Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


JAMAAL ALI HUSSEIN WAA QORAX USOO BAXDEY XISBIGA UCID Qalinkii Ciise Cali Haybe


(Hadhwanaagnews) Sunday, July 15, 2012
Waxaan marka hore salaamayaa dhamaan warbaahinta madax banana iyo akhristayaasha sharafta leh

Waxaan marka hore salaamayaa dhamaan warbaahinta madax banana iyo akhristayaasha sharafta leh Asalamu caleykum

Bacda salaam waxaan doonayaa ina wax yar ka yidhaahdo ku biiritaanka jamal cali xusen uu ku biirey UCID iyo waxa uu kusoo kordhin karo Ururka Cadaalada Iyo Daryeelka

Dadka badankooda waxey yidhaahdaan jamal cali xuseen ma laha khibrad hogaamineed,balse taasi waa been qofka taas ku doodayaana ma hayo taariikhda jamal cali xuseen

Jamaal waxa uu wax badan kusoo kordhin karaaa siyaasada Somaliland isagoo ah siyaasiga kaliyaata ee kasoo

jeeda Somaliland darajo caalami aha xambaarsan shahaado sharafyo badan ku guuleystey aqoon iyo xidhiidh soke ay leeyihiin in ka badan 30 madaxweyne African ah iyo caalami ah. Dadka siyaasada ka faalooda waxey leeyihiin haddiiba uu ku guuleysto hogaanka dadka waxa u fududaan doonta inuu si fudud ula macaamilo dunida kale isagoo Somaliland geyn kara mansab caalami ah.

Jamaal haddaanad aqoon u laheyn waa dhaqaalayahan caalami ah oo muddo 25 sanno ka badan kasoo hawl gallaayey bangiyo caalami ah, wuxuu madax ka noqdey bangiga Citibank dalalka Ivory Coast,Trinadad and Tobago,Sacuudi Arabiya,Poland,Mexico,Britain,Indonesia iyo dalalka Kenya oo Citibank madax usoo noqday.

Sannadkii 1997-kii ayuu madax ka noqday Qaybta ganacsiga ee Citibank Group eek u taalla xarunta magaalada New York wuxuuna hadda ka mid yahay maamulka ugu sareeya Baanka Citibank Group oo ah baananka dunida ugu waaweyn.

Wuxuu ka mid yahey guddida sare oo dawlada Tanzania kala talisa dhinaca xidhiidhka caalamiga ah iyo maalgashiyo oo iskugu jira tujaar,madaxda shariikadaha waaweyn ee tansaania roundtable Board wuxuu sidoo kale xubin ka yahey khuburadda dhinaca dhaqaalaha ee qaarada Africa iyadoo in ka badan 20 Dowladood ay kala tashadaan dhinaca dhaqaalaha iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Wuxuu shahaado sare oo Master Degree dhinaca dhaqaalaha ah ka haystaa jaamacadda Harvard ee duniga ugu weyn,wuxuu sidoo kale haystaa shahaadada ugu sareeysa cilmiga xisaabiyadda

 

Haddaba waxaan ula yaabey dad is indho tiraaya oo aan kala saari waayey iney ka tahey xaasidnimo iyo iney tahey aqoon la,aan ka heysata historiga Jamaal

Waxaan aad ula yaabey iney dadka intooda badan ku andacoodaan Jamaal siyaasadiii dusha ayuu kaga yimid ee seeska kamuu soo bilaabin qaarkoodna waxaabey ku leeyihiin wax khibrad ah uma laha arimaha siyaasada Somaliland

Jamaal wuxu maamule ka yahey Baan mareykan ah oo 10 jeer ku soo laba laamaya miisaniyada Somaliland sanadkii ay soo xarayso , wuxuu heystaa khibrad maamulnimo oo aan cidi la mid ahi heysan taas ay usuuro galisey madaxweynayaasha faraha badan ee uu xidhiidhka la leeyahey.

Waxaan dhamaan taageerayaasha Jamaal cali xuseen iyo taagerayaasha xisbiga UCID ay is garabsadaan dadaalkana halkaa kasii laba laabaaan

 

Qalinkii Ciise Cali Haybe

 wacays_16@hotmail.com

********************************************************

 

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.