali Xuseen dalka yimi
isagoo sita shandad lacag ah isagoo sheegay inuu musharaxa madaxwayne uyahay UDUB) sidoo kale wuxuu dhaliil uga dhigay Jamaal ninka qoraalkan isku hawlay inaanu Jamaal soo marin Jaranjarooyin uu sheegay in loo maro Siyaasada, waxaa kaloo wax lala yaabo ah inuu yidhi waxaa damaca ku dhaliyay Jamaal dhalinyarada gala ama kukulma Facebook-ga iyo dadkii uu usoo bandhigay Buugiisa diiwaanka qosolka taasoo runtii la odhan karo waa hadal kasoo burqaday Calool Naxli & Xaasidnimo ka buuxdo oo aan fayoobayn, waxaana aan odhan karaa (nin inkiray nimaan uba ogayn eedi way sugiye afxumadu maxay kaa asturi waan ku aragnaaye)
Hadaan usoo noqdo dhinaca Aqoonyahay Jamaal run ahaantii waa nin maanta aanu joogin Somaliland nin kaga haboon Position ka Madaxwayne 10 astaamood oo kala ah
a. Waa nin dhalinyaro ah Middle age (B) waa nin aqoonyahan ah oo leh aqoon heer caalami ah (C) waa nin dhaqaaleyahan ah oo wadanka ku samayn kara Developments (D) waa nin Expert ah kana soo shaqeeyay ugu yaraan 14 wadan oo kala duwan marka laga reebo Somalia/Somaliland (E) waa nin aduunka ka ha Registred (kadiiwaangashan) kuna jira dadka Intelligence ga ah ee aduunku danaynayo (F) waa nin ka foyow siyaasada gonad qabadka ah ee dalka lagu hagaayay isla markaana sita Card Nadiif ah (G) waa nin daacad ah isla markaana aanay ka suuragelin inuu sameeyo khiyaamo qaran maadaama aanu lasoo jaanqaadin isbedelkii dawladeed eek ala danbeeyay ee indho la,aanta ahaa
b. Dhanaca UDUB hadaan kuu yara iftiimoyo waayo waxaad u muuqataa nin aan war hay nee Cidla gudaayee waxaa la wada ogaa in Xisbiga udub sameeyay sharciyadii & system kii loo mari lahaa qaabka loosoo xulaayo musharaxa madaxwayne iyadoo Gudiyo farsamo loo saaray kuwaasoo soo sameeyay Conndition kii lagu kala reebi lahaa musharaxiinta isla markaana ragii hawshaas loo xilsaaray ay soo diyaariyeen qodobo & Cretaria laraaco taasoo ay kujirto in ninkasta oo u tartamaya jagadaas musharaxa uu dhigo lacag Deposit ah taasoo dhan 300Kun oo dollar loona kala qaybiyay laba qaybood Q:1aad oo ah 15kun oo xisbigu yeelanayo & Q:2aad oo ah 285kun oo ninka ku guulaysta musharaxu ku dhisaayo xisbiga & shuruudo kale oo dhawro (F.G waxaa lawada ogaa in raga sharcigan dhigay ay ahaayeen qaar quudaraynaya jagada iyagoo weliba islahaa idinka majirto cid idinka Jeeb roon oo awoodi karta inay shubto lacagtaas) waxaana sidoo kale lala wada socday in tartamayaashii soo gudbiyay Applications ka uu kamid ahaa Jamaal Cali Xuseen isagoo weliba aan lasocon sharcigaas, balse loo dhiibay sharcigii laysla qaatay laguna yidhi hadii aanad shubi karayn lacagtaas wax kale socon maayaan, balse Jamaal uu muujiyay Geesinimo isagoo ku dhiiraday inuu kaga dhabeeyo target kiisa siyaasadeed isla markaana uu shubo lacagtii laga rabay taasoo naxdin ku noqotay ragii damacu kayahay jagadaas, balse waxaa bilaabantay in groups kii doonayay inay jagadaas kelidood apply gareeyaan ay bilaabaan qaylo iyagoo leh xisbigii ayaa la iibsaday bal hadaba hadii Caqli fayoobi kugu jiro ma ninka sharciga sameeyay ee islahaa kelidaa ayaa ugu jeeb roon xubnaha xisbiga ee KOOTO kuxidho Booska ayaa iibsaday xisabiga? Mise ninka geesinimada muujiyay ee accept gareeyay sharcigii ladoonayay in lagu reebo isaga? Jawaabtaas waxaa laga sugayaa dadka caqliga fayow
Si kastaba ha ahaatee waxaa maanta u bidhaamay Somaliland IFTIIN baxaaya oo la odhan karo waa mid dhawaan la arki doono faa,iidadiisa run ahaantii jamaalna maanta maaha nin ay wax yeelayso qof Xisdi & Buqdi kala dabaqayliya waana halyay ay hareero socdaan kumanaana aqoonyahan, mutacalimiin, jaamiciin, dhalinyaro, haween reer Somaliland ah oo uheelan in laga guuro System ka KOOTADA ah ee Old Guards ka ah waana laga gudbay maanta wakhtiyadii la odhan jiray reer/Hebel & qolo qolo ama qof diid waxaa la gaadhay wakhti tayo & tacliin la dooranaayo ee Marrayaraw Afxumadu nabadna way kaa kaxaysaa Colaadna wax kaagama tartee kadaa xajiimaynta aqoonyahanka Muxtarinka ah waxaanay tidhaahdaa somalildu Af caytamay ninleh ayuu kuyaal,
Guntii & gebagabadii Waxaan ku odhan lahaa dadka waxaa loosoo bandhigaa wixii ay akhrisan karaan balse hadalkaagu yaanu noqon mid markiiba u xuubsiibta qof weerar & xaasidnimo mida kale waxaa jira asxaab badan & Ururo badan ee hadii aad mid diido kaad doonayso uun taageer balse afxumo yaanay kaaga tegin qaar kale
Waxaan leeyahay qolyaha Saxaafada dadku isku wada LEVEL ma ahee waxaa idinku ah waajib in shakhsiyaadka qiimaha leh laga ilaaliyo wixii aan u qalmin waayo dadka idinkaa u ah dhex isla markaana kala yaqaana qof kasta meeqaamkiisa & wixii aan ahayn meeqaamkiisa waxaanan leeyahay Aqoonyahan Jamaal & Madaxda kale ee heer qaran ama dadka sharafta inga mudanba ka haada raali xag xagashada aan loom eel dayayn ee laydinkula kacaayo
Cabdi Cabdilaahi Maxamed
Berbera
Aam705@hotmail.com